Halmaal Media

Halmaal Media Halmaal Media is a Somalia based digital media company. Discovering Somali Culture, Business, Educat

21/08/2026

Warbixin Kusaabsan Mashruuca Bulsho ||Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Hon Abdi Hirsi Ali - Qarjab

🇸🇱

21/08/2026

Kitaabka Al-waafi ee Bukhaari iyo Muslim || Casharka 24aad || Q.1aad || Sh. Dirir

21/08/2026

Tafsiir Gaagaaban ll Casharka 651aad ll Axzaab ll 69 - 70 || Sh. Dirir

21/08/2026

HOREYE MULTI SPECIALTY HOSPITAL – GALKACYO

Adeeg cusub oo casri ah ayaa lagu soo kordhiyay Horeeye Multi Specialty Hospital ee magaalada Gaalkacyo.

Maanta waxaa xarigga laga jaray Qeybta Fisiyotarabiyada iyo Jimicsiga (Physiotherapy) oo loogu talagalay carruurta iyo dadka waaweyn, iyadoo xarunta lagu soo kordhiyay qalab caafimaad oo casri ah iyo adeegyo tayo leh.

Munaasabadda xarig-jarka qeybta cusub waxaa ka qeyb galay oo xarigga ka jaray Wasiirro ka tirsan Dowladda Puntland, Xildhibaano ka tirsan Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Mudug, masuuliyiin iyo marti-sharaf kale.

🏥 Horeeye Multi Specialty Hospital – Gaalkacyo
Caafimaadkaaga iyo caafimaadka qoyskaaga mudnaanta koowaad.
📍 Gaalkacyo – Puntland

Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Maraykanka, Marwo Ijaabo Cabdullaahi Maxamed, ayaa  bogaadisay Mashruuca Biyo-saarka...
20/08/2026

Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Maraykanka, Marwo Ijaabo Cabdullaahi Maxamed, ayaa bogaadisay Mashruuca Biyo-saarka Gaalkacyo, iyadoo ku tilmaantay mid muhiim u ah nolosha iyo horumarka bulshada deegaanka.

Waxay ugu baaqday madaxda, shacabka gudaha iyo qurba-joogta Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga qayb qaataan taageerada iyo hirgelinta mashruuca.

20/08/2026
Senator Faroole wuxuu qaatay doorweyn oo amniga iyo midnimada Puntland ah.W/Q:Siyaasi Sahro Cismaan Yusuf Anigoo ku hadl...
18/08/2026

Senator Faroole wuxuu qaatay doorweyn oo amniga iyo midnimada Puntland ah.

W/Q:Siyaasi Sahro Cismaan Yusuf

Anigoo ku hadlaya magacayga iyo midka bulshada reer Puntland ee jecel samaha, hormarka, nabadda iyo midnimada dawladeed iyo ciidan ee Puntland, waxaana bogaadinayaa dadaalkii iyo doorkii lama illaawaanka ahaa ee uu ciyaaray madaxweynihii h**e ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud faroole, doorkaasi oo horay u dhigayey dawladnimada Puntland iyo danahooda dhaxal-gal.

Waxay ahayd tallaabo xilli ku habboon ku soo beegantahay in ciidamadii fadhigoodu ahaa xerada Ligle dib looga mid dhigo ciidamada difaaca Puntland, lana xalliyo khilaafkii iyo diidmooyinkii muddada dheer soo-jiitamayey, khilaafkaasi oo ahaa mid gacan ku samays ah oo uu curiyey madaxweynaha muddo xileedkiisa sharci dhammaaday ee Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud, si dawladda Puntland iyo dadkeeda la iskaga horkeeno.

Waa aragti dheer iyo fikir wanaagsan oo ka xeelad durugsan damacii Xasan Sh Mxamuud, fikirkaasi oo xididada u siibay ujeedooyinkii gurracnaa ee looga gollahaa sheegashada beenta ah ee tilmaamaysay samaynta ciidamo federaal ah gudaha Puntland, taasoo meesha ka baxday si nabaddoon, loogana gudbay midnimo, wadajir amni iyo difaac.

Senator Cabdiraxmaan Faroole, oo horay kaalin muuqata ugu lahaa golaha uu ka tirsan yahay ee aqalka sare ee Soomaaliya, kana difaacayey danaha dadka iyo dawladnimada Puntland, maantana wuxuu muujiyey muggiisa iyo miisaankiisa wax-gal iyo sida ay uga go’an tahay illaalinta dawladnimada iyo midnimada dadkeedana, waana ku ammaananyahay taas.

Ma illaawi doonno, waana noo kala suntanaandoonaan, taariikhduna waa xusi doontaa madaxda iyo masuuliyiinta kala duwan ee nagu matasha hay’adaha dawladda federaalka, kuwaada gartay wixii loo idmaday, kana soo dhalaalay af iyo addinba iyo kuwooda ka gaabiyey magac iyo masuuliyad wixii loo xilsaaray.

Allaa Mahadleh.

17/08/2026

Axmed Seeraar oo ka mid ah guddiga horumarinta Gaalkacyo "Waxan u mahadcelinaynaa cid walba oo ka qayb qaadatay biyo saarka"

17/08/2026

Guddiga Horumarinta Gaalkacyo ayaa xubno u diraya dalka dibadda, si ay qurba joogta uga soo qaadaan qoondada lagu qoray ee biyo saarka Gaalkacyo.

Guddoomiye ku xigeenka guddiga, Cabdiraxmaan Xassan Warsame, ayaa arrintan ka hadlay.

Address

Galcom Street
Gaalkacyo
00000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Halmaal Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share