Afwaan Sooyaal Dakhare

  • Home
  • Afwaan Sooyaal Dakhare

Afwaan Sooyaal Dakhare wadajir baa guuloo, kala tag waa geeri, guuloow Allahayoow, garansii intii mooggan.

Kala duwanaanta masaa'isha Fiqhiga: masalada qaabka gacmaha loo dhigayo xilliga sarajoogga ee salaadda iyo afarta iimaam...
25/06/2025

Kala duwanaanta masaa'isha Fiqhiga: masalada qaabka gacmaha loo dhigayo xilliga sarajoogga ee salaadda iyo afarta iimaam ee ahlu sunnaha.

Warqaddani waa warqaddii ay Soomaaliland xorriyadda kaga qaadatay Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Woqooyiga Ayrl...
18/05/2025

Warqaddani waa warqaddii ay Soomaaliland xorriyadda kaga qaadatay Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Woqooyiga Ayrlaan, 26 Juun 1960kii. Sida warqadda ku cad waxa xorriyadda kala qaatay laba dawladood oo ah Soomaliland iyo Boqortooyada Ingiriiska. Somaliland waktigaa waxay ahayd dawlad gaarkeeda u taagan. Soomaliland markii ay xorriyadda ka qaadatay ingiriiska waxa aqoonsaday 35 dal. Waa dawladdii ugu horraysey ee Soomaali leedahay ee xorriyad hesha 1960kii. Sidaa Soomaaliland waxa ay ku noqotay hooyada dawladnimada Soomaalida ilaa haddana ku tahay. Soomaaliland waa dawladda ugu da'da wayn dawlad Soomaali leedahay. Dawladnimadaa xorta ah waxa ay Soomaaliland lumisay 1 Julay 1960kii markii ay Soomaaliya la midowday iyada oo 35 dawladood aqoonsan yihiin. Haddaba, 18 May, oo aynu maanta u dabbaaldegaynaa waxa ay salka ku haysaa xorriyaddaa aynu luminay I Julay 1960kii oo aynu mar kale dib ula soo noqonnay 18 May 1991kii. Warqaddani waa taariikh caddaynaysa in aan dawladnimada Soomaliland iyo jiritaankeedu ahayn wax gorgortan geli kara.

Soomaaliland ha noolaato. Happy 18 May.

Mustafe Jalawo

Afarta nooc ee caqliga (IQ, EQ, SQ, AQ)  waxay qeexayaan awoodaha kala duwan ee  qofka, waxaana loo adeegsadaa cabbiridd...
16/04/2025

Afarta nooc ee caqliga (IQ, EQ, SQ, AQ)
waxay qeexayaan awoodaha kala duwan ee
qofka, waxaana loo adeegsadaa cabbiridda
dhinacyo kala duwan oo garaadka ah.

1. **IQ (Intelligence Quotient) – Garaadka Caqliga

IQ waa cabbir lagu qilmeeyo garaadka
qofka ee dhinacyada xisaabta, falanqaynta,
iyo xallinta dhibaatocyinka. Qof leh IQ
sare wuxuu si degdeg ah u fahmi karaa
macluumaadka cusub, xallin karaa su’aalo
adag, wuxuuna leeyahay awood waxbarasho
oo sare.

Tusaale: Climi-baarayaal, injineero, iyo dadka
jecel xisaabta iyo sayniska badanaa waxay
leeyihiin IQ sare.

2. **EQ (Emotional Quotient) – Garaadka Dareenka**

---
EQ waa awoodda qofku u leeyahay in uu
fahmo dareenkiisa iyo kan dadka kale, uuna
si sax ah ula macaamilo. Dadka leh EQ
sare waa kuwa karti u leh is-xak**aynta,
la-qabsiga xaaladaha bulsho, iyo sameynta
xirirro wanaagsan.

Tusaale: Hoggaamiyayaal wanaagsan,
macallimiin, iyo dad si frican loola shageyn
karo waxay leeyihiin EQ sare.

3. **SQ (Spiritual Quotient) –
Garaadka Ruuxiga ah**

SQ waa awoodda qofku u leeyahay in
uu fahmo macnaha nolosha, u flirsado
xidhidhka ruuxiga ah, iyo in uu yeesho
aragti qoto dheer oo ku saabsan jiritaanka
iyo ujeeddada nololeed. Dadka SQ sare
leh waxay inta badan raadiyaan xikmad iyo
su’aalaha qoto dheer ee nolosha.

Tusaale: Dadka cilmi-nafsiga ruuxiga ah
bartay, falsafiyiin, culimada diinta, iyo
hal-abuurayaal.

---
4. **AQ (Adversity Quotient) –
Garaadka Dulgaadka iyo Dhibaato-Ka-Adkaanta**

AQ waa awoodda qofku u leeyahay in
uu ka adkaado caqabadaha, u dulgaato
cadaadiska, una adkaysto xaaladaha adag.
Dadka leh AQ sare waa kuwa ka bogsan kara
dhibaatocyinka si fudud, jecel halganka, una
adkaysta gouldarrooyinka.

Tusaale: Ganacsatada guusha gaara kadib
dhibaatocyin badan, orodyahannada caanka
ah, iyo dadka leh taariikh nololeed adag oo
haddana horumar sameeya.

**Gunaanad**
Afartaan nooc ee garaadka ah waxay muhim
u yihiin qofka, mana aha in la fiiriyo IQ oo
kaliya. Qofkii isku dheellitira IQ, EQ, SQ,
iyo AQ wuxuu gaari karaa nolol goul iyo
farxad leh, maxaa yeelay wuxuu awood
u yeelanayaa inuu wax fahmo, dadka la
dhaqmo, nolosha qoto dheer uga fikiro, iyo
inuu ka adkaado caqabadaha.

---
Adigu xagebad is leedahay waadku xoog badantahay?

Xig. Xaaji cige

04/04/2025

Rogrog oo arladoo dhan
Aduun baan ku rabaaye
Ku raabaa, ku rabaaye
Rasmiyeey ku wataaye
Naftu kuu rixisaaye.

Inta Roone abuurtay
Adaan raali geshaaye
Runta kaala dhacaaye
La dhacaa, la dhacaaye
U rabloobay dartaaye.

Ribbayoo kalgacaylku
Kaama roori aqaane
Waan ku raadin aqaane
Mana raysan aqaane
Marna hayga ruclaynin.

Haddii aad rabac aaddo
Rugtii ay dani keento
Sina haygaba raagin
Hayga raagin xabiibi.
...................

Raaliyaay dumarkoo dhan
Aduun baan ransadaaye
Ransadaa, ransadaaye
Kashu kuu ruxantaaye
U riyaaqay dartaaye.

Inta Roone abuurtay
Adaan roon iyo raydhba
Ra'yigaaga maqlaaye
Ku maqlaa, ku maqlaaye
Raatib aan ka dhigtaaye.

Haddaad roox i tidhaado
I ruxyoo hadalkaagu
Wadnuhuu i ridaaye
Niyadduu i rogaaye
Rubaduu i jaraaye.

Weedha ruuxda damqaysiyo
Qacda laysku rifaayo
Kaftankii xumi reebban
Naxdin oo dhami reebban.

—Sooyaal Dakhare

Gurmadka nabadda.
25/03/2025

Gurmadka nabadda.

Adiguna sideeNin Mareykan ah oo Lo' ku dhaqdo Dalka Mareykanka ayaa Saalada Lo'diisa ka sameeyay Sawirka Madaxweyne Trum...
19/02/2025

Adiguna sidee

Nin Mareykan ah oo Lo' ku dhaqdo Dalka Mareykanka ayaa Saalada Lo'diisa ka sameeyay Sawirka Madaxweyne Trump. Nin Kawaanle ah oo Mareykan ah ayaa Hilibkii uu iibinayay ka sameeyay Sawirka Madaxweynaha Mareykanka.

Adigu maxaad ka samey leheyd Sawirkiis?

Qore: Yahya Amir

"Caawa waxaan gabaygan Muj,Hadraawi  usoo qaatay Kuna Dhiiri gelinayaa Halyeey kasta oo u taagan inuu la dagaalamo dulmi...
11/01/2025

"Caawa waxaan gabaygan Muj,Hadraawi usoo qaatay Kuna Dhiiri gelinayaa Halyeey kasta oo u taagan inuu la dagaalamo dulmi faleyaasha iyo kuwa is biday."

"Nimanyahow gantaalaha subkee, gamaska dhiigeeyay,
Nimanyahow galkiyo seefta yidhi, gees u kala leexda,
Nimanyahow sidii awr gurgura, caynku gubi waayay,
Nimanyahow garbaha buuxsadee, raray gardaadkooda,
Nimanyahow gadoodiga bartiyo, galow la soojeedka,
Nimanyahow habeenkii gudee, guura-bahaleeyay,
Nimanyahow gadiidkii socdee, meel hadh gali waayay,
Nimanyahow sariir lagu gam’iyo, gogol ka dheeraaday,
Nimanyahow guryaha diiday iyo, gaari lala seexdo,
Nimanyahow gasiinkii ka tagey, gaws wax lagu qaato,
Gudcur dama cirkoo gibil xidhoo, dhibic is gaadhsiiyay,
Nimanyahow gudgude soo curtiyo, guuxu kari waayey;
Gabadannada nimanyow dugsaday, gooro laga hoyday,
Nimanyahow gabboodkiyo dugsiga, gellina hayn waayay,
Gudguduudka waagiyo saqdhexe, maalin kala guurtay,
Mugdi gaba' cadceed gaasabaxa, waaga galacdiisa,
Nimanyahow gumeystaha ku jaray, gaadmo iyo weerar;
Miinada gumaadkiyo xeryaha, gaadhka lagu meershay,
Nimanyahow sidii aarka guda, guudka kaga booday,
Nimanyahow guddoonsaday inaan, godobtu duugoobin,
Nimanyahow ma guurtada xuska leh, galiyay taariikhda;
Haddaydaan adduunyada gilgilin, xil i ma guuleene,
Laabtayda k**a soo go’een, tix iyo geeraar e,
Gocashada dareenkiyo murtida, ama se guurowga,
Waxaad geysateen buu ku yimid, gabaygan joogaa."

Muj Hadraawi AHN
~ GALANGAL | 1970 | Dagaalkii Maraykanka iyo Fiitnaam.

Cabdullaahi Ismaaciil

Hambalyo, xuska maalinta calanka Ethopia. Sannadkan sannadkiisa Eebbe baadhe iyo barwaaqo haydinku gaadhsiiyo.Congratula...
14/10/2024

Hambalyo, xuska maalinta calanka Ethopia. Sannadkan sannadkiisa Eebbe baadhe iyo barwaaqo haydinku gaadhsiiyo.

Congratulations, on the celebration of Ethiopia's Flag Day. May God grant you prosperity and abundance in the next coming year.

Buurihii waligood qallalnaa ee magaalada Barakeysan ee Mekkah Al-Mukarrama oo Doog Cagaaran isku beddelay.Abdirashid Ali...
05/09/2024

Buurihii waligood qallalnaa ee magaalada Barakeysan ee Mekkah Al-Mukarrama oo Doog Cagaaran isku beddelay.

Abdirashid Ali Barre

16/08/2024

Slow down and be patient with life if you are looking for wealth someone else is looking for health and if you are looking for health some else just died each time a new mansion springs from earth a new grave is dug below the earth each time you throw food into the dustbin someone else is looking for remnant to eat, for each smile on the planet there's a drops of tears in another place on another planet for each celebration of a new child birth there are tears of burial.

Address


Telephone

+252634194707

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Afwaan Sooyaal Dakhare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share