SAMTV

SAMTV SAMTV

Dhusamareb, 12 November 2023Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Galmudug iyo Guddoomiyaha Caasimadda Galmudug ayaa Galabta ...
12/11/2023

Dhusamareb, 12 November 2023

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Galmudug iyo Guddoomiyaha Caasimadda Galmudug ayaa Galabta Dhaggax-dhigay Dhismaha Cusub ee Aqalka Golaha Wakiillada Galmudug

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa kasoo qeyb-galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Galmudug, Xildhibaanno, Hawl-wadeennada Golaha, Maamulka Caasimadda Dhusamareb iyo Marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Geeda-Qorow ayaa ammaanay kaalinta Baarlamaanka ee dawlad-dhiska iyo midnimada Galmudug, isaga oo xusay horumarka ay ku tilaabsatay Caasimaddu muddadii uu shaqeynayey Baarlamaanku.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Galmudug Dr Maxamed Nur Gacal ayaa ugu horreyn u mahad-celiyey Madaxweynaha Dawladda Galmudug dawrkii uu ku lahaa guulihii uu gaaray Baarlamaanku Xilligii uu jiray iyo in uu Gacan-weyn ka geysanayo hir-gelinta dhismahaan aan Maanta Dhagaxa-dhigayno.

Kadib Guddoomiyaha ayaa faah-faahiyey qeybaha uu dhismuhu ka koobnaa-doono sida; Hoolalka Shirarka, Xafiisyada Guddoonka iyo Adeegyadooda, kadibna waxaa ku xigi doona dhismaha Xafiisyada Maamulka Golaha iyo Dhismaha Deegaanka Xildhibaanada oo laga hirgelin-doono Xarunta Golaha ayuu yiri Guddoomiye Gacal.

Mudanayaasha Golaha iyo Wasaaradda Hawlaha Guud ee Galmudug ayaa balan-qaaday in ay ka hawl-gali doonaan dedejinta iyo xaqiijinta in lagu guuleysto dhameystirka dhismahaan mudda kooban Inshaa Allah.

Ciidamada XDS ee ku sugan Xarardheere ayaa gacanta ku dhigay  dhagarqabe Cismaan Maxamuud Barre 17 sano jir ah, oo sida ...
26/09/2023

Ciidamada XDS ee ku sugan Xarardheere ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe Cismaan Maxamuud Barre 17 sano jir ah, oo sida uu sheegtay ka tirsanaa Khawaarijta, loona soo diray inuu sahmiyo wadooyinka qaraxyo lagu soo gelin karo magaalada Xarardheere.

Khawaarijta oo quus taagan ayaa bilaabay in ay adeegsadaan caruurta yaryar, balse ciidamada iyo dadka deegaanka Xarardheere oo isku xiran ayaa mar kasta fashiliya isku dayada argagixisadu ku doonayaan in ay ku dhibaaateeyeen bulshada.

24/09/2023

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Ayaa Dib Ugu Labtay Dhuusamarreeb

21/09/2023

Madaxweyne Xasan Shekh Oo Kahadlay Dagaalka Malayshiyada Al-shabaab

20/09/2023

Gudomiyaha Golaha Wakiilada Galmudug Dr.Maxamed Nuur Gacal Oo Kahadlay Furitanii Golaha Wakiilada Galmudug

FURITAANKA KALFADHIGA 8AAD EE GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUG. 20 September 2023 Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Dr Ma...
20/09/2023

FURITAANKA KALFADHIGA 8AAD EE GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUG. 20 September 2023

Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Dr Maxamed Nur Gacal ayaa maanta Furay Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Wakiillada Galmudug

Ugu h**eyn Gudoomiyaha ayaa u Hambalyo u diray Shacabka deegaanada Bacaadweyn, Camara, Qaycad, Qodqod iyo deegaanada hoos yimaad ee helay guusha neecawda Xorriyada

Gudoomiyaha ayaa furitaanka Kalfadhiga ka jeediyay khudbad uu kusoo koobay waxyaabihii u qabsoomay kalfadhigii h**e, isaga oo Sheegay in lagu jiro Halgan joogto ah oo marar badan sababay in uu buuxsami waayo Kooramka Fadhiyada Golaha haddana la gaaray guulo la taaban karo Kalfadhigii 7aad ee xirmay bishii Juun ee Sananakaan, waxaa ka mid ahaa;

1. Ansixintii iyo dhameystirkii dib u eegistii dastuurka Galmudug oo lasoo daacabacay.

2. Sharcigii Xakameynta Hubka Galmudug oo laf dhabar u ahaa dawladnimada iyo sarreynta Shuruucda Galmudug.

3. Ansixinta Sharcigii Maareynta Dhulka Galmudug oo muhiim u ahaa Maamulka Dhulka iyo Xallinta Khilaafaadka dhulalka Galmudug.

4. Ansixinta degmeynta degmooyin cusub oo ahmiyad u lahaa Galmudug sida; Afbarwaaqo, Ceelguula, Bandiiradley, Dhabbad iyo Gelinsoor.

5. Sharcigii doorashooyinka Galmudug oo horseed u ah in Galmudug ka baxdo doorasho dadban una guurto doorasho Qof iyo cod ah, xor iyo xalaal na ah.

6. Ansixinta Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran oo Madaxda dalku bishii May ee Sanadkaan ku daahfureen in dalku galo doorashooyin sedex heer ah, Qof iyo Cod ah, daah-furan laguna galo habka Xisbiyada badan Sanadka 2024.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in
Kalfadhiga 8aad ee Golaha ay horyaaliin halwo culus oo hortebin u leh Galmudug sida:

1. Dardargelinta Hawlaha Guddiyada Golaha oo ah Mishiinka dhaqaajiya Golah.

2. Hormuud ka noqoshada Hawlgalada Ciribtirka Khawaarijra iyo Xasilinta Deegaanada laga Xoreeyo.

3. Ansixinta Wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Golaha.

4. Ansixinta Miisaaniyad Sanadeedka Galmudug ee 2024 iyo Xisaab-xirkii 2022.

5. Dhameystirka Shuruucda iyo QaraaraadkavXukuumadda ee harsanaa Kalfadhigii h**e.

6. Gogol-xaarka iyo u diyaar-garowga Doorashooyinka ka bilaaban-doona Galmudug bisha Juun 2024, ee Madasha Qaran ku heshiisay.

7. La Xisaabtanka Hay'adaha Dawladda Galmudug iyo Qiimeynta wixii ka fulay Qorshihii Xukuumadda 4 tii Sano ee lasoo dhaafay.

Ugu danbeyn Gudoomiyaha ayaa u Mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug iyo Xukuumadiisa oo taageeray qabsoomidda hawlaha Golaha Wakiillada Galmudug.

FURITAANKA KALFADHIGA 8AAD EE GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUG. 20 September 2023 Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed...
20/09/2023

FURITAANKA KALFADHIGA 8AAD EE GOLAHA WAKIILLADA GALMUDUG. 20 September 2023

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa maanta Furay Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Baarlamaanka Galmudug.

Ugu h**eyn tii Gudoomiyaha ayaa u Hambalyeey Shacabka deegaanada Bacaadweyn, Camara, Qaycad, Qodqod iyo deegaanada hoos yimaad oo helay guusha neecawda Xorriyada

Gudoomiyaha ayaa furitaanka Kalfadhiga ka jeediyay khudbad uu kusoo koobay waxyaabihii uqabsoomay kalfadhigii h**e, Gudoomiyaha ayaa Sheegay in ayadoo lagu jiro Halgan joogta ah oo marar badan sababay in uu buuxsami waayo Kooramka Fadhiyada Golaha haddana lagaaray guula la taaban karo Kalfadhigii 7aad uuna xirmay bishii Juun ee Sananakaan oo ay ka mid ahaayeen;

1. Ansixintii iyo dhameystirkii dib u eegistii dastuurkeyna oo lasoo daacabacay.

2. Sharcigii Xakameynta Hubka Galmudug oo laf dhabar u ahaa dawladnimada iyo sarreynta Shuruucda Galmudug.

3. Ansixinta Sharcigii Maareynta Dhulka Galmudug oo muhiim u ahaa Maamulka Dhulka iyo Xallinta Khilaafaadka dhulalka Galmudug.

4. Ansixinta degmeynta degmooyin cusub oo ahmiyad u lahaa Galmudug sida; Afbarwaaqo, Ceelguula, Bandiiradley, Dhabbad iyo Gelinsoor.

5. Sharcigii doorashooyinka Galmudug oo horseed u ahaa in Galmudug ka baxdo doorasho dadban una guurto doorasho Qof iyo cod ah oo xor iyo xalaal ah.

6. Ansixinta Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran oo Madaxda dalku bishii May ee Sanadkaan ku daahfureen in dalku galo doorashooyin sedex heer ah, Qof iyo Cod ah, daah-furan laguna galo habka Xisbiyada badan Sanadka 2024.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in
Kalfadhiga 8aad Golaha ay horyaalaan halwo culus oo hortebin u leh Galmudug sida:

1. Dardargelinta Hawlaha Guddiyada Golaha oo ah Mishiinka dhaqaajiya Golah.

2. Hormuud ka noqoshada Hawlgalada Ciribtirka Khawaarijra iyo Xasilinta Deegaanada laga Xoreeyo.

3. Ansixinta Wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Golaha.

4. Ansixinta Miisaaniyad Sanadeedka Galmudug ee 2024 iyo Xisaab-xirkii 2022.

5. Dhameystirka Shuruucda iyo QaraaraadkavXukuumadda ee harsanaa Kalfadhigii h**e.

6. Gogol-xaarka iyo u diyaar-garowga Doorashooyinka ka bilaaban-doona Galmudug bisha Juun 2024, ee Madasha Qaran ku heshiisay.

7. La Xisaabtanka Hay'adaha Dawladda Galmudug iyo Qiimeynta wixii ka fulay Qorshihii Xukuumadda 4 tii Sano ee lasoo dhaafay.

Ugu danbeyn Gudoomiyaha Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Mahad celiyay Madaxweynaha Galmudug iyo Xukuumadiisa oo taageeray qabsoomidda hawlaha Golaha Wakiillada Galmudug.

17/09/2023

Wararkii Ugu Dambeyay Xaaladda Deegaanada Galmudug

11/09/2023

Madaxweyne Axmed Cabdi Kariye Oo Tagay Ceelgaras

انا لله وانا اليه راجعونGudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nur Gacal ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoysaska...
11/09/2023

انا لله وانا اليه راجعون
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nur Gacal ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoysaska, Qaraabada, Xubnaha Baarlamaanka Galmudug iyo dhammaan Bulshada Galmudug oo ay Maanta ka baxeen Xildhibaan Maxamed Maxamud Axmed (Maxamed Yare) oo katirsanaa Baarlamaanka 2aad ee Galmudug iyo Xildhibaan Cabdulaahi Ibraahim oo katirsanaa Golaha Deegaanka Caasimadda Dhusamareb oo maanta ku Shahiiday Deegaanka Ceelgaras iyaga oo qeyb ka ahaa hawlgalka saaka looga xoreynayey Cadawga Khawaarijta deegaankaas.

Gudoomiyaha ayaa Shuhadada Alle uga baryey in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdawsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan Bulshada Galmudug, Allena naga dulqaado Fidnada Khawaarijta.

07/09/2023

Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Waayeel Waa Waxba Kamajiraaan Warka Calii Ciid

07/09/2023

Xildhiban Fatxiyye Cabdullahi Oio Edayn Dussha Kasartay Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug

Address

Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SAMTV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SAMTV:

Share

Category