30/07/2026
Aragtidayda, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro wuxuu si weyn uga hooseeyey rajadii shacabku Ka qabeen. Tan iyo markii xilka loo doortay, ma arko waxqabad muuqda oo shacabka lagu qanci karo, waxaana sii kordhaya dareenka ah in xukuumaddu ku mashquushay hadallo iyo ballanqaadyo halkii ay ka keeni lahayd natiijooyin la taaban karo.
Waxaan u arkaa in caafimaadku yahay qaybaha ugu waaweyn ee ay xukuumaddu ku liidato. Maanta waxaa jiray dad ka cabanayay adeeg-xumo ka jirta Cisbitaalka Guud ee ku dhow Madaxtooyada. Haddii xitaa cisbitaalka ugu weyn ee caasimadda uu wajahayo cabashooyin noocaas ah, waxaa isweydiin mudan xaaladda adeegyada caafimaad ee gobollada iyo degmooyinka kale.