Qudus

Qudus Wadani

21/04/2025

1-Arrimaha siyaasada la xiriira waxaa ay leeyihiin ''Taageerayaal gacmo fudud oo heerkoodii gaarsiisan yahay xitaa in ay wax dilaan heerka ay taageerayaal indho xiran ay yihiin''. Mowduuca siyaasada waa sababta uu u yahay mid inta badan dhiiqo badan leh. 😂

2-Arrimaha Bulshada la xiriira, Sidda; +Clipyo lasoo jarjaray Waxaa ay leeyihiin ''Taageerayaal Jilicsan oo hab fekerkoodii la eg hadba mowduuca suuqa la keeno maallintaas, İyagu waa falanqeeyaal bes, Kooxdani ma aha taageerayaal dagaalama keliya waa daawadeyaa, Faalooyin xoog badan ma qori karaan😂

3-Arrimaha kubada cagta la xiriira waxaa ay leeyihiin ''Taageerayaal aanan wax fikrad ah lahayn, Taageerayaal ku sifeysan kelimada taageerayaal (Waxba gudahoodii kuma jiro), Waa sidda Haddii aad Sanamkoodii wax ka sheegto Automatic way ku dilayaan uun, Waxkale ma qiimeeyaan, Qaarkood waxaa ay mustaqbalka rajeynayaan in ay CİYAARYAHAN noqdaan''. 😂

4-Arrimaha Cilmiga iyo Fekerka la xiriira waxaa ay leeyihiin ''Taageerayaal aad u tiro kooban oo sabar badan, Si wanaagsan wax u falanqeeya, Caqligoodii dad uu aad u sareeyo, Badanaa dadkani lama arko ilaa Mowduucyadaas uun mooyee''.

5-Arrimaha dhaqaalaha la xiriira waxaa ay leeyihiin ''Taageerayaal aad u tiro kooban, Badanaa waa dad masuuliyiin oo caqligoodii aad u koray, Waa dad si wacan u fahamsan systemyada sidda ay u shaqeeyaan''.

*Arrimaha diinta la xiriira waxaa kuwada kulma ''Dhammaan taageereyaashani kala duwan, Waxaase nuxurka fahma inyar oo kamid ah Group 4 iyo Group 5''.

Waxyaabahani marka lasoo koobo waxaa la dhihi karaa ''Jawi dagan oo bilaa buuq ah haddii aad u baahantahay in aad ku noolaato waa in aad Groupyada qaar ka fogataa, Haddii aadan ka maarmi karin tusaale, Haddii aad Siyaasada ka hadli doonto, Waa in aad diyaar garowdaa sanado siddii aad TAAGEERAYAASHA group weliba uu leeyahay ee indhaha la'anta ah aad uga adkaan doontid, Strategyad la jaanqaadi karto heerkoodii si aad kolba ugu adeegsato waa in aad soo diyaarsataa. +Dabagalkoodii +Fatashaadoodii waa Advance level😂

Su’aal furan:Dowladda Soomaaliya waxay taageero ka haysataa dalal awood badan, waxayna leedahay ciidan qalabeysan oo si ...
04/04/2025

Su’aal furan:

Dowladda Soomaaliya waxay taageero ka haysataa dalal awood badan, waxayna leedahay ciidan qalabeysan oo si rasmi ah u tababaran. Waxaa la dhihi karaa beelo badan oo Soomaaliyeed ayaa iyaduna la shaqeeya ama ugu yaraan oggol in dowladda ka hawlgasho deegaanadooda.

Haddana, weli dowladda waxa ay ku guuldarreysatay in ay si buuxda uga adkaato kooxo hubeysan oo aan lahayn dhaqaale muuqda, taageero dibadeedna aan helin, sidoo kalena aysan beelaha deegaanka si toos ah u taageerin.

Su’aashaydu waxay tahay: Maxay tahay sababta ay dowladda Soomaaliya oga adkaan la’dahay kooxahan, iyadoo ay haysato fursado badan oo ay kaga adkaan karto?

Adiga maxaad ka dhihi lahayd arintaan?

04/04/2025

Waxaa uu Rasuulka SCW xadiis saxiix ah uu ku dhahay ''Waqti waxaa imaan doono, Ummadeydii qofka diintiisii ku dhagan uu lamid yahay sidda qof dhimbil dab gacanta ku qabtay oo kale''.

قال رسول الله ﷺ: يأتي زمان على أمتي القابض على دينه كالقابض على جمرة من النار

Haddaba, Xadiiskaan si aad u fahamtid labadaan qof isbarbardhig ku sameey midkee ayaa dhimbil gacanta ku haysta;

-Qof waxaa uu dhahaa ''Beesha Caalamka waa in aan wax la qaybsano, Nidaamyada Federalka iyo Dimuqraadiyada waa xalka bani aadamimo waana xalka sidda dadka la isugu keeni karo ''.

-Qofkale kale ayaa waxaa uu dhahaa ''Shareeco ayaan dooneynaa, Kitaabka Alle aynu isku xukuno, Kirishtaan iyo Yahuud aynu beri ka noqono, Muslimiiney isku diyaariya Jihaad, İyo in aad gaalada Argagax gelisaan''

*Labadani qof maanta waxaa ciqaab daran la kulmi doono, Midka dambe, Xitaa Erayadani in uu ficil ahaan u sameeyo iskaba daa; Meel public ah in uu ku dhaho ayaaba Ciqaabtiisu ka bilaaban kartaa-Ama takoorid dhanka bulshada ah, Xitaa qoraalka İsbarbardhigaan oo kale ayaaba dunida maanta POTANTIAL RISK ah iskaba daa wax kale 😂

Haddaba, Su'aasha u baahan in la fahmo jawaabteedu waa ''Maanta, Waa kuma qofka barakeysan ee diintisii lamid tahay sidda dhimbil dab oo kale ee aan loo dhawaan karin?'' Waxaa loo baahan yhahay qofkaas in lasoo helo. Waxaa lagu sheegay dadkaasi Ajarkoodii in uu lamid yahay KONTON QOF AJARKOODİİ OO XİLLİGİİ SAXAABADA in ay ka heli doonaan halkii camal oo ay sameeyaan.

الصابرُ منهم على دينِهِ له أجرُ خمسينَ منكم

04/06/2022
19/05/2022
18/05/2022
17/05/2022
17/05/2022

Address

Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Qudus posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share