Hoyga Dhab-Warran

Hoyga Dhab-Warran Gob media Galdodob

Shirkii, Gaalkacyo kasocday oo ugudbey Maalintii Afaraad.Maanta waxaa Si hoose ushirey Odayaasha Labada Dhinac , Leelkas...
26/02/2025

Shirkii, Gaalkacyo kasocday oo ugudbey Maalintii Afaraad.

Maanta waxaa Si hoose ushirey Odayaasha Labada Dhinac , Leelkase iyo Sacad , ayagoo la shirayay gudiga Farsamada .

Waxaa larajaynayaa Shirarkaan inay kasoo baxaan Nabad Waarta .

Kala soco Warar xaqiiqda ah Hoyga Dhab-Warran

25/02/2025

Odayaasha Leelkase oo mag iyo xaal ka baxshey Dhacdooyinkii Gaalkacyo.

Odayaasha ayaa Sidoo kale codsadey in ayagana laga xaal marsho wax Werarar loo geystey iyo dad kii lagaga laayay Galbeed ka Mudug.

Odayaasha Leelkase ayaa geed dheer iyo Mid-gaaban ba ufuuley sidii Gobol ka loogu noo Laan lahaa si nabad ah, loona joojin lahaa dagaalada kasocda aaga Saaxa Qurun, loona heshiin lahaa.

Kulankii labaad ee nabadda gobalka Mudug ayaa saaka furmay haddana si habsi ah u socda; Odayada iyo wax garadka Leelkase...
20/02/2025

Kulankii labaad ee nabadda gobalka Mudug ayaa saaka furmay haddana si habsi ah u socda;

Odayada iyo wax garadka Leelkase ayaa waxaa ka go’an Nabadda gobal ka inay meel wanaagsan saaraan , Har iyo habeenna shirar laqaadanaya Dad ka Magaalada la dagan Sida Maheerteen iyo Habar gidir.

Tolweynaha Leelkase ayaa lagu yaqaanaa Nabad jeceyl iyo xeerin , iyo iney meel uga soo wada jeestaan wax walba oo dhib wada haba ka dhasheene.

Wararka Xaqiiq da ah Hoyga Dhab-Warran

Shirka ka socda Gobolka Gaalkacyo , Kaas oo lagu heshiisiinayo Qayb kamid ah Leelkase iyo Sacad ayaa si Habsami ah u soc...
20/02/2025

Shirka ka socda Gobolka Gaalkacyo , Kaas oo lagu heshiisiinayo Qayb kamid ah Leelkase iyo Sacad ayaa si Habsami ah u socda.

Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb galay odayaal, Laba dhinac ah, Puntland , Galmudug Illaa Federal ka, Ayagoo raba in ay kasoo baxaan heshiis dhaxal gal ah.

Dagaal ka Kadhacey Mudug oo ay ku dhinteen dad aad ufara badan ayaa kuleelkiisii gaarey Gobolka, Taas oo qasab noqotey in wajigii h**e uu kabadalmo, Lana soo dedejiyo heshiisyada.

Horey ayaa heshiis la dhexdhigey, Hase ahaate, Waa socon waydey , ayado oo ay dhinac kamid ah ay jabinayeen heshiiskaas.

heashiiskaan ayaa lafilayaa in uu miro dhalo maadaama ay qasab tahay in uu istaago Dhiigga labada qabiil, Diinta islaam kuna xaaraameeysey dhiigga qofka muslim ka ah.

Waxaa la filayaa inay soo dhaweeyaan qabiilada dirirey heshiiskaan, qasabna ay ku tahay inay tanaazulaan, soona dhaweeyaan heshiis yadan , ayaga oo fiirinaya aayahooda iyo in ay San faa’iido lagayn dagaalka sokeeye.

Kala soco Warar Xaqiiq ah Hoyga Dhab-Warran

SomBank Vissa Card ayaa Noqonaya Card Caalami ah oo ay isticmaali doonaan dad badan , Vissa Card kan ayaa aad hadda loog...
15/02/2025

SomBank Vissa Card ayaa Noqonaya Card Caalami ah oo ay isticmaali doonaan dad badan , Vissa Card kan ayaa aad hadda looga is ticmaalaa Aduunka oo dhan Sida India and China oo meela farabadan.

SomBank oo aad u dadaashay Sanadadii lasoo Dhaafey ayaa Hadda card- kaarkeeda Martarka ah aad suuqaqa online ka ah wax looga gataa , wali Qiima Yarna Waa laga qaadaa Macaamiisheeda.

Macaamiisha Sombank ayaa aad uga service kaan ay soo kordhisa Shirkadda Tawakal Money Services , Sidoo kale Waxay soo kordhiyeen App aad u Waamo badan kaas oo layiraahdo pay LLC.

kala soco Warar Xaqiiq ah Hoyga Dhab-Warran

Wafdi ay Hogaaminayaan Cuqaasha Tanade Qayb kamid ah ayaa kayimid Magaalada Nairobi , United state of america, Canada iy...
15/02/2025

Wafdi ay Hogaaminayaan Cuqaasha Tanade Qayb kamid ah ayaa kayimid Magaalada Nairobi , United state of america, Canada iyo Meelo kale oo fog fog, Ku waas oo u Yimid Nabadeyn Dagaalka Mudug.

Wafdigaan Ayaa Waxaa ka mid ahaa Rag odayaal ah Oo Reer Galdogob Mansab Ku leh , jecelna iney Wanaagooda kataliyaan.

Sidoo Kale Waxaa soo dhawayey, Qaar ka mid ah Boqortooyada Reer ugaas oo uu ugu Horeeyo Abdiwahaab Ali Ugaas , Kaas oo ah aqoon Yahan in badan ku noolaa, Qurbaha , Khibrad na u leh Nabadeynta Umadda.

Waxaa la filayaa inay Shirar Muhiimah Qabtaan , Kana Mira dhaliyaan Heshiiskan , Lana rajaynayo inay Labadii qabiil ee dirirtu dhexmartey , ee kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug iney si Farxad leh isugu gacan saaraan.

kala soco Warar xaqiiqa ah Hoyga Dhab-Warran
sawirada Xigasho Gacal Media Production GMP

Magaalada Garoowe ee ah Caasimadda Puntland ayaa sameysey Horumar Xagga dhismaha iyo Wadooyinka oo la qurxiyay.Waxaad ar...
14/02/2025

Magaalada Garoowe ee ah Caasimadda Puntland ayaa sameysey Horumar Xagga dhismaha iyo Wadooyinka oo la qurxiyay.

Waxaad arkeysaa Waddooyinka Waaweeyn oo Lagu Dhex abuurey Geedaha Waaweyn ee Geed timireedka ah taas oo bilicda magaalada kor uqaadey.

Sidoo kale waxaad arkeysaa Hoteello aan ka dhicin hotel lada 5 istarka ah , kaas oo uu udhamaystiran yahay qalabkiisa , Sariiro Raaxo ah, Qaboojiye (IC) , Musqulo Nadiif ah.

Grand Hotel - Garowe, Somalia oo ah hotel Caalami ah ayaa waxaa u dheer Jiifka, Maqaaxi aad u cunto Macaan oo shaqaale Macaamiisha u wanaagsan Joogaan, Fadhi iyo Beer qurux baddanna leh.

Waxii Warar ah kala Soco Hoyga Dhab-Warran

Qaar Kamid ah Nabadoonada Tanade/Leelkase oo Shir Kuqabtey, Magaalada Hyderabad India, 45th Avenue Cafeteria.Shirkaas Ay...
29/01/2025

Qaar Kamid ah Nabadoonada Tanade/Leelkase oo Shir Kuqabtey, Magaalada Hyderabad India, 45th Avenue Cafeteria.

Shirkaas Ayay Kutaageereen Nabadeynta Kasocota Mudug, ayagoo Si Mugleh utaageerey Shirarkii Kadhacey Nairobi Kenya , Gaalkacyo iyo Magaalada Galdogob.

Shirkaan oo aad loogu Falanqeeyey, In Nabadda Mudug ay tahay Muqadas loona baahan yahay in Colaadihii dhacay Nabad lagu soo dabaalo , Magaalada Gaalkacyana Si gooni ah loo ilaaliyo eyna tahay Xuduntii soomaaliya.

Nabadoonada ayaa ugu danbeyn Ugu baaqay in Fursadaha jira laga FAA,iidaysto, Muhiimna inay tahay in dowladdooda Puntland ay xoojiyaan, kana ilaashadaan Cadowga ku soo duuley ee Daacish iyo wixii la halmaala.

Ugu danbeyn Waxay kubaaqeen in ay horumarku yahay Amaanka in Xooga lasaaro, Ayna qasabtahay in Odoyaasha, Wax garadka , Culumada iyo aqoonyahanka la maqlo, Lana soo dhaweeyo inta wanaaga katalinaysa.

Kala soco Wararka Xaqiiq da ah Hoyga Dhab-Warran

Waxaa shaley Kusoo  Gaba gaboobey Wadanka Kenya Magaalada Nairobi Shir Maalmo Qaatey, kaasoo dib loogu heshiisiinayay Di...
28/01/2025

Waxaa shaley Kusoo Gaba gaboobey Wadanka Kenya Magaalada Nairobi Shir Maalmo Qaatey, kaasoo dib loogu heshiisiinayay Dirirtii Dadbadan ay ku dhinteen ee dhex Martey Walaalaha Leelkase iyo Sacad.

Shirkaas Waxaa kasoo qayb galey Wax Garad ka laba qaybood oo isugu jira , Culumo, Siyaasiyiin, Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada iyo Waliba Dhalinyaro oo Kuligood u diyaarsan, Say Nabad ugu soo Dabaali Lahaayeen Dad kaas Dhibtu kala gaartey, Una gaarsiin lahaayeen Aduunka Kale ee is la nool, Dad kastana Tiisa yaqaanno Kan La dariskaana Xushmeynaya.

Ugu Danbeyn Waxaa lagu tashaday oo lagu faataxaystey in gudaha dalka (Mudug) la tago oo dadka gudaha jooga nabadda lagala shaqeeyo — lana tago maalmo gudahood;

Kala Soco Wararka Xaqiiqda ah Hoyga Dhab-Warran

Nabadeyn Beelaha Wadadagan Gobalka Mudug ee Dagaalado Dhex Mareeyn ayaa kabilaabatey Wadanka Nairobi Kenya, Ayadoo  raja...
27/01/2025

Nabadeyn Beelaha Wadadagan Gobalka Mudug ee Dagaalado Dhex Mareeyn ayaa kabilaabatey Wadanka Nairobi Kenya, Ayadoo rajadu Tahay inay kufiddo Meelihiin Dagaaladu ee kadheceen oo ay ku jirto Gaalkacyo.

Labada Qolo oo kala dagan, Bandiiradleeyo iyo Galdogob ayaa dad badani isaga dhinteen soona laaban mayaan dadkaa dhintey, Hase ahaatee soomaalida ayaa ku maahmaahda Caano daatey Dabadood ayaa laqabtaa oo hadda howshaan ayaa loo fadhiyaa .

Labadaan qabiil ayaa Muhiim ah u dadka degan Mudug , lafdhabarna u ah Mudug , Dirirtooduna ay saameyn kartaa Mudug illaa soomaliya, Wanaagooduna uu saameyn karaa intoo kale.

Odayaasha, Maamooyinka, Dhalin yarada iyo Culumada ayaa laga codsanayaa iney soo dhaweeyaan Dadaalka Nabadda oo kasoo curtey nairobi, lana rajeynayo inuu ka da'o Mudug.

Kala soco Hoyga Dhab-Warran

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard!Jamaal Cabdinaasir Lagujire, Ibtisaam Said, Xajji Shekeeye
23/01/2025

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard!

Jamaal Cabdinaasir Lagujire, Ibtisaam Said, Xajji Shekeeye

Puntland oo ah Dowlad Facwayn , Ayaa Laga rabaa inay Kadheeraato is dhexyaaca Siyaasadeed ee kajira Qabiilada Dhistey Pu...
23/01/2025

Puntland oo ah Dowlad Facwayn , Ayaa Laga rabaa inay Kadheeraato is dhexyaaca Siyaasadeed ee kajira Qabiilada Dhistey Puntland.

Sida La ogsoonyahay Puntland Waa Dowlad in badan soo shaqayneysey oo ay ku midoobeen Qabiilo , Hase ahaatee Marwalba Waxaa Laga yaabaa in Dad aan taariiqdeeda hayn Ay horumarkeeda Meel fog Kafiirinin ay dhexboodaan.

Puntland waxay Ubaahantahay in ay Marwalba Xeeriso
,Tabababaro adagna Siiso dadka Madax da ka noqonaya, Cilmi ahaanna Waa in ay kadhisanyihiin Mid Diineed iyo Mid Maadiba.

Aduunku Waxuu Ku hormaraa In La is Tayeeyo ee Maaha in La is tireeyo.

Puntland Waxay leheed Culumo Loo noqo oo mar jic ah, Odayaal Sama katalis ah, Iyo Dhalin yaro is jecel.

Ugu danbeyn Madaxweyne Said Dani oo ah Hogaamiye, ayaa Marwalba Kahadla in Dadka Reer Puntland inay dadaalaan Lagana Gudbo , inta qaladka Wadda , Dowladuna Waa is la xisaabtan iyo in Magac dowladnimo in la ilaaliyo .

Kala soco Warar ka Xaqiiq da ah @ Hoyga Dhab Warran

Address

Galdodob Mudug
Gaalkacyo
25200

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hoyga Dhab-Warran posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hoyga Dhab-Warran:

Share