LiibaanTuute

LiibaanTuute Liibaan tuute wa madal aad helaysid warar,warbixino iyo barmamujyo ku xise geliya ku xidhno LBN tuute.

Ururka  Saxafiyiinta  Madaxa-bannaan ee Gobolka Sanaag  ee (SIJA )ayaa maanta magaalada Ceerigaabo ku qabtay munaasabad ...
04/05/2026

Ururka Saxafiyiinta Madaxa-bannaan ee Gobolka Sanaag ee (SIJA )ayaa maanta magaalada Ceerigaabo ku qabtay munaasabad ay ku xusayeen Maalinta Saxaafadda Adduunka. Kulankaas waxa ka soo qaybgalay weriyeyaasha madaxa-bannaan , ee ku midoobay Ururka Saxaafadda Gobolka Sanaag ee SIJA.

Sidoo kale, xuska waxa weheliyay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Doorka ay Saxaafadu ku leedahay Daminta Calaadaha Iyo Xoojinta Nabada

Guddoomiyaha Ururka SIJA ee Sanaag Independent Journalists, Cabdaladiif Siciid Casayr, iyo weriyayaal kale oo kulankaasi ka hadlay ayaa weriyeyaasha kula dardaarmay ka shaqaynta arrimaha nabadda iyo kor u qaadista aqoontooda ku aaddan warbaahinta.

Guddoomiye Casayr ayaa sidoo kale sheegay in ururku bilaabayo diiwaangelinta weriyeyaasha iyo kala saaridda dadka aan lahayn xirfadda warbaahinta si kor loogu qaado anshaxa saxaafadda.

Booqasho Waxbarasho โ€“ Ardayda Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda SanaagQaar ka mid ah ardayda Kulliyadda Sharciga ee Jaam...
17/11/2025

Booqasho Waxbarasho โ€“ Ardayda Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Sanaag

Qaar ka mid ah ardayda Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Sanaag ayaa maanta booqasho waxbarasho ku tegay Maxk**adda Gobolka Sanaag.

Ujeeddada booqashadu waxay ahayd in ardaydu si toos ah uga faaโ€™iidaystaan habraacyada sharci garsoorka, una arkaan sida dacwadaha loo qaado, loo dhageysto, loona xukumo, taas oo muhiim u ah kobcinta aqoontooda sharci ee dhanka garsoorka.

Booqashadan ayaa qayb ka ah barnaamij waxbarasho oo lagu xoojinayo fahamka ardayda ee ku saabsan nidaamka caddaaladda iyo shaqooyinka hayโ€™adaha garsoorka, waxaana iska kaashaday Jaamacadda Sanaag iyo Xarunta Khilaafaadka (ADR).

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐š๐ง ๐ฅ๐ž๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐‡๐š๐ฅ๐๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š, ๐–๐š๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š, ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฒ๐š๐ก๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ƒ...
23/10/2025

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ๐š๐š๐ง ๐ฅ๐ž๐ก ๐ฅ๐š ๐ฒ๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐š๐ฒ ๐‡๐š๐ฅ๐๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š, ๐–๐š๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š, ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฒ๐š๐ก๐š๐ง๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐ง๐ค๐š ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ซ๐ฌ๐š๐ง๐ ๐ž๐ฅ๐ข

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa caawa magaalada Ceerigaabo kulan mihiim ah la yeeshay Haldoorka, Waayeelka, Aqoonyahanka iyo Hoggaanka Dhaqanka Beelaha Warsangeli, oo uu hoggaaminayey Suldanka Guud ee Beelaha Warsangeli, Suldaan Siciid Suldaan Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Cali Shire.

Kulankaasi ayaa ahaa mid ku dhisanaa kalsooni, is-qaddarin iyo Wadatashi Qaran, waxaana lagaga hadlay arrimo waaweyn oo dalka khuseeya, oo ay ka mid yihiin xoojinta nabadda, midnimada ummadda, wada-noolaanshaha bulshada ku wada nool magaalada Ceerigaabo, iyo doorka beesha Warsangeli ee dhismaha iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay Suldaanka Guud iyo Madax-dhaqameedka kale kaalintooda Taariikhiga ah ee ay ku leeyihiin ilaalinta nabadda iyo wadajirka bulshada Gobolka Sanaag, isaga oo carrabka ku adkeeyey in nabadda iyo wadajirka ummadda Somaliland ay yihiin hantida ugu qaalisan ee ay bulshadu wada leedahay.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale xusay in Xukuumaddiisu ay si dhab ah u qadarinayso doorka ay beesha Warsangeli ku leedahay dhismaha Qaranka, isla markaana ay muhiimad gaar ah siinayso in talada iyo masiirka ummadda lagu dhiso wadatashi, cadaalad iyo kalsooni.

Guud ahaanba labeenta iyo haldoorkii Warsangeli ee kulanka ka qaybgalay ayaa si diiran u soo dhaweeyey Madaxweynaha, iyaga oo bogaadiyey hoggaamintiisa daahfuran, dedaallada uu ku doonayo in lagu xoojiyo nabadda iyo midnimada bulshada Gobolka Sanaag.

Sida oo kale, Beel-weynta Warsangeli ayaa muujiyey taageero buuxda oo ay u hayaan qadiyadda iyo jiritaanka Qarannimada Somaliland, kuna ballan qaaday in ay door muuqda ka qaadan doonaan xoojinta nabadda iyo horumarka dalka.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡

๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐€๐š๐๐š๐ง ๐‚๐ข๐ ๐ž (๐ƒ๐ž๐ฒ๐ซ)
๐€๐Ÿ๐ก๐š๐ฒ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

21/10/2025

Suldaan Siciid Suldaan C/salaan Oo so gaadhay magaalada ceerigaabo.

29/09/2025

Machadka daraasaadka nabada iyo xalinta khilaafaadka jamaacada sanaag.

06/08/2025

Gudoomiyaha cusub ee ururka saxafiyiinta somaliland ee solja ee gobolka sanaag Cabdiraxmaan cadaani ayaa kulan la qaatay warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha ceerigaabo"

Kulanka oo ka qabsoomay huteel cadami waxa halkaasi ka hadlay xubno kamid ah warbaahinta ceerigaabo waxayna soo dhaweeyeen wakiilka cusub ee ururka saxafiyiinta somaliland ee solja ee gobolka sanaag cabdiraxmaan cadaani iyagoona sagootiyey wakiilkii h**e cabdiraxmaan Xidig"

Ujeededda kulanka ayaa daaranaa sidii loo diiwaan gelin lahaa warbaahinta aan haysan kaadhka aqoonsiga ee ururka saxafiyiinta somaliland ee solja,

Sidoo kale waxa lagaga hadlay doorka ay warbaahibtu ka qaadan karto xaaladda abaareed ee ka jirta gobolka sanaag"

waxa dhacdanin ku dhacay wiilkan dhalinyarad ah oo lagu magacaabo maxamed jamaal kana soo jeedo G.SanaagAlx ilaahay ayaa...
02/08/2025

waxa dhacdanin ku dhacay wiilkan dhalinyarad ah oo lagu magacaabo maxamed jamaal kana soo jeedo G.Sanaag

Alx ilaahay ayaa Mahad iska leh
Isaga ayaa dhibka iyo dheeftuba xagiisa ka timaada
30/7/2025 sacadu markay ahayd 10:00 ayaa hargaysa kasoo baxay aniga oo nabada Abaaro 9:00pm
Sido kle waxaan si nabada kusoo gaadhay burco
Kadib markii aan baxay burco 3:00 pm ayaa waxaa cilad yari soo food_saartay gaadhigii oo shidalka iska jaray kadibna wuu noo istaadhmi waayey
Intaas kadib waxaanu dalbanay farsama yaqaan
Muu noo yimi gaadhigiina wuu furfuray ka oo waliba in badan ayuu waday lkn wax natiijo ah k**a gaadhin
Ka Dib waxaa uu u were wereegay xaga shidaalka
Markii uu furay shaandhadii shidaalka ayaa waxa ka dhashay qarax dab ama shoodh
Kaas oo sababsaday in uu gaadhigii gubto dhamaantii
Sababta guubashadan waxaa sababsaday farsama yaqaankii oo aan ahayn mid wax badan fahansanan
Is dulsaarnay Beterigii iyo shidaalkii oo markii Danbe sababay qarax shidaalka
Alx ilaahay wax naguma yeelin Aniga iyo ciidii I saarnaydba
FG: Waxaan gaadiidlayda kula talinayaa in ay qaadan
Haanta yar Ee damdamiska si ay ugu yaraan u isticmaalan waqtiga shilkan igu dhacay oo kle dhaco
Allah Mahad iska le

31/07/2025

DEGDEG:-Haayada dhawrista tayada oo gubtay daawoyin iyo alaabo dhacay

Waa Berri Jimcaha galinka danbe iyo Cerigabo! Waxaynu ku kulmi doonaa Andulus Hotel 4pm galabnimo. Kasoo qaybgal wanaags...
31/07/2025

Waa Berri Jimcaha galinka danbe iyo Cerigabo! Waxaynu ku kulmi doonaa Andulus Hotel 4pm galabnimo. Kasoo qaybgal wanaagsan!

Our 5th stop is Cerigabo. Join us tomorrow, Friday 4pm at Andulus Hotel.

Maanta oo ay taariikhdu tahay 31-07-2025,Hay'adda Dhawrista Tayada JSL gaar ahaan Gobolka Sanaag ayaa Gubtay alaabooyin ...
31/07/2025

Maanta oo ay taariikhdu tahay 31-07-2025,Hay'adda Dhawrista Tayada JSL gaar ahaan Gobolka Sanaag ayaa Gubtay alaabooyin dhacay iyo kuwo xumaaday oo lagusoo qabtay hawl agal ay mudooyinkii udambeeyey ka wadeen suuqa magaalada Ceergaabo hawl wadeenada Hay'adda dhawrista Tayada gaar ahaan baadhayaasha (inspectors) iyo dawlada hoose ee Degmada Ceergaabo.

Isuduwaha Hay'adda Dhawrista Tayada ee Gobolka Sanaag oo isaguna goobta lagu gubayay alaabadan kala duwan goob joog ka ahaa kana hadlay ayaa Ganacsatada uga digay inay bulshada ka iibiyaan alaabo dhacday ama dalka keenan badeecado tayadoodu hoosayso.
Sidoo kale wuxuu fariin udiray bulshadu inay la socdaan bed-qabka badeecadaha ama dawooyinka ay iibsanayaan.
Waxaa kale oo goobta joogey kana hadlay xildhibaano ka socdey dawlada hoose iyo madaxa fayo dhawrka Gobolka ee wasaarada caafimaadka oo iyana fariimo kala duwan direy.

Address

Erigavo

Telephone

+252637060406

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when LiibaanTuute posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to LiibaanTuute:

Share

Category