Mudug Digital Media

Mudug Digital Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mudug Digital Media, Media/News Company, bartamaha, Gaalkacyo.

WAR-MURTIYEED : IS-AFGARAD AMNI OO DHEXMARAYA PUNTLAND IYO DOWLADDA SOMALILAND.
05/10/2025

WAR-MURTIYEED : IS-AFGARAD AMNI OO DHEXMARAYA PUNTLAND IYO DOWLADDA SOMALILAND.

02/10/2025

WAR-SAXAAFADEED:

Maanta oo taariikhdu tahay 2da Bisha Oktoobar 2025, waxaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya shir isugu yimid Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Jubaland iyo Puntland Mudane Madaxweyne Axmed Maxammed Islaan iyo Mudane Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliya oo ay matalayeen Raysul Wasaare h**e Mudane Xasan Cali Khayre, Raysul Wasaare h**e Mudane Saacid Shirdoon iyo Xildhibaan Cabddiraxmaan Cabdishakuur.

Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga, iyadoo si gooni ah diiradda loogu saaray sidii Soomaaliya ku gaari lahayd mustaqbal wanaagsan oo u horseeda xasilooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale. Shirka wuxuu go’aamiyey:
1. In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta iyo Dowladaha Jubaland iyo Puntland

2. In si dhaqso ah shir la isugu yimaado gudaha Soomaaliya si looga arrinsado, go’aanna looga gaaro xaaladda kala guurka siyaasadda Dalka

3. In shirka soo socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

4. Shirku wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeensadaan illaalinta iyo ka shaqeynta midnimadooda, xasiloonida dalkooda, kana hortagaan cid kasta oo dhaawacaysa wadajirkooda

5. Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda Kenya dadaalka ay ugu jirto sidii Soomaaliya u heli lahayd xasilooni iyo horumar.

-DHAMMAAD-

WASIIRKA OO MAGACAABAY XOGHAYAHA DAWLADDA HOOSE EE DEGMADA GAALKACYO.Garowe: September 22, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arr...
22/09/2025

WASIIRKA OO MAGACAABAY XOGHAYAHA DAWLADDA HOOSE EE DEGMADA GAALKACYO.

Garowe: September 22, 2025: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Abdi Farah Juxa wuxuu Xoghayaha Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo u magacaabay Eng. Shaafici Cawil Maxamed.

Sida darteed, waxaa la farayaa maamulka Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo iyo Iskuduwaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL ee Gobolka Mudug in la fuliyo dhaqan galinta magacaabidda xoghayaha cusub ee Degmada Gaalkacyo.

▪︎▪︎▪︎FULIN WACAN ▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.

20/09/2025

Safiirka Somaliland ee Jabuuti oo Magaalada Boorama isagu isku toogtay ...booliska Somaliland ayaa warkan soo saaray caawa.

04/09/2025

150 Sanduuq oo Rasaas ah ayeey qabsadeen Ciidanku galabta, waxay la wareegeen godad horleh iyagoo baacsanaya firxadka Argagixisada Daacish . Calmiskaad

16/08/2025

Carmo :khudbadda Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maanta tababar u xiray Cutubyo cusub oo ka mid noqon doona Ciidanka Booliska Puntland, waana dufcadii 8-aad ee ka baxda Kulliyadda tababarka Ciidanka Booliska ee degmada Carmo. Ciidankan ayaa ku dhow 500 oo Askari kuwaasi oo lagu soo xulay aqoontooda oo gaarsiisan heer Jaamacadeed, waxay hadda dhameysteen tababar 8-bilood ah.

01/08/2025

Khudbadda Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Hambalyada munaasabadda 1-da August, sannad-guurada 27-aad ee Aasaaska Dowladda Puntland.

  𝗕𝗘𝗘𝗡𝗜𝗡 𝗫𝗜𝗟-𝗞𝗔 𝗤𝗔𝗔𝗗𝗜𝗦 𝗚𝗨𝗗𝗗𝗢𝗢𝗠𝗜𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗚𝗢𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗗𝗘𝗘𝗚𝗔𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗔𝗛𝗡𝗔 𝗗𝗨𝗤𝗔 𝗗𝗘𝗚𝗠𝗔𝗗𝗔 𝗚𝗔𝗔𝗟𝗞𝗔𝗖𝗬𝗢.Ku: Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Ga...
22/07/2025

𝗕𝗘𝗘𝗡𝗜𝗡 𝗫𝗜𝗟-𝗞𝗔 𝗤𝗔𝗔𝗗𝗜𝗦 𝗚𝗨𝗗𝗗𝗢𝗢𝗠𝗜𝗬𝗔𝗛𝗔 𝗚𝗢𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗗𝗘𝗘𝗚𝗔𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗔𝗛𝗡𝗔 𝗗𝗨𝗤𝗔 𝗗𝗘𝗚𝗠𝗔𝗗𝗔 𝗚𝗔𝗔𝗟𝗞𝗔𝗖𝗬𝗢.

Ku: Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.

Ku: Guddoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo.

Ku: Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo.

Og: Maamulka Gobolka Mudug.

Og: Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL.

Og: Madaxweynaha Dawladda Puntlanad.

𝙐𝙟𝙚𝙚𝙙𝙙𝙤: Beenin xil-ka qaadis guddoomiyaha golaha deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland iyadoo fulinaysa waajibaadka ka saaran ilaalinta Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Dawladda Puntland ee ay ku dhisanyiyiin Degmooyinka iyo Goleyaasha Deegaanka, waxay caddaynaysaa in go’aankii ka soo baxay xubnaha Golaha deegaanka ee shalay ku shiray magaalada gaalkacyo ee sheegay in ay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Gaalkacyo uusan ahayn mid waaafaqsan shuruucda lagu maamulo Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Puntland. Sidaa daared, uu yahay go’aankii ay soo saareen mid aan sharciga waafaqsanayn waxba k**a jiraanna ah.

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimquraadiyeynta Dawladda Puntland iyada oo tixtaacaysa Xeerka Maamulka Gobolada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha Deegaanka ee Lr.7, Cutubkiisa 6-aad, Qodobkiisa 66-aad, farqaddiisa 3-aad, waxay ugu baaqaysaa xubnaha Golaha Deegaanka iyo maamuka Degmadaba in ay dhawraan hannaka kala dambaynta Dawliga ah aynu u diyaar garoobaan qabashada kalfadhiga golaha Deegaanka Degmada oo ay Wasaaraddu soo shaacin doonto waqtiga ku habboon.

Inta ka horaysa waa in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo u adeegidda Bulshada.

17/07/2025

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade “Gobolka waxa uu leeyahay haykal maamul oo shaqeynaya, shir kasta oo siyaasad xambaarsan oo aan qayb ka ahayn qorshaha horumarinta, ma aqbalayno in lagu qabto gobolka.

𝗪𝗔𝗥 𝗦𝗔𝗫𝗔𝗔𝗙𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗𝗚𝗮𝗿𝗼𝘄𝗲: 𝗝𝘂𝗹𝘆 𝟭𝟲, 𝟮𝟬𝟮𝟱:Dowladda Puntland waxay soo dhaweysay go’aankii Isimada Beesha Dhulbahante ee Febru...
16/07/2025

𝗪𝗔𝗥 𝗦𝗔𝗫𝗔𝗔𝗙𝗔𝗗𝗘𝗘𝗗

𝗚𝗮𝗿𝗼𝘄𝗲: 𝗝𝘂𝗹𝘆 𝟭𝟲, 𝟮𝟬𝟮𝟱:Dowladda Puntland waxay soo dhaweysay go’aankii Isimada Beesha Dhulbahante ee February 6, 2023kii ka soo baxay Magaalada Laascaanood, waxayna qayb libaax ka qaadatay halgankii dib loogu qabtay Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool 25kii August 2023. Isla markaasna Dowladda Puntland waxay ku dhawaaqday in ay soo dhaweynayso in Hogaanka dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Dhulbahante ay isugu yimaadaan shir wadatashi, kadibna la qabto shirweyne ka dhexeeya guud ahaan Reer Puntland oo iyagu ay kamid yihiin si looga arrinsado mustaqbalka Gobolada ay dagaan Beesha Dhulbahante. Haseyeeshee, waxaan wali qabsoomin shirarkii wadatashiga ahaa ee lagu gorfeyn lahaa mustaqbalka sharciyadeed ee Deegaanka ay Beeshu dagto iyo ka sii mid ahaanshadooda hannaanka Dawladda Puntland.

𝗖𝗮𝗱𝗱𝗲𝘆𝗻

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay caddeynsaa:

1. In si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 7-aad, farqaddiisa 1-aad iyo 2-aad iyo qodobkiisa 138-aad, farqaddiisa 1aad iyo 2-aad, Gobolada Sool iyo Cayn (Dhulbahante) iyo guud ahaan Beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dawladda Puntland, Sanadkii 1998dii.

2. In deegaan ama beel ka tirsan Dowladda Puntland ay yeelato maamul u gaar ah, waxaa ka horreysa in sifo sharci ah loo maro, ayna wadatashi buuxa ka yeeshaan beelihii wada dhistay hannaanka Dawladda Puntland 1998dii.

Haddaba, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland iyada oo tixgalinaysa rabitaanka Beesha Dhulbahante ee ah in ay noqdaan Maamul gooni ah, waxay go’aamisay qodobada soo socda:

1. Inta laga helayo sifo sharci ah oo ku timaadda wadatashi guud ahaan Reer Puntland, Gobolada Sool iyo Cayn iyo Beelaha dega waxay si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee Puntland, ka tirsan yihiin hannaanka Dawladda Puntland.

2. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland waxay cambaareynaysaa faragalinta qaawan ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso amniga iyo xasiloonida Dowladda Puntland, iyada oo rabta in ay burburiso amniga iyo dowladnimada ka jirta Puntland, fashilisana dagaalka ay Dowladda Puntland iyo Saaxibada Caalamku kula jiraan Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish iyo AS.

3. Dowladda Puntland waxay ku adkeynaysaa Dadka Reer Puntland in ay xoojiyaan midnimadooda, illaaliyaana amniga iyo dowladnimada Puntland.

▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎

16/07/2025

DEG-DEG: Somaliland ayaa Gogol nabaddeed dhigtay Ceerigaabo taas oo loo dhigay Beelaha gobolka Sanaag .

16/07/2025

Wasiirka warfaafinta DPL Eng. Maxamuud Caydiid Dirir oo shir Jaraa'id Garoowe ku qabtay ayaa madaxda Federaalka ku eedeeyey in Puntland la abuuro colaado iyo dhibaateenta deegaano nabdoon.

Address

Bartamaha
Gaalkacyo
00252

Telephone

+252906752451

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mudug Digital Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mudug Digital Media:

Share