08/07/2026
Idriis Sheikh Cali Cilmi Yare waa musharrax u taagan xubinnimada Golaha Deegaanka Gaalkacyo, isaga oo bulshada u soo bandhigaya waayo-aragnimo, karti iyo himilo ku wajahan horumarinta degmada.
Muddooyinkii uu soo shaqeynayay, Idriis wuxuu soo qabtay xilka Agaasimaha Gaadiidka Gaalkacyo, xilli ay jireen duruufo adag iyo caqabado dhinacyo badan leh. Intii uu xilkaas hayay, wuxuu dadaal badan geliyay sidii loo horumarin lahaa adeegyada bulshada, loo xoojin lahaa nidaamka shaqada, loona abuuri lahaa jawi ay shacabka ku helaan adeeg hufan oo tayo leh.
Waayo-aragnimadaas ayaa maanta ku dhiirrigelisay inuu isu soo taago Golaha Deegaanka Gaalkacyo, isagoo rumeysan in horumarka degmada lagu gaari karo wadajir, daacadnimo, isla xisaabtan iyo u adeegidda bulshada si siman.
Musharrax Idriis Sheekh Cali Cilmi (Yare) wuxuu ballanqaadayaa inuu codka shacabka matali doono, kana shaqeyn doono horumarinta adeegyada aasaasiga ah, kobcinta bilicda magaalada, taageeridda dhalinyarada iyo haweenka, iyo dhiirrigelinta mashaariic horumarineed oo wax ku ool u ah bulshada reer Gaalkacyo.
Ugu dambeyn, Idriis Sheekh Cali Cilmi (Yare) wuxuu bulshada Gaalkacyo uga mahadcelinayaa kalsoonida iyo taageerada ay mar walba siiyaan, isaga oo ka codsanaya inay codkooda ku taageeraan doorashada soo socota, si wadajir loogu xaqiijiyo horumar, midnimo iyo mustaqbal wanaagsan oo degmada Gaalkacyo ay yeelato.