Sanaag Post

Sanaag Post Sanaag post waa warbaahin u taagan danaha iyo horumarka gobolka Sanaag, waxay si gaar ah diiradda u

Weliba waa Bil Ramadaan
22/02/2026

Weliba waa Bil Ramadaan

22/02/2026

Waa wax aad looga xumaado in Somalidii sidan u bahalowdo, qofka sidaa loo gelayaa waa Hooyo Soomaliyeed.

Alle haka furfuro gacanta arxan laawayaasha.

Siyaasiga Farxaan Muuse Cige (Farxaan Xiddig)  h**ena u ahaa Fannaan caan ah oo dhawaan dib ugu soo laabtey Somaliland a...
20/02/2026

Siyaasiga Farxaan Muuse Cige (Farxaan Xiddig) h**ena u ahaa Fannaan caan ah oo dhawaan dib ugu soo laabtey Somaliland ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Farxaan xiddig ayaa hadda musharrax xildhibaan Golaha wakiillada Somaliland kana sharraxan gobolka Awdal doorashada soo socota.

Farxaan 10 sano ka hor waxa uu u sharaxnaa xildhibaanadda golaha Barlamaanka Soomaaliya ku metalaya gobolka Awdal.

Ma dooran doonan Reer Awdal?

18/12/2025

Mid kee saxan Cabdi Good iyo Inantaas?

𝗖𝗮𝗮𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗯𝗮𝗿𝗮𝗻-𝗯𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮  Gaar ahaan nooca gaar ah oo kamida baran-barada  ayaa la ogaaday in laga helo Nafaqo aad u badan i...
13/12/2025

𝗖𝗮𝗮𝗻𝗮𝗵𝗮 𝗯𝗮𝗿𝗮𝗻-𝗯𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 Gaar ahaan nooca gaar ah oo kamida baran-barada ayaa la ogaaday in laga helo Nafaqo aad u badan iyada oo saynisyahannadu ku tilmaameen Nooc kamida caanaha ugu Nafaqada badan dunida waxay ka kooban yihiin proteins badan, dufan, karbohaydrayt, iyo dhammaan 9-ka amino acids ee muhiimka ah .

Taas oo ka dhigeysa il dhameystiran oo borotiin marka loo eego caanaha xoolaha sida lo’da ama ri’yaha , Baaritaankan waxaa hogaamiyay Subramanian Ramaswamy iyo koox cilmi baarayaal ah oo ka socday Institute for Stem Cell Biology and Regenerative Medicine ee Bangalore, India , waxaana natiijooyinkooda lagu daabacay Journal of the International Union of Crystallography sanadkii 2016 .

caanahan ayaa saddex jeer ka kalooriyo badan caanaha lo’da Laakiin helista iyo soo saarista caanahan waxaa loo baahan yahay in baran-barada la dilo si loo soo saaro nafaqadan , taas oo saynisyahannadu ka dayriyeen.

Gabadhan waxa la yidhaa; Moza bint Nasser. Waa 66 jir, dhashey 7 caruur ah, oo ka u weyni yahay 47 jir. Waa hooyada qoys...
13/12/2025

Gabadhan waxa la yidhaa; Moza bint Nasser. Waa 66 jir, dhashey 7 caruur ah, oo ka u weyni yahay 47 jir. Waa hooyada qoyska boqortooyada Qatar. Marka aad aragto, waxaad moodaysaa 30-35 jir.

Waa raaxo ku kor, ku dhal, aan waligeed dayac iyo darxumo arag. Dadkeenna waxa dilayaa, waa duruufaha iyo lacag la'aanta.

11/12/2025

Gaashaanle dhexe Boqor Maxamed Boqor Axmed ayaa loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee gobolka Sanaag.

Taliyuhu waxa uu h**e u soo noqday Taliye ku xigeenka Booliska gobolka Sanaag iyo Madaxii Saadka ee Booliska gobolka Sanaag.

Sidoo kale xilligii xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo waxa uu ahaa guddoomiyihii mashruuca waddada Ceerigaabo Burco. Sannadkii 2012-kii ayaa loo Boqray in uu buuxiyo kaalintii Boqornimo ka dib geeridii aabbihiis, waxana xilligaas uu ahaa Taliye ku xigeenka Booliska gobolka Sanaag.

Dhinaca ciidanka Booliska waxa uu ahaa askartii ugu horraysay ee la qoray xilligii la asaasay Booliska Somaliland.

Taliyaha ayaa noqonaya Taliyihii saddexaad ee Sanaag loo magcaabo muddadii ay xukuumadda madaxweyne Cirro talada haysay.

Muqdisho nin baa seedigii ku dilay haaf baasto ah xalay, siday sheegtay warbaahinta xamar.Gaajada muqdisho ka jirtaa hee...
11/12/2025

Muqdisho nin baa seedigii ku dilay haaf baasto ah xalay, siday sheegtay warbaahinta xamar.

Gaajada muqdisho ka jirtaa heer ugu xumaa bay maraysaa. Alle haw sahlo

10/12/2025

Waa badhasaabka cusub ee loo soo magacaabay gobolka Sanaag, waraysigan waa wakhtigii uu ka tirsanaa xukumaddii Muuse Biixi.

Waxa uu ahaa Maareeyihii Madbacadda Qaranka, waxa uu ka mid noqday masuuliyiintii masuuliyadood ku fashilmay ee la eryey.

Intii uu xilka Madbacadda hayey waxa lagu eedayey Musuqmaasuq iyo hanti lunsi.

Gobolka Sanaag waxa ka jira xaaladda kala duwan adag.

Hay’ad lagu magacaabo International Christian Concern (ICC) oo u doodda dadka Kirishtaanka ah ayaa shaacisay in ay in ka...
29/05/2025

Hay’ad lagu magacaabo International Christian Concern (ICC) oo u doodda dadka Kirishtaanka ah ayaa shaacisay in ay in ka badan 1,500 qof oo Soomaali ah oo qaatay Diinta masiixiga ama Kirishtaanka ay si dhuumaaleysi ah ugu nool yihiin Muqdisho iyo gobollada kale, iyadoo sheegtay inay yihiin dad intooda badan diinta Islaamka ka soo baxay.

Hay’addan ayaa sheegtay inay si hoose uga fuliso Soomaaliya barnaamijyo lagu taageerayo dadkan. Waxay kaloo sheegtay inay ka caawiso meelo qarsoodi ah oo ay ku cibaadaystaan.

Hay’addu waxay sheegtay inay gudaha dalka Soomaaliya ka hirgelisay shabakad si qarsoodi ah uga shaqeyso inay caawiso dadka doonaya inay diintooda Islaamka ka baxaan iyadoo u kiraysay guryo 20 qof oo ay sheegtay inay diintooda ka carareen.

Sidoo kale, ICC waxay kaloo sheegtay inay caawiso haweeney kalkaaliso ah oo waqooyiga Soomaaliya ka wadda shaqo wacyigelin ah oo ku saleysan Injiilka, iyada oo adeegsanaysa xirfaddeeda caafimaad si ay u gaarto haweenka iyo carruurta. Waxay sheegtay inay hawshan si qarsoodi ah u wadday muddo laba sano ah.

Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada kale ayaan ku baraarugsanayn arrimahan ay waddo hay'addan.

Linkiga https://www.persecution.org/2025/05/28/serving-the-hidden-church-in-somalia/

25/05/2025

Ninkaa waxbaa la tusay🤣🤣

Wiilkan oo lagu magacaabi jirey Cabdifataax Cabdi Cusman, kana tirsanaa shaqaalaha shirkada Astaan ayaa lagu diley Muqdi...
25/05/2025

Wiilkan oo lagu magacaabi jirey Cabdifataax Cabdi Cusman, kana tirsanaa shaqaalaha shirkada Astaan ayaa lagu diley Muqdisho.

Waxaa lagu tooktey alaabka h**e ee Safari apartments, isagoo shaqadiisa u socda.

Dawladu wax jawaab ah weli k**a bixin dilkaas.

Address

Tuulo Dacar, Erigavo
Erigavo
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sanaag Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share