31/03/2024
Aadan Madoobe mar kale "ani Aaameey".
30ka maarso, 2024, fulinta shirqoolkii 3aad ee reer galbeedka ayaa isa soo banaan baxay, Baarlamanki iyo xukumaddii dalka oo isu badalay calooshood u shaqaystayaal aad ugu dhiiran, oo fadhi ku yeeshay Xamar ayaa aadan Madoobe dubaha leefleefka ku dhuftay xaqiijinta aaska bidhaantii nabadda iyo wadajirka quluubta Soomalida.
Si la mid ah sidii ninku xamar ugu gubay xaaskii ilmaha u siday ayaana dubuhu mar kale u dhawaaqay isagoo leh "ani Aaameey".
Caqligii iyo codkii Cali Mahdi Maxamad waxaa 1991-kii ku burburay qolofkii wadajirka Dalka iyo dadka.
Maantana waxaa Xasan sheekh isu dhaariyay in dab qabadsiiyo haraagii wadajirka quluubta Soomaalida ee fiyoow, isagoo ka wakiil ah hirgalinta wajigii 3aad ee dhagaraha is-taraa-tiga ah ee ingiriiska, faransiiska iyo Maraykanka.
waxayse Xasan iyo xooluhuba moog yihiin in in Alle u dhakan yahay, dhagaraha ay maleegeena ay barbar socdaan kuwo xaq ah oo ku ku fulaya iyaga, darbiyada ku garaaci doona, iyagoo wata holac sida hirarka Sunaamiga isu daba jooga, kuwaasoo ku oran doona "maay in aanteey" aysana jirin cid ka hor istaagi karta.
Xaqa ayaa adag, iyana waxay waayi doonaan nimcooyin badan oo ay ku kufriyeen, waxay ka shalayn doonaan waxay faleen, waxay inkiri doonaan inay ka mid ahaayeen Baarlamaan baaskii, waxayna ka shalayn doonaan wixii shar iyo shido ay had iyo goor maleegi jireen, wixii ay cuneen; caro iyo cadaab, ciil iyo ceeb, calaf go', catow iyo calaacal ayayna ka dhaxleen codadkii cudurka iyo cuqdadda xanbaarsanaa, ee cuntada la siistay, cadaabna waa u danbayn midkaan Alle caymin..
idanka Alle.
Badinta mahadnaqa Rabi ayaana ku gaaraynaa guul kasta.