14/12/2022
Kulanka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar kale u baaqdey kooram la'aan. Guddoonka Aqalka Hoose ayaa ka dalbadey Xildhibaanada maqnaa in ay soo xaadiraan fadhiyada. Baaqashada ayaa kusoo aadaysa xilli ay jiraan warar sheegaya in mooshin uu ka yaallo guddoomiye ku xigeenka koowaad Sacdiya Yaasiin Samatar wallow kulankii maanta ay goobjoog ahayd.