05/11/2025
Boliska Puntand ayaa Shaaciyay Inay Booliska Caalamiga ee Interpol kala Wareegeen nin ka gaystay Falal Anshax darro ah Magaladda Qardho sidan ayaa Lagu yiri Warsaxafadeedka Puntland "
Ciidanka Booliska Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay Hay’adda Booliska Caalamiga ah (INTERPOL) eedaysane Jaamac Cabdi Maxamuud, oo lagu eedeeyay in uu geystay fal anshax-darro ah, kaas oo ka dhacay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.
Kala wareegidda eedaysanaha ayaa ka dhacday magaalada Garoowe, waxaana uu haatan ku jiraa gacanta Ciidanka Booliska Puntland, iyadoo baaritaan rasmi ah lagu wado si loo xaqiijiyo caddaalad buuxda iyo in sharciga si cadaalad ah loo mariyo.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Ciidanka Booliska ku xaqiijinayaan ilaalinta sharciga, difaacidda xuquuqda muwaadiniinta, iyo ka hortagga dambiyada lidka ku ah akhlaaqda iyo amniga bulshada.
Ciidanka Booliska Puntland wuxuu bulshada ku wargelinayaa in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta baaritaanka iyo ka hortagga dambiyada la midka ah.
FIIRO-GAAR AH: Haddii aad aragto fal dambiyeed, qof laga shakiyey, ama xaalad amni oo halis ah, la soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland adigoo wacaya 999
Ciidanka Booliska Puntland waa diyaar 24/7 — si ay u gutaan waajibaadkooda ilaalinta sharciga, difaaca shacabka, iyo sugidda nabadda dalka.
— DHAMMAAD —
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Ciidanka Booliska Dawladda Puntland
📘 Facebook:
📱 Telegram: t.me/Plpoliceforce
📸 Instagram:
▶️ YouTube:
🐦 Twitter/X:
🌐 Website: www.police.pl.so
📧 Email: [email protected]