
25/07/2025
Waxaa laqabtay Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac) Madaxii maaliyadda ahaana wakiilka Ajaanibta Argagixisada Daacish iyo labo xubnood oo kale, hawlgalka oo ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Xumbeys, waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka oo taageeraya Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.
Hawlgalka Calmiskaad ayaa maraya meel gebogebo ah, waxaana socda ugaarsiga firxadka Argagixisada iyo Horjoogeyaashoodii ka cararay Calmiskaad .
-DHAMMAAD-