03/11/2025
Maareeyaha NIRA Cabdiwali Timocade, oo cududaar ka bixiyay muwadiniin xili dambe sugayay kaarka aqoonsiga.
"Waxaan arkay muuqaal ku saabsan Maamooyin Soomaaliyeed oo xilli wakhti habeennimo ah hor fadhiya xarun ka mid ah Xarumaha Hay'adda NIRA ee Gobolka Benaadir. Sidaasi awgeed, waxaan rabaa inaan bayaamiyo dhowr qodob:
1. Waan ka xunnahay in shacabkeennu xilli aan habboonayn safka u galaan qaadashada Kaarka Aqoonsiga, waana sababta aanu u laba-jibbaarnay dadaalladeenna la xiriira furista xarumo cusub, taas oo keentay in Hay’addu maalintii u adeegto tiro gaaraysa ku dhowaad 20,000 oo qof.
2. Sidoo kale, markii aannu aragnay culayska jira iyo baahida is-diiwaangelinta, waxaannu go’aaminnay in xarumaha qaarkood la hawlgeliyo habeenkii si shacabka 24/7 loogu adeego. Xarumaha hadda shaqeeya laga bilaabo 11 saac (5pm) galabtii ilaa 6 saac (12am) habeenkii waxa ka mid ah Xarunta NIRA ee Hodan iyo Xarunta Boondheere.
3. Xarumaha NIRA waxa ay subaxdii hawl-galaan (7am). Sidaasi awgeed, safku ma furna ka hor (7am) aroortii. Taasi waxay ka dhigan tahay in qofka aanay waxba u tarayn inuu xilligaas ka hor safka sii galo.
4. Waxaanu ku hawlannahay sidii aanu dadkoo dhan u diiwaangelin lahayn annaga oo tixgelinayna dufuurahooda; Aqoonsiguna ilaa hadda waa lacag la'aan. Ugu dambayntii, waxaan shacabkeenna sharafta leh ka codsanaynaa inay dulqaad muujiyaan iyo inay u hoggaansamaan habraacyada diiwaangelinta iyo safka ee NIRA.