
11/06/2022
Taliyihii h**e ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya Fahad Yaasiin oo Waraysi bixiyey ayaa dilkii Sarkaalad Ikraan Tahliil dusha u saaray Sadex masuul oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaas oo kala ah Raysal Wasaare Rooble, Mahad Salaad oo ah Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala isaga oo arrintaas ka hadlaya ayaa wuxuu yidhi
“Gabadhaan waxaa marka h**e la geeyay xafiiska Raysal Wasaaraha. Waxay ahayd shaqo doon. Kadib Mahad Salaad ayaa gaadhi kusoo qaaday, waxaana la geeyay Daarusalaam. Kadibna Jilib ayaa lasii geeyay”
“Halkaas ayaana lagu dilay. Waxaana dilka fuliyay Mahad Karataay oo Xidhiidh dhow ay leeyihiin Mahad Salaad’’
“Gacanta fulisay dilka Ikraan Tahliil waxaa lahaa Mahad Salaad. Farsamadana waxaa lahaa Al Cadaala. Maskaxdana waxaa lahaa Rooble. Dilkana waxaa geystay Al Shabaab”
“Aakhiro waxaa la weydiin doonaa Insha Allah RW Rooble. Gabdhaan waxaa dilkeeda ka dambeeyay sadaxdaas rag iyo Al Shabaab”.