Mideeye News

Mideeye News Bogga rasmiga ee mideeye news waxaad ka helaysaa warar,warbixinno,madadaalo iyo barnaamijyo soomaaliya u badan

07/05/2022
Deegaannada maamulka Jubbaland ayaa laga mamnuucday Niqaabka/Indha-shareerka dumarka ay xidhaan, iyadoo loo sababeeyey a...
07/05/2020

Deegaannada maamulka Jubbaland ayaa laga mamnuucday Niqaabka/Indha-shareerka dumarka ay xidhaan, iyadoo loo sababeeyey arrimo ammaan, sida ay shaacisay Hey'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland.

"Iyadoo laga hortagayo khatar amni oo ka dhalata xidhashada niqaabka ama indho shareerka waxaa suurto gal ah in cadogw Umadda Soomaaliyeed ay ka faai'deystaan xidhashada shareerka xilliga adag ee Lagu gudo jiro ka hortaga aafada ,

Shacabka rag iyo dumarba waxaa ay si siman u isticamaali karaan gafuur xidh ama afka qalaad lagu dhaho Face Mask" ayaa lagu yidhi war ay soo saartay NISA Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya oo war saxaafadeed kasoo saartay diyaaraddii maanta ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay.
05/05/2020

Dowladda Soomaaliya oo war saxaafadeed kasoo saartay diyaaraddii maanta ku dhacday magaalada Bardaale ee gobolka Baay.

DEG DEG:DAAWO LOSO SARAY CORONADawadan oo ay iska kaashadeen khubaro caafimaad ayaa ka kooban burutiin ama nafaqo lagu m...
04/05/2020

DEG DEG:DAAWO LOSO SARAY CORONA

Dawadan oo ay iska kaashadeen khubaro caafimaad ayaa ka kooban burutiin ama nafaqo lagu magacaabo " interferon beta", taasoo ah dhacaan uu jirkeenna soo saaro marka uu la kulmo fayras ku dhex faafaya.

Natiijooyinka hordhaca ah ee tijaabada lagu sameeyay dawadan ayaa la filayaa inay soo baxaan dhammaadka bisha June.

Waxaa hadda jira dawooyin shaqeynaya oo ay dhakhaatiirtu u adeegsadaan inay ku xoojiyaan difaaca jirka dadka bukaannada ah.

Kim john un,waa kanaa ninkii baryahan geeridiisa la shaacinyey
02/05/2020

Kim john un,waa kanaa ninkii baryahan geeridiisa la shaacinyey

Qardho:  Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada  iyo waxgaradka gobolk...
30/04/2020

Qardho: Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Karkaar, Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda ka dhalatay fatahaadii ka dhacday Qardho.

Nabadoonada iyo Waxgaradka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay sida ay Dowladdu uga jawaabtay illaa iyo haddana u maareynayso xaaladda dhacday, iyo imaanshaha Madaxweynaha ee Qardho.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabddullaahi Deni, ayaa la wadaagay Waxgaradka iyo Odeyaasha dhaqanka in Dowladda ay ka go’antahay sidii xal waara looga gaari lahaa togagga iyo meelaha kale ee fududeynaya in Biyahu soo galaan magaaladda.

Dowladda ayaa goor horeba bilowday qorshe loogu gurmanayo degmada Qardho, si wax loo gaarsiiyo dadkii uu noloshooda saameeyay daadkii iyo fatahaadii ka dhacday Qardho, waxaana uu hadda maraya qorshahaasi

Jigjiga:qofkii ugu horreeyey ayaa laga heley cudurka  , waa nin 30 jir ah oo ka safray Puntland.
26/04/2020

Jigjiga:qofkii ugu horreeyey ayaa laga heley cudurka , waa nin 30 jir ah oo ka safray Puntland.

Hoggaamiyihii Woqooyiga KuuriyaKim Jong-un ayaa lagu soo warramayaa in uu geeriyooday.Inkasta oo ay adag tahay in la oga...
25/04/2020

Hoggaamiyihii Woqooyiga Kuuriya
Kim Jong-un ayaa lagu soo warramayaa in uu geeriyooday.

Inkasta oo ay adag tahay in la ogaado xogta dhabta ah ee gudaha dalkaasi, balse warbaahinta dalalka China iyo Japan ayaa ku soo warramaya in qalliin wadnaha ah oo lagu sameeyay uu u geeriyooday hoggaamiyahan kelitaliska ah.

Bandowgii habeennimo ee magaalada Muqdisho ayaa la qafiiyey iyadoo saacid dib loo dhigey (8:00 Fiidnimo ayaa laga dhigey...
25/04/2020

Bandowgii habeennimo ee magaalada Muqdisho ayaa la qafiiyey iyadoo saacid dib loo dhigey (8:00 Fiidnimo ayaa laga dhigey) kaddib banaanbax tan iyo xalay ka socday Xamar.

Taliyaha Booliska Xijaar ayaa sheegey in sidan ay u sameeyeen iyaga oo tixgelinaya Iskaabulada Soomaaliyeed.

24/04/2020

Al-shabaab ayaa laba weerar oo qaraxyo loo adeegsaday ku qaadday garoonka cusub ee diyaaradaha ee magaalada Baraawe iyo saldhigyo u dhow oo ay leedahay Amisom.

Waxaa lagu soo warramayaa in uu jiro waxyeello gaadhay saldhigyada iyoTerminalka garoonka.

24/04/2020

Waxyaabaha soonka buriyae sh maxamed dirir

Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay Gole Wasiirro oo cusub oo ka kooban 23 Wasiir.Waxaa kamid ah Xildhibaan...
23/04/2020

Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay Gole Wasiirro oo cusub oo ka kooban 23 Wasiir.

Waxaa kamid ah Xildhibaanno Dowladda Soomaaliya katirsan waa Axmed Maclin Fiqi iyo Saabir Shuuriye oo loo kala magacaabay Arrimaha Gudaha iyo Dekedaha.

Waxaa kale oo ku jira Wasiirka Qurbajoogta oo loo magacaabay Sahra Colaad.

Waa markii ugu horraysay oo mas'uuliyiin heer federaal ah ay u noqdaan heer dowlad-goboleed.

Address

Gaalkacyo

Telephone

+252907685585

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mideeye News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share