Puntland Voice

Puntland Voice Kusoo dhawoow warbaahinta Shirtag Media . Waxaan idiin soo gudbin doonaa warar iyo wareysiyo xiiso leh.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali ayaa markii u horraysay jawaab ka bixiyay wararka ku saabsan ...
11/06/2025

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Shiikh Cali ayaa markii u horraysay jawaab ka bixiyay wararka ku saabsan in shakhsiyaad ka soo jeeda Koonfur Galbeed si afduub ah loogu haysto magaalada Gaalkacyo, kaddib markii ay bixin waayeen magta marxuum Reer Gaalkacyo ah oo 2007 lagu dilay Idaale (Baay).

Guddoomiye Faysal ayaa beeniyay wararkaasi ku faafay baraha bulshada ee sheegaya in shakhsiyaad Reer Koonfur Galbeed ah si sharci-darro iyo afduub ah loogu haysto Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in shakhsiyaadka xiran qof qoyskooda ah uu 19 sanno ka hor nin Reer Gaalkacyo ah dilay, kaddibna magtii lagu heshiiyay laga waayay qoyskooda, sidaasina lagu xiray.

"Iyagaa raali ka ahaa oo waa ku soo wada heshiiyeen qabiilka oo waxay yiraahdeen si kale wax ku imaan mayaane hanala xiro, reer Baydhabood, reer Jawhar iyo reer Kismaayood waa isugu kaaya mid waa dooranaa inuu na xukumana waa ogolnahay, 19 sano kahor ayey nin dileen waxaana laga soo saari waayey magtii" ayuu yiri guddoomiye Faysal Shiikh Cali.

Guddoomiyaha California oo ku dhawaaqay in loo midoobo dagaal ka dhan ah Trump.Guddoomiyaha California ayaa baaq u diray...
11/06/2025

Guddoomiyaha California oo ku dhawaaqay in loo midoobo dagaal ka dhan ah Trump.
Guddoomiyaha California ayaa baaq u diray dhammaan gobollada Mareykanka oo uu ugu baaqay in meel looga soo wada jeesto waxa uu ku tilmaamay weerarka Trump ku soo qaaday dimuraadiyaddooda.

Baaqan ayaa imaanaya iyadoo garsoore Mareykan ah uu diiday codsi deg-deg ah oo uu soo jeediyay Guddoomiyaha California, kaas oo uu ku dalbanayey si loo hor istaago ciidamo federaal ah oo loo diray magaalada Los Angeles.

Newsom ayaa sharci darro ku tilmaamay tallaabada Madaxweynaha Trump u uku beegsanayo gobolkiisa.

Dhanka kale dibedbaxyada looga soo horjeedo faragelinta madaxweyne Trump ayaa gobollada ayaa ku faafay magaalooyin kale oo ka mid ah Mareykanka, taas oo keentay in ciidamo hor leh oo ka tirsan Ilaalada Qaranka lagu xoojiyo.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo soo saartay jadwal cusub ayaa maanta muddaysay Kal-fadhiyada golayaasha degaanka ...
10/06/2025

Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland oo soo saartay jadwal cusub ayaa maanta muddaysay Kal-fadhiyada golayaasha degaanka degmooyinka Puntland.

09/06/2025

Musharrax Cabdixakiin Xakiinkey oo ka hadlay sababta keentay inuu isku soo sharaxo xilka Guddoomiyaha xiriirka kubadda Cagta Puntland .

Ciid Mubaarak!Dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu  hambalyaynayaa munaasabadda ciidul ADXAA, farxad kula ciida qoys...
05/06/2025

Ciid Mubaarak!

Dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyaynayaa munaasabadda ciidul ADXAA, farxad kula ciida qoysaskiinna, qaraabadiinna iyo asxaabtiinna.

Ciiddan ciideeda ILAAHAY ha inagu gaar siiyo nabad, caafimaad, barwaaqo & baraare.

03/06/2025

Saaka dagaalku wuxuu kasii bilowmay halkii xalay uu joogay, Ciidamadeenna Cirka iyo Dhulka oo wada socda ayaa firxadkii Argagixisadii Daacish ka sifeynaya Godad ku yaalla koonfurta Miiraale, Maydadka Argagixisada ayaa daadsan.

Dowladda Puntland iyo Jubbaland weli ma aysan soo dhoweyn Madasha Mucaaridka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo go...
02/06/2025

Dowladda Puntland iyo Jubbaland weli ma aysan soo dhoweyn Madasha Mucaaridka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo go’aannadeeda culus ee ay ka soo saartay siyaasadda iyo doorashada dalka.
Madasha ayaa iyadu taageero weyn u muujisay Puntland iyo Jubbaland, iyadoo sheegtay in aysan socon karin siyaasad iyo doorasho aysan qeyb ka ahayn Puntland iyo Jubbland.

Madaxweyne Deni iyo dhiggiisa Madoobe oo ka soo laabtay booqasho ay ku tageen Imaaraadka Carabta ayaa haatan ku sugan magaalada Nairobi, halkaas oo ay ka wadaan kulammo siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo siyaasadda dalka.

Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in maanta ciidamada difaa...
02/06/2025

Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in maanta ciidamada difaaca Puntland hawlgal ka wadaan degaannada ku hareeraysan togga Miraale ee buuraha Calmiskaad.

Sida uu xaqiijiyay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad, ciidamada difaaca Puntland ayaa saaka hawlgalkooda ku ugaarsanaya firxadkii mileeshiyaadka Daacish ee ka cararay togga Miraale, halkaasi oo ay maalmo ka hor la wareegeen ciidamada Puntland.

"Maanta Ciidanku waxay hawlgal ka wadaan deegaannada ku hareeraysan Togga Miraale, iyagoo ugaarsanaya firxadkii Argagixisada Daacish ee ka cararay Miraale, Calmiskaad" ayaa lagu yiri qoraal kooban oo uu soo saaray Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad.

Sabtidii todobaadkan, ciidamada difaaca Puntland ayaa hawlgal cir iyo dhul ah kula wareegay Taliskii ceelka Miraale ee mileeshiyaadka Daacish, kaddib markii ay halkaasi isaga carareen firxadkii argagixisada oo sida dowladdu sheegtay in ka badan 15 xubnood looga dilay hawlgalkaasi.

01/06/2025

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland – Ciribtiraha iyo Ugaarsadaha Argagixisada.

Maxay inaga mudan yihiin Love❤️ mise Lilke .

31/05/2025

Ousmane Dembélé iyo Lautaro Martínez, kee dhalin doona goolka ugu horreeya kulanka caawa ?

Inter Milan vs PSG – Finalka Champions LeagueShuruudaha Guuleysiga:Ku guuleyso $10 (Toban Doolar)Share garee) bogga 3 je...
31/05/2025

Inter Milan vs PSG – Finalka Champions League
Shuruudaha Guuleysiga:

Ku guuleyso $10 (Toban Doolar)

Share garee) bogga 3 jeer
Bogga (follow garee)

Bogga (like garee)

Inter Milan vs PSG – Finalka Champions League

Shuruudaha Guuleysiga:

Ku guuleyso $10 (Toban Doolar)

Share Bogga (share garee) bogga 3 jeer

Follow bogga (follow garee)

Like bogga (like garee) .

29/05/2025

Address

252
Garoowe
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Voice posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share