04/06/2025
Maxaad kataqaana maalinka Carafo ama yowmu carafa??
Maalinka Carafo waa mid kamid ah maalmaha ugu Khayrka badan diinta Islaamka, waxayna dhacdaa maalinta 9aad ee bisha Carafo (Dhul-Xijjah), taasoo ah bisha 12aad ee sanadka Islaamka. Waa maalinta ka horraysa Ciidul-Adxaa.
Muhiimada ay leedahay maalintan?
1) Waa Maalinka ay xujaydu istaagaan banka carafo:
Carafo waa maalinta ay xujeydu istaagaan Buurta Carafo (Jabal al-Rahma) oo u dhow Maka. Istaaggaasi waa tiirka ugu weyn ee Xajka – nabigu (SCW) wuxuu yiri:
"Xajku waa Carafo." (Xadiis saxiix ah)
2) Waa maalin laiska xoreeyo naarta
Waa maalinta uu Eebbe dadka badan ka xoreeyo naarta.
Waa maalinta uu Alle ku faanayo addoomihiisa istaagay banka Carafo kuwaaso baryaya rabigood,sidookalena dambi dhaf waydisanaya
Ducada ugu fadliga badan maalintan waa:
> "La ilaaha illallaahu wahdahu laa sharika lahu, lahul mulku wa lahul xamdu, wa huwa cala kulli shay'in qadiir."
3) Fadliga soonka maalinka carafo:
Dadka aan xajinayn (oo jooga guryahooda) waxaa la farayaa in ay soomaan maalintaas.
Nabigu (SCW) wuxuu yiri:
> "Soonka maalinta Carafo wuxuu ka kafaa'idayaa qofkii sooma in loo dhaafo dambiyada laba sano o dunuubta yaryar ah – sanadkii h**e iyo midka imanaya." (Saxiix Muslim)
4. Ducada iyo tawbad keenka maalinka carafo
Waa maalin ay tahay qofka muslimka ah inuu ku dadaalo ducada, istighfaarta, iyo xasuusta Alle.
Waxaa habboon in qof walba oo inaga mid ah uu isku diyaariyo maalinkaan wayn
Gunaanad:
Maalinta Carafo waa fursad weyn oo qaali ah, qofkii aan xajinaynna waxaa wanaagsan inuu soomo, duceysto, Allena uu dembidhaaf weydiisto, kana faa'iideysto fadliga maalintaas.