Xidaar

Xidaar news

Caawa oo ah habeen hakisa/khamiis.Malluugta cirjiidh/Cirjeex/Jupiter/mushtarMudugeeduna waa biyoTirsiga dabshidku waa 23...
04/03/2026

Caawa oo ah habeen hakisa/khamiis.Malluugta cirjiidh/Cirjeex/Jupiter/mushtar
Mudugeeduna waa biyo
Tirsiga dabshidku waa 232 habeen hayaame wuxuu tusmo dhigtay godka 13aad ee Naasogaale/Babac dirir/zavijava

Ayaan:Hakisa
Malluug:cirjiidh
Mudug:biyo

๐€๐ฆ๐›๐จ ๐๐จ๐ซ๐ซ๐š๐ฑ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐๐š๐š๐ฌ๐จ๐ ๐š๐š๐ฅ๐ž
Naasogaale waa godka 13aad tirsiga guud ee 28 god
Godkani qorraxdu waxay la joogtaa 13 maalmood oo ku beegan tirsiga 22/09aad ilaa 04/10aad ee tirsiga miilaadiga

๐‚๐ฎ๐ง๐ฌ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐๐š๐š๐ฌ๐จ๐ ๐š๐š๐ฅ๐ž

Babac dirir/Naasogaale/Kodxin tuurey/Zavijava
Waxa la odhan jiray dadka dhashaa waa dad qalooc badan oo inta badan dadka aan aqbalin.Sidoo kale waxa la odhan jiray Qofka dhashaa wa qof sabool ah oo xooluhu uma tarmaan oo neef neef kaliya ayuu yeeshaa sidaa darteed waa caydh.Godkani iyo godadkii ka h**eeyba waxay ahaayeen godad la necbaa oo sabool ah

FG:Mudug.malluug mooro iyo mansil midna shar iyo khayr ma keenan dunidani waxa ka socda eebaa jaan gooyey cid wax ka badali kartaana majirto
Se waxay naga tahay in la ogaado sooyaaladii soomaalidu soo martay
Halkaa aynu ku dhaafno god kamida godadka habar Naaf ee Naasogaale/Babac dirir

Dayaxu wuxuu u jeestay kulaalaha Koonfureed tropic of Capricorn
Halkaana waxa h**e usii joogtay walow ay kusoo noqotay Dhulbadhaha maalmana u hadheen qorraxda
Hayaame wuxuu isku diyaarinayaa oo usii hoobanayaa dhalashada bil cusub

Degmo cireedada hayaame usii guureyn doono

Miisaanka/libra
Dibqaloo/Scorpio
Qaansada/Sagittarius
Waxarka/Capricorn
Wadaanta/Aquariu
kaluunka/pisces ayuu ka dhici doonaa conjunction dayaxa iyo qorraxdu abaaro 3:30am 19/03/2026
Godka duuganti/Dhawaaq dhowr
Ramadaan waxaynu fili in ay ku bilato 28 meecaad yibile/foocaar walow magac danbe god kale ay wada leeyihiin
Waa saadaal

Hayaame
Xidaar

Address

Xogdoon
Erigavo

Telephone

+252634197684

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xidaar posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xidaar:

Shortcuts

Share