Xogsan Media

Xogsan Media Xogsan media kala soco warar sugan

10/08/2025
07/09/2024

Imaaraadka Carabta oo ka jawaabaya iskaashiga Turkiga iyo Masar ayaa marti-qaaday Wasiirka Difaaca ee Itoobiya, Eng.Caaisha Maxamed Muuse, iyada iyo dhiggeeda UAE, Maxamed Bin Mubarak ayaa ka wada-halday xoojinta iskaashiga Difaaca, Amniga iyo danaha labada dal, sida ay baahisay wakaaladda wararka Imaaraadka.

06/09/2024

Beijing: Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiday la-kulanka Raysal wasaaraha Itoobiya, ka dib soo jeedin ka timi madaxda Jabuuti, Muritaaniya, Nayjeeriya & Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo-diblumaasiyadeed oo si dhow ula socday arrintan.

Madaxdan ayaa doonaysay in ay fududeeyaan wada-hadal toos ah Shiinaha ku dhexmara Addis Ababa iyo Muqdisho.

Madaxweynaha Dalka koonfur Africa Cyril Ramaphosa Ayaa waraaqihii Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Maxamed Sheikh isaaq ...
09/04/2024

Madaxweynaha Dalka koonfur Africa Cyril Ramaphosa Ayaa waraaqihii Aqoonsiga Safiirnimo ka gudoomay Maxamed Sheikh isaaq Safiirka cusub ee Soomaaliya u Soo magacowday Dalka koonfur Africa.

08/04/2024

Dowladda Soomaaliya ayaa codsi u gudbisay Midowga Afrika kaaso ah in ciidamo caalami ah ay yimaadaan Soomaaliya kuwaaso howlgalka kala wareegi doon ciidamada ATMIS oo dalka ka bixi doona bisha December ee 2024.

Muqdisho: Maxk**adda Ciidamada Soomaaliya ayaa dil toogasha ah ku xukuntayTaliyihii saldhigga degmada Heliwaa, Cabdifata...
06/04/2024

Muqdisho: Maxk**adda Ciidamada Soomaaliya ayaa dil toogasha ah ku xukuntayTaliyihii saldhigga degmada Heliwaa, Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye & Kabtan Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, iyada oo loo haysto dilka ganacsade Marxuum Abuukar Axmed Kaabax.

Sidoo kale Maxk**adda Ciidamada ayaa 15 Sanno oo Xabsi ciidan ah ku ridday Liibaan Maxamed Cumar, halka Maxamed Cadaawe Cali, Yaasiin Cabdi Jaamac iyo Xasan Dhiin-dhiin lagu xukumay 10 sanno oo xabsi ciidan ah.

Maxk**adda ayaa sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax denbi ah ku wayday.

23/02/2024

Dowladda Turkiga oo sharraxada ka bixisay heshiiska ay la gashay Soomaaliya ee dhanka iskaashiga difaaca badda iyo dhaqaalaha ayaa sheegtey in heshiiskan hadda looga gol leeyahay in sare loogu qaado iskaashiga dhanka difaaca ee Turkiga iyo Soomaaliya.

“Haddii ay naga codsato Soomaaliya, waxaan gacan ka geysan doonnaa dhanka amniga badda, waxa aan ka caawin doonnaa sidii ay u horumarin lahayd awooddeeda si ay ula dagaallanto falalka sharci-darrada ah iyo kuwa aan caadiga ahayn ee ka socda baddeeda." - Ayey yidhaahdeen mas'uuliyiin u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Turkida.

21/02/2024

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa meelmariyey Heshiis Amni Badeed oo ay Soomaaliya lagashay Dawladda Turkiga, waxaana heshiiska mudadiisa yahay 10 sano, Turkigu ay awood buuxda u leeyihiin maamulida iyo Difaaca Biyaha Soomaaliya.

Madasha waxaa laga xaqiijiyey in ay Soomaaliya u baahan tahay dalweyn oo difaaca Qaranimadeeda, kaasna uu noqon karro Turkiga.

Heshiiska oo loo akhriyey golaha wasiiradda, waxaa laga sheegay madasha in heshiiskan fulintiisa ay 24 saac gudahood ku bilaabanayso, Haddii layku dayo xeebaha Soomaaliya in lagu xadgudbana ay ciidanka Turkigu u dagaalami doonan difaaca Biyaha Soomaalida, (Sida ay Ankara u difaacan oo kale).

30% Aaga dhaqaalaha Baluuga ah, kheyraadka laga helo ayay qaadanaysaa Turkiga, waxayna dhisi doonan ciidanka Badda oo laqalabeeyey, si ay masuuliyda ula wareegaan.

Kalluumeysiha sharci darada ah ee ay dalalka Shisheeye kujariifaan xeebaha dalka ayay la dagaalami doonaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaadey in saaka ciidanka Itoobiya u diideen in uu ka baxo Hotelkii isla ...
17/02/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaadey in saaka ciidanka Itoobiya u diideen in uu ka baxo Hotelkii isla markaana uu raaco gaadiidkii u qaadi lahaa xaruuntii uu ka dhici lahaa shirka Midowga Afrika taas oo ku kalliftay in uu xaruunta u raaco baabuur uu lahaa madaxweyne kale oo ka mida madaxda qaaradda Afrika ee shirka ka qayb gashay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale intaa ku sii daray mar labaad lagu hor joogsaday isaga iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle in ay galaan xaruunta Midowga Afrika.

Jigiiga: Abiy Axmed oo xadhiga ka jaray wershad soo saari doonta Roodhida iyo daqiiqda taas  oo la sheegay in ay xaaskii...
13/02/2024

Jigiiga: Abiy Axmed oo xadhiga ka jaray wershad soo saari doonta Roodhida iyo daqiiqda taas oo la sheegay in ay xaaskiisu hir gelisay.

09/02/2024

"Hooyo iyo aabbe ayaa is qabtay, aabbe ayaa feedh isha uga xaday hooyo; ka dibna hooyo waxa ay wacatay laba wiil oo iga weyn oo ay oday kale u dhashay, ka dibna qolka ayey la galeen aabbe; markaan is dhahay ka qabo ani ayey bud igu dhufteen, toorreeyo ayey la dheceen anoo leh; ha dilina aabbahay, ayuu dhintay."

Wiil yar oo ka hadlaya dhacdada ninka la sheegey in xaaskiisu ku dishey Muqdisho xalay, ayaa sidaasi u sheegey warbaahinta.

Qoysaska is dilaya ayaa ku soo badanaya caasimadda, welise dowladdu faahfaahin k**a bixin waxa ay salka ku hayaan.

08/02/2024

Madaxweynaha dalka Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa ku guulaystay doorashadii shalay dalkaas looga dareeray isaga oo helay 92% ka mida codadkii la dhiibtay.

Aliyev oo dalkaas soo hoggaaminayey tan iyo sannadkii 2003 kii, waxa guushiisa sannadkan sabab u ahayd soo celintii gobolka Nagorno Karabakh oo dalkaas 30 ka maqnaa.

Dadka reer Azerbaijan ayaa u muuqda in ay Madaxweynahan abaal celin kursiga uga dhigeen maaddama oo u dalkaas dib ugu soo celiyey gobolkii muddada dheer ka maqnaa.

Address

Gaalkacyo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogsan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xogsan Media:

Share