14/04/2025
Xogwarran
Somaliland iyo Khaatumo, waxa u bilawnaa wada hadal. Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo aan xilka la wareegin ayuu gogol nabadeed u dhigay reer Sool. Ergada dhanka nabadda loo igmaday, waxa ay ahaayeen dhaqanka beelaha Absame oo uu hoggaaminayay Garaad Kulmiye Garaad Wiil-Waal. Garaad Kulmiye, waxa uu la kulmay dhaqanka iyo madaxda Khaatumo 28 Dec 2024, isaga oo u sheegay in ay ergo nabadeed yihiin.
Eeg lifaaqan: https://www.facebook.com/share/v/18yX8stkXQ/
Somaliland, si ay dunida ugu muujiso in ay nabaddu uga go'an tahay, waxa madaxweyne Cirro 21/Jan 2025 magacaabay Guddida Qaran ee Nabadaynta Somaliland. Guddidani, waxa ay ka shaqaynaysaa nabadaynta colaaddii ka dhacday Laascaanood iyo beelaha wada dega gobolka Sool.
Eeg lifaaqan: https://www.facebook.com/share/p/12M2A2q97u7/.
Dhanka kale, 23 January 2025, ergadii nabadda ee Garaad Kulmiye waxa ay shir ku qabteen magaalada Hargaysa, iyaga oo la kulmay Guddida Qaran ee Nabadaynta Somaliland iyo qaar ka madaxda dhaqanka Somaliland. Waxa ay sheegeen, in ay nabad ka sidaan Garaadadii Laascaanood.
Eeg lifaaqan: https://www.facebook.com/share/v/19GBTjoYjD/
28/Jan 2025, Guddida Qaran ee Nabadaynta Somaliland, waxa ay la kulmeen Danjira Ingiriiska u fadhiya Soomaalia Amb. Mike Nithavrianakis. Kaas oo qayb ka ahaa arimaha nabadaynta reer Laascaanood iyo Somaliland. Kulankaas, waxa ay isku afgarteen in la dardargeliyo wada hadalada iyo in maxaabiista la is dhaafsado.
Eeg lifaaqan: https://x.com/MikeNith1/status/1884202888496652558?t=eeytRjDuHEP8jXzj4uWXUA&s=19
Intaa ka gadaal waxa bilaabmay, shaqada Ergada Nabadda. Waxa se hakiyay Firdhiyo oo ay Garaadadu wakiisheen wada hadalada, walow aanu keenin sababo maangal ah oo wada hadalku ku joogsan karo. Waxana dib loogu ballamay in dhammaadka bisha Rabadaan ergadu shaqadii dib u bilawdo. Ha se yeeshee dhanka Firdhiye ay waxba ka socon waayeen.
Haddaba, arinka maxaabiista ee maanta sidee ayuu ku yimi?
Dunida ayaa cadaasi ku saartay Firdhiye iyo Garaadad Laascaanood, in ay furaan wada hadal isla jeerkaana ka shaqeeyaan sidii maxaabiista la isu waydaarsan lahaa. Ha se yeeshee, Garaadada ayaa ku cudurdaartay in ay hawshaa u xilsaareen Firdhiye. Cadaadis badan ka dib, Firdhiye waxa uu u qaylo dirtay Xasan Shiikh iyo RW. Xamse. Falamagur badan ka dib, waxa la isla qaatay, in Xamse Laascaanood tago sababahan soo socda awgood:
1. Haddii Xamse yimaaddo Laascaanood, waxa ka dhacaya culays aad u weyn oo Raysalwasaaraha ka haystay dhanka metelaadda uu ku joogo Xamar ee afar dhibic shan.
2. In cadaadis lagu saaro maamulada Puntland iyo Jubaland oo Xasan iyo Xamse labaduba ay hungo ka joogeen, si ay wax uga beddelaan mawqifka ay ka taagan yihiin dawladda Fadaraalka ah.
3. In Khaatumo, loo ogolaado dhaqaale, mashaariic iyo wax aqoonsi u eeg. Taa beddelkeedana ay iyagu xushaan xildhibaanada beesha Laascaaanood ku metelaya Fadaraalka oo ay Puntland soo xuli jirtay.
4. Maadaama oo ay dawladaha reer Galbeedku uga digeen Xamse iyo Xasan in aanay Laascaanood tegen oo uga sii daran xasaradaha taagan, waxa ay ku celceliyeen in ay Laascaanood u tegayaan sii daynta maxaabiista iyo furidda jid wada hadal. Waana sababta uu maanta u codsaday Xamse, in la raaciyo maxaabiistii uu adduunka u sheegay.
5. In ay si uun u carqaladeeyaan Somaliland oo qarka u saaran in ay dunida ka hesho aqoonsi buuxa. Kaas oo ay dabada ka riixayaan quwadaha dunida oo sodonkii sano ee u dambeeyay nafta ku hayay Somalia, laakiin wax ka soo rayn ah yeelan wayday, suuragal na ay tahay in Maraykanku xidho safaaraddii ay ku lahaayeen Muqdisho. Taas oo dhabada u jeexi doonta in ay Alshabaab la wareegto Muqdisho, maadaama oo ay imikaba ku hareeraysan tahay.
Ugu dambayn, arrimaha aynu xusnay oo dhami, waxa ay sheegayaan in Xamse dhexda kaga soo dhacay shaqo socotay. Ceebna ma aha in maxaabiis la is dhaafsado. Tus: Ruush iyo Ukrayn, waxa ay maxaabiista is dhaafsadaan iyada oo dagaalku socdo oo aanay jirin xataa xabad joojin. Ha se yeeshee, maxaabiista imika la siidayay kuma jirto xisaabaha la is dhaafsanayo, maadaama oo aanay ku iman hannaankii wada hadalka ee u socday Khaatumo iyo Somaliland.
W/Q: Gaanni