Mudug Digital Media

Mudug Digital Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mudug Digital Media, Media/News Company, bartamaha, Gaalkacyo.

18/02/2026

- Waxaa si xawli ah u socda howl-galada ay Ciidamada cusub ee Booliiska Puntland ku xaqiijinayaan nabad-galyada magaalada, xaqiijinta badqabka bulshada iyo hubinta canshuuraha ku waajibay gadiidleyda.

Sidoo kale, todobadkan waxaa sii badana bulshada tagaysa xarumaha booliiska si loogu fuliyo adeegyada bulshada, taas oo ka dhigan in bulshadu la shaqaynayso ciidamada.
Ramadan Mubarak

17/01/2026

- Dawladda Puntland ayaa soo bandhigtay maxaabiista Ajaanibta ah ee Daacish oo lagu qabtay Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ka socda Calmiskaad, waxay u kala dhasheen Turkey , Saudi Arabia, Morocco , Ethiopia, Syria Iyo Tanzania.

16/01/2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire, ayaa ka digay in hub ay leedahay dowladda Puntland loo gacan-geliyo meel kale.

Taliyaha ayaa uga digay siyaasiyiinta iyo saraakiisha ku lugta leh arrintan in hantidaas si deg-deg ah loo soo celiyo, haddii kale mas’uuliyadda wixii ka dhasha ay iyagu qaadi doonaan.

02/12/2025

"Al-shabaab iyo Xasan Shiikh Maxamuud DFS waxay ku hishiiyeen in ay kala qeybsadaan awoodda Dawladda.

Wasiirka Warfaafinta Dawladda Puntland
Maxamuud Caydiid Dirir.

WAR-MURTIYEED : IS-AFGARAD AMNI OO DHEXMARAYA PUNTLAND IYO DOWLADDA SOMALILAND.
05/10/2025

WAR-MURTIYEED : IS-AFGARAD AMNI OO DHEXMARAYA PUNTLAND IYO DOWLADDA SOMALILAND.

02/10/2025

WAR-SAXAAFADEED:

Maanta oo taariikhdu tahay 2da Bisha Oktoobar 2025, waxaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya shir isugu yimid Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Jubaland iyo Puntland Mudane Madaxweyne Axmed Maxammed Islaan iyo Mudane Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliya oo ay matalayeen Raysul Wasaare h**e Mudane Xasan Cali Khayre, Raysul Wasaare h**e Mudane Saacid Shirdoon iyo Xildhibaan Cabddiraxmaan Cabdishakuur.

Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga, iyadoo si gooni ah diiradda loogu saaray sidii Soomaaliya ku gaari lahayd mustaqbal wanaagsan oo u horseeda xasilooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale. Shirka wuxuu go’aamiyey:
1. In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta iyo Dowladaha Jubaland iyo Puntland

2. In si dhaqso ah shir la isugu yimaado gudaha Soomaaliya si looga arrinsado, go’aanna looga gaaro xaaladda kala guurka siyaasadda Dalka

3. In shirka soo socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

4. Shirku wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeensadaan illaalinta iyo ka shaqeynta midnimadooda, xasiloonida dalkooda, kana hortagaan cid kasta oo dhaawacaysa wadajirkooda

5. Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda Kenya dadaalka ay ugu jirto sidii Soomaaliya u heli lahayd xasilooni iyo horumar.

-DHAMMAAD-

WASIIRKA OO MAGACAABAY XOGHAYAHA DAWLADDA HOOSE EE DEGMADA GAALKACYO.Garowe: September 22, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arr...
22/09/2025

WASIIRKA OO MAGACAABAY XOGHAYAHA DAWLADDA HOOSE EE DEGMADA GAALKACYO.

Garowe: September 22, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa wuxuu Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo u magacaabay Eng. Shaafici Cawil Maxamed.

Sida darteed, waxaa la farayaa maamulka Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee Gobolka Mudug in la fuliyo dhaqan galinta magacaabidda xoghayaha cusub ee Degmada Gaalkacyo.

▪︎▪︎▪︎FULIN WACAN ▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

20/09/2025

Safiirka Somaliland ee Jabuuti oo Magaalada Boorama isagu isku toogtay ...booliska Somaliland ayaa warkan soo saaray caawa.

04/09/2025

150 Sanduuq oo Rasaas ah ayeey qabsadeen Ciidanku galabta, waxay la wareegeen godad horleh iyagoo baacsanaya firxadka Argagixisada Daacish . Calmiskaad

16/08/2025

Carmo :khudbadda Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta tababar u xiray Cutubyo cusub oo ka mid noqon doona Ciidanka Booliska Puntland, waana dufcadii 8-aad ee ka baxda Kulliyadda tababarka Ciidanka Booliska ee degmada Carmo. Ciidankan ayaa ku dhow 500 oo Askari kuwaasi oo lagu soo xulay aqoontooda oo gaarsiisan heer Jaamacadeed, waxay hadda dhameysteen tababar 8-bilood ah.

Address

Bartamaha
Gaalkacyo
00252

Telephone

+252906752451

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mudug Digital Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mudug Digital Media:

Share