16/12/2025
Dawladda Puntland ayaa xabsiga Boosaaso u dhaacisey ilaa sagaal qof oo laga soo qabtay magaalada Baran ee Gobolka Sanaag, kuwaa oo ku eedaysan in ay abaabulayeen xaflad lagu taageerayo Somaliland.
Dadka la xidhxidhay ayaa waxa ku jira Taliyihii Booliiska Badhan ee SL, sawirqaade & dad kale.
Somaliland ayaa maalin ka hor degmooyinka Baran & Laasqoray u magacowday maayirro cusub balse waxa la xaqiijiyey in aysan ka mid ahayn dadka ay PL xir xirtay.
Waa markii u horreysey ee muddooyinkan danbe oo Puntland qaadayso tallaabo ka dhan ah dhaqdhaqaaqa Somaliland ee gobolka Sanaag.