Galdogob Youth Development Organization GYDO

Galdogob Youth Development Organization GYDO Is non govermental Orgsnization that working Mudug region and it always focus on youth and Socail development

HAMBALYO GALDOGOB – GUUL TAARIIKHI AH.Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob waxa uu hambalyo ballaaran u dirayaa Xulk...
28/11/2025

HAMBALYO GALDOGOB – GUUL TAARIIKHI AH.

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob waxa uu hambalyo ballaaran u dirayaa Xulka Degmada Galdogob oo markii labaad ku guuleystay Koobka Degmooyinka Gobolka Mudug muddo saddex sano gudaheed. Guusha maanta waxay sii xoojisay ka waynaanta Galdogob dhanka kasta ee degmooyinka kale ee Gobolka Mudug.

Waxaan u mahadcelinaynaa Maamulka Ciyaaraha Gobolka iyo dhammaan tartamayaashii 7-da degmo, kuwaas oo si hufan oga qayb qaatay tartanka.

Waxaa guulaystay dadaal bulsho.

Ururku waxa uu si gaar ah u xusayaa dadaalkii joogtada ahaa ee reer Galdogob meel kasta oo ay joogeen. Runtii waa guul ay qeyb ka ahaayeen masuuliyiin, taageerayaal iyo hormuudka dhalinyarada oo si isku duuban ugu shaqeeyay in xulku helo u diyaar garow ciyaaro ay guulo ka keeni karaan. Dadaalkaas adag wuxuu door muuqda ka qaatay hirgelinta guushan maanta la gaaray.

Guushan ha horseedo meel sare!

Guushan waa mid ka tarjumaysa dadaalka joogtada ah, isku-duubnida, tababarka adag iyo taageerada reer Galdogob. Sidaas darteed urur ahaan waxaan ku dhiirrigelinaynaa dhammaan masuuliyiinta iyo bulshada Galdogob in ay ka shaqeeyaan Galdogob leh garoon cagaaran oo casri ah, si dhalinyaradu u helaan goob ay hibadooda ku kobciyaan mustaqbalka dhow iyo kan fog.

Hanashada koobkan ha noqoto mid dhalinyarada Galdogob u horseeda horumar iyo mustaqbal ciyaareed oo ifaya.

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob

Magaaladda Gaalkacyo waxaa goordhawayd ka furmay shirweynaha Bandhiga Todabaadka Nabadda Gaalkacyo Peace Week oo socon d...
12/11/2025

Magaaladda Gaalkacyo waxaa goordhawayd ka furmay shirweynaha Bandhiga Todabaadka Nabadda Gaalkacyo Peace Week oo socon doona mudo labo maalin ah.

10/11/2025

Hadhimo Maamuus leh iyo Garab Istaag Buuxa oo uu Xildhibaan Cabdiwali Yuusuf Warsame (Indhaceel) u Muujiyay Xulka Galdogob

Xildhibaan Cabdiwali Yuusuf Warsame (Indhaceel) ayaa maanta qado maamuus leh ku sharfay Xulka Degmada Galdogob, kuwaas oo kulamo isboorti iyo saaxiibtinimo ku joogay caasimadda Garoowe.

Intii ay xulku joogeen Garoowe, Xildhibaan Indhaceel wuxuu ahaa garabkooda buuxa, si joogto ah ayuu ula socday dhaq-dhaqaaqooda, una muujiyay taageero muuqata oo moral iyo dhaqaale ah, taasoo dhiirrigelisay niyadda iyo isku duubnida dhalinyarada.

Intii lagu jiray qadada, Xildhibaanku wuxuu jeediyay dardaaran qiimo badan, isagoo dhalinyarada ku booriyay inay ka fogaadaan tahriibka, dagaalka, iyo kala qoqobka, kana shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo horumarinta deegaanka.

Xulka Galdogob ayaa uga mahadceliyay Xildhibaan Cabdiwali Indhaceel garab istaaggiisa joogtada ah, soodhawayntiisa diirran, iyo dardaarankiisa dhaxal galka ah ee ku aaddan mustaqbalka dhalinyarada.

08/11/2025

Casho Sharaf uu Madaxweynaha Puntland u sameeyay Xulka Galdogob!

Kadib safarkii guushii ee ay Xulka Galdogob kulamo saaxiibtinimo la ciyaareen Caasimadda Garoowe, waxaa caawa magaalada Garoowe lagu qabtay casho sharaf heer sare ah oo uu Madaxweynaha Puntland u sameeyay Xulka Degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Cashada oo ahayd mid si qurux badan loo agaasimay, waxaa si gaar ah loogaga mahadceliyay, Gudoomiyihi h**e Dhalinyarada Gobolkqa Mudug, Mudane Maxamad Cabduqaadir Cali - Cigaal Caymo oo ahaa mudankii abaabulay kulanka iyo xafladda soo dhoweynta.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qaybgalay masuuliyiin iyo marti sharaf sare oo ay ka mid yihiin:

Wasiirka Caafimaadka Puntland, Dr. Jaamac Qoorsheel
Wasiirka Qorshaynta, Mudane Daauud Bisinle
Lataliyaha Madaxweynaha, Axmad Cabdi Hurre
Marwo Xaawo Gacamey
Guddoomiye Bashiir Suuriyaan
Aqoonyahan Cadde Ismaaciil
Guddoomiyihii h**e ee Sports-ka Gobolka Mudug.

Dhamaan masuuliyiinta iyo martida ayaa si meeqaam leh u dhiirrigeliyay dhalinyarada Xulka Galdogob, iyagoo ku amaanay dadaalka, isdhexgalka iyo guusha ay ku gaareen caasimadda Garoowe.

Guddoomiyaha Dhalinyarada Galdogob Cumar Siciid Maxamuud - Biixi iyo Guddoomiyaha Ciyaaraha Cabdi Cali Xaashi ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha iyo dhammaan martida sharafta leh garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen dhalinyarada Galdogob.

06/11/2025

HOGAANKA DHALINYARADA IYO XULKA GALDOGOB OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHAWEEYAY GAROOWE.

Xildhibaan Jaamac Cabdi Shire, oo ka tirsan Golaha Deegaanka Caasimadda Garoowe, iyo Dr. Cusmaan Maxamuud Tawxiid, Guddoomiye ku-xigeenkii h**e ee Caasimadda oo ay wehliyeen qayb ka mid ah aqoonyahanka iyo dhalinyarada Garoowe ayaa maanta si sharaf leh ugu soo dhaweeyay Hogaanka Dhalinyarada Galdogob iyo Xulka Kubadda Cagta ee Galdogob oo kulan saaxiibtinimo la ballansan Xiddigaha Caasimadda Garoowe.

Guddoomiyaha Dhalinyarada Eng Cumar Saciid - Biixi ayaa si gaar ah uga mahadceliyay soo dhoweynta diirran ee ay u muujiyeen mas’uuliyiinta iyo shacabka Garoowe.
Wuxuu xusay in soo dhoweyntani ay tahay tusaale midnimo iyo walaaltinimo, isla markaana ay dhiirrigelin u tahay dhalinyarada labada deegaan.

Guddoomiye Cumar ayaa carrabka ku adkeeyay in Xulka Galdogob uu matalayo dhalinyaro isku duuban oo u heellan horumarinta ciyaaraha, nabadda iyo isdhexgalka bulshada. Wuxuuna sheegay in kulanka saaxiibtinimo uu yahay fursad lagu xoojinayo xiriirka iyo isfahamka dhalinyarada Soomaaliyeed.

06/11/2025

Kulanka Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya iyo Dhalinyarada Heer Qaran iyo Galdogob.

Taariikh: 5 November 2025
Goobta: Muqdisho, Soomaaliya

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Mohamed Farah Nuh, ayaa habeenimadii xalay kulan miro-dhal ah la yeeshay Dhalinyarada Soomaaliyeed ee heer qaran iyadoo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Ururka Wacyigalinta iyo Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed Mudane Abdinaasir Hirre Ismaaciil iyo wafdi ka socday Dhalinyarada Galdogob, oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Sportska Galdogob Mudane Cabdi Cali Xaashi iyo Gudoomyaha GYDO Mudane Cumar Siciid Maxamuud, iyadoo kulanku diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta dhalinyarada, nabadda iyo isdhexgalka bulshada ee gobolka Mudug.

Intii kulanku socday, wafdiga dhalinyarada ayaa Wasiirka uga warbixiyay xaaladda guud ee Mudug, gaar ahaan doorka muhiimka ah ee dhalinyaradu ku leeyihiin nabad-dhisidda, horumarinta bulshada, iyo iskaashigooda. Waxaa sidoo kale laga hadlay xaaladda Garoonka Kubadda Cagta Galdogob, kaas oo ah xarunta ugu weyn ee isboortiga iyo Dhalinyarada ee Bartamaha Soomaaliya.

Wafdigu waxay wasiirka si faahfaahsan uga xog-wariyeen baahiyaha ka jira garoonka, sida dhismihiisa guud oo dayactir wayn u baahan iyo dhigaalka roogga cagaaran iyagoo carrabka ku adkeeyay in garoonkaasi yahay halbowlaha mideeya dhalinyarada iyo bulshada deegaanka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa si weyn uga danqaday xaaladda garoonka, wuxuuna ammaanay dadaalka iyo isku tashiga dhalinyarada Galdogob ee ku aaddan horumarinta isboortiga iyo nabadda bulshada. Wasiirku wuxuu xusay in dhalinyarada ay yihiin lafdhabarta mustaqbalka Soomaaliya, isla markaana ku boorriyay inay awooddooda iyo maskaxdooda ku jihaystaan walaalnimada, Soomaalinimada, nabadda iyo isdhexgalka bulshada.

Sidoo kale Wasiirka ayaa ballanqaaday in wasaaraddiisu ay garab istaagi doonto dadaallada horumarineed ee dhalinyarada Galdogob, gaar ahaan kuwa la xiriira horumarinta kaabayaasha muhiimka ah sida garoonka iyo xarumaha ciyaaraha.

Gebagebadii, wafdiga dhalinyarada ayaa uga mahadceliyay Wasiirka soo dhoweynta diirran, talooyinka qiimaha leh, iyo damqashada uu ka muujiyay arrimaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Galdogob gaar ahaan garab istaaga wayn ee uu Xulka Galdogob u fidiyay, iyagoo ballan qaaday inay sii xoojin doonaan dadaallada ay bulshada ku mideynayaan.

Galdogob Youth Development Organization GYDO

Hadhimo sharafeed iyo Dhiirrigalin uu Xildhibaan/Gen. Axmed Taajir siiyay Xulka Galdogob.Taariikh: 4 November 2025Goobta...
04/11/2025

Hadhimo sharafeed iyo Dhiirrigalin uu Xildhibaan/Gen. Axmed Taajir siiyay Xulka Galdogob.

Taariikh: 4 November 2025
Goobta: Muqdisho, Somalia

Xildhibaan/Generaal Axmed Cabdinuur Xaashi ayaa maanta caasimadda Somalia ku martiqaaday wafdi ka socday Maamullada Dhalinyarada iyo Sportska Degmada Galdogob oo ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Sportska Mudane Cabdi Cali Xaashi, iyo Guddoomiyaha GYDO, Eng Cumar Saciid Maxamuud.

Martiqaadkan sharafeed oo uu soo agaasimay Xildhibaan/Gen. Axmed Taajir ayna fadhigiisa qabteen Guddoonka Ururka Wacyigalinta iyo Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYADA Mudane abdinaasir Hirre ayaa lagu xoojinayay xiriirka dhalinyarada iyo madaxda bulshada, gaar ahaan sidii loo garab istaagi lahaa Xulka Kubadda Cagta ee Degmada Galdogob, oo haatan ku jira diyaar-garowga tartanka gobollada Mudug.

Intii kulanku socday, wafdiga ka socda Galdogob ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay xaaladda xulka Galdogob, baahiyaha jira, iyo dadaallada socda oo lagu dhisayo jiritaanka awoodda xulka iyo agabkooda.

Xildhibaan/Gen. Axmed Taajir Cabdi Xaashi, oo aad ugu riyaaqay geesinimada iyo isku tashiga dhalinyarada deegaanka, ayaa halkaas ka balanqaaday taageero dhaqaale oo gaaraysa $1,000 (kun doolar), taasoo uu si rasmi ah ugu wareejiyay account-ka rasmiga ah ee Xulka Degmada Galdogob.

Taageeradan ayaa qeyb ka ah dhiirrigelinta iyo garab istaagga uu Xildhibaanku u muujiyay dhalinyarada degmada, isagoo ku bogaadiyay doorkooda muhiimka ah ee ku aaddan midnimada bulshada, kobcinta ciyaaraha, iyo xoojinta magaca Galdogob ee heer gobol iyo heer qaran.

Gebagebadii kulanka, Guddoomiyaha Dhalinyarada iyo kan Isboortiga Galdogob ayaa uga mahadceliyay Xildhibaan/Gen. Axmed Taajir taageeradiisa muuqata, iyagoo tilmaamay in tallaabadan ay noqon doonto dhiiirrigelin dhab ah oo kor u qaadda xamaasadda ciyaartoyda iyo kalsoonida bulshada.

  | Soodhawayn iyo Iskaashi.Ururka Wacyigalinta iyo Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYADA) oo fadhigiisu yahay Mu...
30/10/2025

| Soodhawayn iyo Iskaashi.

Ururka Wacyigalinta iyo Horumarinta Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYADA) oo fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa si diirran u soo dhaweeyay Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhalinyarada Galdogob (GYDO) Mudane Cumar Siciid Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Ciyaaraha Dhalinyarada Galdogob Mudane Cabdi Cali Xaashi.

Intii lagu guda jiray kulanka, waxaa lagu falanqeeyay doorka dhalinyarada ee dhismaha bulshada, isdhexgalka gobollada, iyo sida iskaashiga dhalinyarada Isir wadaagta ah uu u horseedi karo hormar, midnimo iyo mustaqbal wanaagsan.

Wafdiga Galdogob ayaa warbixin iyo xogwaran ka siiyay dhalinyarada Muqdisho dadaallada bulshada Mudug iyo gaar ahaan Galdogob, oo maanta guul iyo iskaashi ku qaabilaya horumarin kaalinka dhalinyarada ee deegaanka.

Ururka GYDO wuxuu si gaar ah ugu mahadcelinayaa maamulka SYADA soo dhoweynta iyo wada-shaqeynta ay muujiyeen.

إنا لله وإنا إليه راجعونUrurka Horumarinta Dhalinyarada Degmada Galdogob (GYDO) wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehel...
29/10/2025

إنا لله وإنا إليه راجعون

Ururka Horumarinta Dhalinyarada Degmada Galdogob (GYDO) wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qoyska reer Tanade iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed Geerida Suldaan Maxamad Suldaan Jaamac Shire.

Wuxuu ahaa guurti, isin same-jecel, haldoor nabadeed, iyo tiir gobonnimo oo bulshadu xasuusan doonto.

Eebbe naxariis waarta ha siiyo, Jannatul Firdowsna ha ka waraabiyo annaga samir iyo iimaan hanaga siiyo.

𝗪𝗔𝗥𝗘𝗘𝗚𝗧𝗢 𝗚𝗨𝗗𝗗𝗢𝗢𝗠𝗜𝗬𝗘Taariikh: 26 October 2025Tixraac: GYDO/021/2025Ujeeddo: Magacaabis Xoghayaha Guud ee Ururka GYDOGuddo...
26/10/2025

𝗪𝗔𝗥𝗘𝗘𝗚𝗧𝗢 𝗚𝗨𝗗𝗗𝗢𝗢𝗠𝗜𝗬𝗘

Taariikh: 26 October 2025
Tixraac: GYDO/021/2025
Ujeeddo: Magacaabis Xoghayaha Guud ee Ururka GYDO

Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhallinyarada Degmada Galdogob (GYDO),
Markii uu arkay:

Xeer-hoosaadka Ururka GYDO, Qodobka 14aad farqaddiisa (A) oo siinaya Guddoomiyaha awoodda magacaabista xubnaha fulinta;

Baahida loo qabo dardargelinta howlaha maamulka iyo Iskuxirka dadaallada ururka;

In lagama maarmaan noqotay Isbadal iyo firfircoonayn lagu sameeyo maamulka sare;

Aqoonta, kartida iyo waayo-aragnimadiisa shaqo;

Markii uu la tashaday:

Golaha Sare ee GYDO;

Wuxuu go’aamiyey:

Magacaabista Xoghayaha Guud

Waxaa laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 26 𝙊𝙘𝙩 2025 loo magacaabay: 𝗔𝗯𝗱𝗶𝘄𝗮𝗵𝗮𝗯 𝗔𝗯𝗱𝗶𝗮𝘇𝗶𝗶𝘇 𝗔𝗹𝗶 – 𝗫𝗼𝗴𝗵𝗮𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗚𝘂𝘂𝗱 𝗲𝗲 𝗨𝗿𝘂𝗿𝗸𝗮 𝗛𝗼𝗿𝘂𝗺𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗗𝗵𝗮𝗹𝗹𝗶𝗻𝘆𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗗𝗲𝗴𝗺𝗮𝗱𝗮 𝗚𝗮𝗹𝗱𝗼𝗴𝗼𝗯 (𝗚𝗬𝗗𝗢).

Wareegtadani waxay dhaqan galaysaa marka uu saxiixo Guddoomiyaha GYDO, wuuna saxiixay.

Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhallinyarada Degmada Galdogob (GYDO)
Cumar Siciid Maxamuud
Tel: +252 907 629 506
Email: [email protected]

FULIN WACAN
Galdogob, Puntland – Somalia

25/10/2025

Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Dhalinyarada Degmada Galdogob (GYDO) Mudane Omar Saed Mahamoud, ayaa maanta safar shaqo ku tegay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ujeeddada safarkan ayaa ah kor u qaadidda iskaashiga dhalinyarada Galdogob iyo dadkooda Muqdisho, hay’adaha heer qaran, laamaha wasaaradaha dhalinyarada iyo guud ahaan xiriirka reer Galdogob iyo jaaliyaddooda Muqdisho.

Guddoomiyuhu wuxuu kulammo la yeelan doonaa mas’uuliyiin dowladeed, ururro dhalinyaro, iyo hay’ado kala duwan oo la xiriira horumarinta bulshada iyo dhalinyarada.

Ururka GYDO wuxuu rajeynayaa in safarkani uu noqdo mid miro-dhal ah oo horseeda fursado cusub iyo iskaashi waxtar leh. Si gaara waxaan rajaynaynaa in kulammada uu la yeelan doono hay’adaha iyo mas’uuliyiinta dowladda ay keenaan fursado wax ku ool ah oo dhalinyarada Galdogob ay ka faa’iideystaan.

Ururka Horumarinta Dhallinyarada Degmada Galdogob (GYDO) waxa uu soo dhoweynayaa war-saxaafadeedka ka soo baxay Dalladda...
13/10/2025

Ururka Horumarinta Dhallinyarada Degmada Galdogob (GYDO) waxa uu soo dhoweynayaa war-saxaafadeedka ka soo baxay Dalladda Ururada Dhalinyarada Gobolka Mudug (DUD-Mudug), kaas oo lagu caddeeyay xalka rasmiga ah ee hoggaanka GYDO iyo jadwalka doorashada ururka.

GYDO waxay si buuxda u taageeraysaa go’aankaas maadaama uu salka ku hayo dastuurka iyo nidaamka sharci ee ururka, gaar ahaan go’aankii Golaha Garsoorka ee jaangoynta xilka Guddoomiyaha iyo waqtiga doorashada.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Mudane Cumar Siciid Maxamuud ayaa sii haya xilka Guddoomiyaha GYDO ilaa doorashada rasmiga ah ee dhici doonta 5 June 2026, waxaana ururku ku shaqaynayaa si waafaqsan shuruucdiisa iyo hagitaanka DUD-Mudug.

GYDO waxay mar kale adkaynaysaa in ururku ka madax bannaan yahay wax kasta oo dhaawici kara midnimada dhalinyarada, isla markaana uu sii wadi doono hawlaha bulshada, wacyigalinta iyo iskaashiga hay’adaha deegaanka.

Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhalinyarada Galdogob in ay garab istaagaan ururka iyo nidaamka sharci ee la raacayo, si loo ilaaliyo midnimada, hufnaanta iyo wadajirka dhalinyarada deegaanka.

Wabilaahi Towfiiq

Ururka Horumarinta Dhallinyarada Degmada Galdogob (GYDO)
Head Office: Galdogob, Puntland – Somalia

Address

@Galdogob Community Center
Galdogob

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Galdogob Youth Development Organization GYDO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Galdogob Youth Development Organization GYDO:

Share