Radio Gedo

Radio Gedo Waa Page_ka Runta ah ee Radio Gedo Codka Gobolka Gedo Nugu Soo Biir oo like saar page_ka si aad u heshid warar iyo warbixino hufan oo xaqiiqda ku saleeysan

Guddoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein Abdi Lafeey ayaa caawa booqasho dhiirrigelin ah ku tegay Dugsiga Farsamada G...
02/06/2026

Guddoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein Abdi Lafeey ayaa caawa booqasho dhiirrigelin ah ku tegay Dugsiga Farsamada Gacanta Mustaqbal ee Xeerada Barakaca Kabaso si uu u xoojiyo nabadda iyo horumarka deegaanka.

Guddoomiyuhu waxa uu bogaadiyey dhalinyarada hal-abuurka leh ee ku hawlan ganacsiyada iyo barashada xirfadaha kala duwan, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda waxbarasho iyo sida ay uga faa’iidaysanayaan tababarrada farsamada gacanta ee ay helayaan barakacayaasha iyo bulshada deegaanka.

Guddoomiye Lafeey ayaa xusay in barashada farsamada gacantu ay tahay furaha shaqo-abuurka, isku-filnaanshaha iyo horumarka dhalinyarada deegaanka.

Maamulka Dugsiga Farsamada Gacanta ee Mustaqbal ayaa dhankiisa sheegay in dugsigu maalintii shaqeeyo, isla markaana hadda lagu soo kordhiyey fasallo habeenkii ah si arday badan loogu suurtageliyo inay bartaan xirfadaha farsamada gacanta.

Booqashada Gudoomiyaha waxaa ku wehlinayay Madaxa mashariicda iyo xiriirka Hay’addaha Doolow Abdiqani Hassan Uumiye iyo isuduwaha wasaaradda howlaha guud Jubbaland ee Doolow Mohamed Qani Kuusow.

02/06/2026

Degdeg; qoyska wiil yar oo shalay lagu dilay Buulo-xaawo oo dalbaday in gacanta lagu soo dhigo askariga dilka geystay oo ku jira xerada Uk.

DEG DEG:Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa goordhow soo saaray jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Gobol...
01/06/2026

DEG DEG:Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa goordhow soo saaray jadwalka doorashada Guddoonka iyo hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

DEGDEG; Wararka naga soo gaarayo magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo waxaa dhawaan lagu toogtay wiilkan oo ah arday isk...
01/06/2026

DEGDEG; Wararka naga soo gaarayo magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo waxaa dhawaan lagu toogtay wiilkan oo ah arday iskuul, iyada oo dhinaca kale magaalada ka soo cusboonaatay xiisad u dhaxeyso dhinacyo deegaanka.

Magaalada Luuq ee gobolka Gedo oo maanta si diiran loogu ciiday ciidul Adxaa.Maamulka degmada Luuq, kan gobolka Gedo iyo...
27/05/2026

Magaalada Luuq ee gobolka Gedo oo maanta si diiran loogu ciiday ciidul Adxaa.

Maamulka degmada Luuq, kan gobolka Gedo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa salaaddi ciidda saaka ku oogay banaan barxadda Cakaaro iyo sidoo kale garoonka kubadda cagta ee degmada.

26/05/2026

Degdeg"- Gudoomiyaha Doolow oo weerar afka ku qaaday saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan Beledxaawo

DEGDEG:- Nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed Soomow ayaa hada lagu dilay xaafada Qansax ee dagmada ...
20/05/2026

DEGDEG:- Nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed Soomow ayaa hada lagu dilay xaafada Qansax ee dagmada Baladxaawo.

Yarkan oo ka mid ah dhalinyarada Timaha jara aadna looga yaqaana dagamda ayaaa dableyda ay ku soo weeerartay goobtiisa shaqada.

Dableyda ayaa goobta ka baxsaday waxaana ciidamada amaanka ay wadaan baaritaano xoogan

OGAYSIS OGAYSIIS  SHIFA HOSPITAL EE DEGMADA B.XAAWO WAXAA BERITO KA SHAQA BILAABAYA DR AXMED BAASHI (ABUU SHAAFI)       ...
07/05/2026

OGAYSIS OGAYSIIS
SHIFA HOSPITAL EE DEGMADA B.XAAWO WAXAA BERITO KA SHAQA BILAABAYA DR AXMED BAASHI (ABUU SHAAFI)
WIXII FAAH FAAHIN AH FADLAN KALA XARIIRA TELL 0618422288. 0615430261. 0614863055

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo booqasho...
06/05/2026

Wasiirka Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Burkina Faso ayaa caawa kulan gaar ah la yeeshay Hoggaamiyaha guud ee Dowladda Burkina Faso Kabtan Ibrahim Traoré, isagoo la wadaagay farriin rasmi ah oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka siday.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in booqashadiisu ay qayb ka tahay dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in Burkina Faso iyo Soomaaliya ay wadaagaan caqabado argagixiso, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga, gaar ahaan dhinacyada la dagaallanka argagixisada, tababarrada, is-weydaarsiga xogta sirdoonka iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga

Wariye Ali Yare .

DEG DEG Dagaal Culus oo u Dhexeeya  dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa ka socda xaafadda Warlaliska,...
06/05/2026

DEG DEG Dagaal Culus oo u Dhexeeya dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa ka socda xaafadda Warlaliska, degmada Daynile.

Dhawaqa Rasaas culus iyo tan Fudud ayaa laga maqlayaa xaafadaha.halkaas oo Maalmahan ay Ka Taagneyd Xiisad La Xirirta Dhul burburin.

Wixii kusoo kordha halkan kala soco.

Address

Wadad Buundada
Dolow
04222

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Gedo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Radio Gedo:

Share