13/06/2025
Waa Maxay Sababta Soomaalidu u Dhisan La'dahay Dawladnimo Xasiloon?
✍️ Qore: Cabdullahi Case Xudeyfi.
Soomaaliya waxay leedahay dad isku af, isku diin, isku dhaqan, iyo isku midab. Waxa la moodi lahaa in ay yihiin ummad aad ugu dhow midnimo iyo dawladnimo waarta. Balse xaqiiqadu waa ka duwan tahay. Tan iyo burburkii 1991, dalka waxa uu galay xaalad fawdo ah, waxaana si joogto ah isugu xiga dagaallo sokeeye, qabiil isku haysi, musuqmaasuq, iyo dawlad aan sal adag lahayn.
Dad badan waxay sababta ku eedeeyaan qabyaaladda, gumaystihii h**e, ama faragelinta shisheeye. Laakiin haddii si geesinimo leh loo eego, hal sabab oo qura ayaa sal u ah dhammaan mushkiladahaasi: wacyi hooseeya oo ka dhashay feker xoolo-dhaqato ah, oo aan weli isbeddelin xataa marka bulshadu ku nooshahay magaalooyin ama dowlado sheeganaya nidaam casri ah.
1. Wacyiga Bulshada Soomaaliyeed: Qabiil ka weyn Qaanuun
Soomaalidu waxay inta badan u fikiraan si qabiili ah, halkii ay ka fekerilahaayeen si bulsheed ama qaranimo ah. Waxa dadku ku qiimeeyaan qofka beesha uu ka soo jeedo, halkii ay ka eegi lahaayeen kartidiisa, daacadnimadiisa, iyo aqoontiisa.
Markaad eegto hannaanka siyaasadeed, madaxda dalka, wasaaradaha, xataa shaqaalaha rayidka ah, waxaa muuqda in:
Jagooyinka lagu qaybsado hab qabiil.
Shaqaalaha dowladda loo xusho beelo, ee lama eego xirfad.
Sharciga uu ku jiro buug, balse aan dadku ku dhaqmin.
Caddaaladdu ay noqoto mid gacan-saar la leh cidda xilka haysa ama beesha xooggan.
Waa arrin la yaab leh in beel xoolo-dhaqato ahi, oo aan weligood ku dhaqmin nidaam dawladnimo, ay maanta sheeganayaan inay dhisayaan qaran sharci ku saleysan. Su’aasha is weydiin mudan waxay tahay: sidee qof aan waligii sharciga maqliin, u noqon karaa ilaaliyihiisa?
2. Dhaqanka Reer Miyiga iyo Saameynta uu Ku Yeeshay Siyaasadda
Reer miyiga Soomaaliyeed wuxuu leeyahay sifooyin qurux badan sida geesinimo, martisoor, iyo is-gargaar. Balse marka sifooyinkaas loo raro dawladnimo, si khaldan, waxay dhalayaan:
In qofku uu u tixgaliyo xilka dawladnimo sidii geel: hanti la leeyahay.
In la yiraahdo: “Tani waa xilkii beeshayda”, halkii laga oran lahaa “waa xil dadweynaha”.
In colaad beeleed lagu hoos qariyo magaca “xisbi” ama “maamul goboleed”.
In qof aan aqoon lahayn loo dhiibo jago sare, maadaama uu yahay “odoy beeleed”.
Haddaba, nidaam dawladnimo ma shaqeyn karo iyadoo maskaxda maamuleyaasha iyo shacabka badankiisu weli ku dhisan tahay reer-miyi iyo gar-diidnimo.
3. Dawladnimo Xal Uma Heli Karto Qabiil U Fakaraya Sidii Reer
Waa in si cad loo ogaadaa: qabiil iyo dawladnimo isma qabtaan. Halka qabiilku ka shaqeeyo dan gaar ah, dawladdu waxay u taagan tahay dan guud. Halka qabiilku ka shaqeeyo daacadnimo beeleed, dawladdu waxay u baahan tahay daacadnimo dastuuri ah. Marka qof madax ah uu la yimaado wacyi reer miyi, wuxuuna awoodda u adeegsadaa:
Inuu beeshiisa xoogga siiyo.
Inuu cadow ka dhigo beelaha kale.
Inuu lacagta dowladda u isticmaalo sidii maal dadkiisa gaar u ah.
Tani waxay horseeddaa burbur, musuq, colaad, iyo kalsooni-darro bulsho.
4. Maxaa Loo Baahan Yahay? – Kacaan Maskaxeed
Soomaaliya uma baahna kaliya hub la dhigo ama maamul la dhiso, ee waxay u baahan tahay kacaan maskaxeed (intellectual revolution) oo:
Bedela aragtida qofka ee xilka, sharciga, iyo caddaaladda.
Abuurta dad fahamsan in beesha iyo dawladdu kala duwan yihiin.
Soo saarta hoggaan aragti leh, ma aha laabta beesha oo keliya la leh.
Dhiirrigelisa waxbarasho xor ah oo la dagaalanta qabyaaladda iyo fikradaha duugoobay.
5. Gunaanad: Sidee Loo Gaadhi Karaa Wacyi Sare?
Waxbarasho: Arday kasta ha barto cilmiga bulshada, siyaasadda, iyo sharciga.
Warbaahin: Halkii laga sii faafin lahaa beelaysi, ha la faafiyo fekerka wacyigelinaya.
Culimaa’udiin: Ha la joojiyo taageeridda madaxda qabyaaladda ku saleysan, hana la dhiso haldoorka ku fekeraya caddaaladda.
Dhalinyaro: Ha noqdaan kuwo maskaxda xoreeya, ee aan noqon aalad qabyaaladeed.
> Wacyiga bulshada waa aas-aaska horumarka. Bulsho leh wacyi hoose, waligeed ma gaadhi karto dawladnimo sarreysa.
Waxaa la joogaa waqtigii laga guuri lahaa xoolo-dhaqato siyaasadeed loona guuri lahaa maskax ummadeed oo sharci, caddaalad, iyo isku duubni ku dhisan.