18/08/2026
-jabin ๐๐น
Waxaan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u diraynaa (Aliiza Bintu Ali ) Falis Cali Jaamac, oo ka mid ah bahda aqoonyahanka iyo dhallinyarada firfircoon ee deegaanka Docol, munaasabadda qiimaha badan ee ay ku gaartay qalin-jabinta jaamacadeed. ๐๐
Falis, guusha aad maanta gaartay waa mid sharaf u ah adiga, qoyskaaga iyo guud ahaan bulshada deegaanka Docol. Waxay markhaati u tahay dadaalka, samirka iyo juhdiga aad gelisay waxbarashada.
Waxaan kuu rajaynayaa in aqoonta aad kasbatay ay kuu noqoto furaha mustaqbal wanaagsan, isla markaana aad bulshadaada iyo dalkaaga ugu adeegto aqoon, karti iyo hufnaan.
Hambalyo Falis Cali Jaamac! ๐๐น
Hambalyo qalin-jabin!
Alle ha kuu barakeeyo aqoontaada, hana kuu fududeeyo tallaabooyinka xiga ee noloshaada.
Top Fans
Docol Media