19/03/2024
UPDATE: Sawirkii u horreyay oo laga helay markabka MV Abdullah, ayaa muujinaya sida aan horey halkan ugu soo gudbiyay in markabka hub culus oo loo lidka diyaaradaha ah la saaray, tana waxay muujinaysa kooxda markabka haysata inay khibrad ka heleen kooxdii haysatay markabka MV Ruen oo ay ciidanka badda Hindiya gacanta ku dhigeen.
MV Abdullah, ayaa hadda la sheegay shaqaalaha saaran inay ka dhex shaqeynayaan gudaha markabka, waxa ugu weyna waa inay mar walba la socdaan heer kulka markabka si aysan dab u dhalin dhuxusha saaran, si la mid ah kooxda haysata markabka ayaa la siiyay xorriyad ah inay adeegsan karaan doomaha yaryar si ay xeebta uga soo gudbisan karaan agabka ay u baahanyihiin,maaddama ay gabaabsi siigalayaan raashiinka saaran markabka. Waxaana meel ka durugsan ku sugan markaba ay leeyihiin ciidanka badda Turkiga, kaa oo la socda dhaqdhaqaaqa MV Abdullah, wuxuuna markabka ka hortagaya in kooxdan ay u adeegsadaan inay weerarro ku qaadaan markabka. Dawladda Bangladesh iyo shirkadda iska leh markabka ayaa ka hor istaagtay ciidanka badda Hindiya inay markabka ku qaadaan weerar, taana waxay dhalisay inay Hindida isaga tagaan halka uu ku suganyahay markabka. Sidoo kale, dad si dhow ula socda xaaladda markabkan waxay ii sheegeen inaysan jirin wali wax wada-hadal ah oo la xiriira madax furashada ay doonayaan kooxda markabka haysata iyo shirkadda iska leh, balse waxaa jira xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeya , kaaso hadda ku kooban kaliya badqabka iyo la socodka xaaladda shaqaalaha iyo markabka.