14/07/2025
Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo ay weheliyaan mas'uuliyiin ka tirsan dowladda ayaa lagu wadaa in uu dhawaan safar rasmi ah ugu baxo dalka Itoobiya
Madaxweyne Deni, oo aan looga baran in ay safar dibadeed u raacaan mas'uuliyiinta dowladda ayaa markan la sheegaya in ay socdaalkiisa Itoobiya ku wehelin doonaan xubno ka tirsan golayaasha dowladda Puntland, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona kulamo uu la yeelanayo mas'uuliyiinta Itoobiya.
Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu qaabili doono Madaxweyne Deni iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo marka h**e tegi doonaa magaalada Addis Ababa, halkaasi oo labada dhinac ee Itoobiya iyo Puntland kaga arrinsanayaan dardar gelinta iskaashiga dhinacyada Amniga, Xakamaynta Soogalootiga, La-dagaallanka Argagixisada, Horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wefdiga Madaxweyne u sii gudbi doonaan magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida DDS oo xuduud la leh Puntland, halkaasi oo ay ka dhacayaaan kulamo ku saabsan fulinta wixii ka soo baxa Shirka Addis Ababa.