Lool Magazine

Lool Magazine Lool magazine : waa jariirad luga gorfeeyo aqoonta deegaanka, Dalxiiska, xoolaha, duurjoogta, beeraha iyo badda.

Dabar Goynta/ Boobka Shiinaha 🇨🇳 ee  Dameeraha Geeska Afrika !--Waxaa qoray:   sugulle, Dameeraha waa hanti muhiim u ah ...
18/05/2022

Dabar Goynta/ Boobka Shiinaha 🇨🇳 ee Dameeraha Geeska Afrika !
--
Waxaa qoray: sugulle,

Dameeraha waa hanti muhiim u ah dhaqaalaha bulshooyinka ku nool geeska Africa, gaar ahaan Soomaaliya, Kenaya iyo Itoobiya, waxaana ku tiirsan nolosha dad badan oo sabool ah, daraasadyo badan oo la sameeyay ayaa muujinya in dameerku soo galiyaa ku dhawaad 100 dollar bishii dadka iska leh ee ku shaqaysta.

Waxaa fara kulul ku haya Dameeraha Dalka China oo raba inuu dhoofsado, waxayna hargaha dameeraha ay u isticmaalaan samaynta daawooyin sida kareemo dadka da’da yareeya.

Waxaana dameeraha laga raadiyaa maaddo la dhaho ( إيجياو) ama (ejiao) lagana helo madaxa dameeraha marka lakariyo, waxayna hagaajisaa wareega dhiiga iyo cafimaadka guud, korna u qaadaa raganimadda. Waan dhaqan h**e ay lahaayeen dadka Shiinaha ee hantida leh, in ay cabaan maraqaas qaaliga agtooda ka ah . Laakiin waqtigaan, maadaama uu dhaqaalihii Shiinuhu kobcay, waxaa aad u batay dadka hantida leh, waxaana kordhay dalabka suuqa dameeraha.

Maadaama ay adagtahay in China loo dhoofiyo dameerka oo nool, waxay kenya iyo dalal kale oo Afrikaan ah ay ganacsato Shayniis ah ka sameeyeen Kawaanno lagu qalo dameeraha si haragga iyo hilibka dameeraha loogu dhoofiyo Dalka China.

Dowladda Keenya waxay joojisay ka ganacsiga dhoofka hilibka dameeraha sanadkii 2020, kadib markii Shiinaha loo dhoofiyay 301,977 hilib dameer muddo 3 sano gudahood ah (2016-2018) , una dhiganta 15% dameeraha ku nool Kenaya. Waxayna Dowladdu qiyaastay in hadii xaalku sidaan ku socdo in sanadka 2023 ay dhamaannayaan Dameeraha Kenaya.

Suuqa Shiinaha waxuu rabaa sanadkii in loo dhoofiyo ku dhawaad 4 million oo dameer. Waxaana ku nool Dalka kenya 1.8 Million dareeer, halka Itoobiya ay ku nool yihiin 8-Million oo dameer. Itoobiya waa dalka ugu dadka badan qaaradda Afrika, marka laga yimaado Nayjeeriya, aadna u isticmaala dameerka dhanka wax soosaarka.

Shiinahu wuxuu isku dayay oo dadaal badan galiyay in ay dameeraha dhaqdaan, laakiin waxaa adakaatay in dameeraha ay ku tartan Dhulwaynaha Shiinaha, sida la aaminsan sababa la xiriira cimilada Dhulka Shiinaha. Sidoo kale waxaa badan dhicinta dameeraha ku nool dhulka Shiinaha waxuuna rabaa cimlo gaar u ah inuu ku tarmo sida Afrika.

Haddaba, waxaan halkaan baaq uga diriyaa Dowladaha Geeska Africa siiba Soomaaliya, iyo Itoobiya in ay ku baraarugaan Khatarta la xiriirta dabar jaridda uu Shiinuhu ku hayo dameeraha ku nool Afrika, oo muhiim u ah dhaqaalaha bushada saboolka ah.

Waxaana soo jeedinayaa in la sameeyo siyaasado xakamaynaya dhoofinta dameeraha, iyo ka ganacsiga hilibka dameerka iyo siyaasado ilaaliya guud ahaan xuquuda xayawaanka duur joogta ah iyo kuwa dab joogta ahba.

Faaiidooyinka malabka 1. Malabku wuxuu daawo u yahay xasuusta iyo caafimaadka maskaxda wuxuuna kor u qaadaa shaqada joog...
20/08/2021

Faaiidooyinka malabka

1. Malabku wuxuu daawo u yahay xasuusta iyo caafimaadka maskaxda wuxuuna kor u qaadaa shaqada joogtadaa ee maskaxda.
2. Wuxuu malabku kor u qaadaa awoodda jirtka
3. Wuxuu isku dheeli tiraa hormoonada jirka.
4. Wuxuu xoogiyaa unugyada taranta iyo taranta lafteeda.
5. Malabku wuxuu saxaa qulqulka dhiig wareegga
6. Wuxuu hagaajiyaa maqaarka wuxuuna ka dhigaa mid siman oo saafiya
7. Malabku wuxuu qayb ka qaataa samaysanka dhuuxa wuxuuna xoojiyaa lafaha
8. Wuxuu kaloo qayb wayn kaqaataa cusoonaysiinta tiftaafyada iyo murqaha
9. Malabku wuxuu dhaymo u yahay dhaawacyada mudo koobanna wuxuu ku owdaa dhaawacyada furan, wuxuuna sahlaa inuu hoos u dhigo cuncunka, xanuunka iyo dheecadana ka yimaada dhaawacyada/
10. Wuxuu difaacaa beerka oo ah xubin wayn oo jirka u qaabilsan sun saaridda
11. Malabku wuxuu hoos u dhigaa cudurada ku dhaca kala goysyada iyo seedaha.
12. Malabku wuxuu daawo u yahay cudurada nafsigaa sida isku buuqa, walwalka, cabsida iyo buufiska.
13. Malabku wuxuu kor u qaadaa difaaca jirka, wuxuuna kala dagaalamaa caabuqyada cudurada keena, wuxuuna ka hortagaa samaysanka burooyinka iyo feexaha, wuxuuna qaybka ka qaadaa buskoodka jugaha culculis, doogaha sookaca iyo dhawaacyada aan biskoon.
14. Malabku Wuxuu hoos u dhigaa macaanka. Wuxuu dhiiga ka ilaashaa inuu dufan raaco.
15. Malabku wuxuu daawo u yahay cudurada timaha ku dhaca sida bidaarta, go’go’a timaha ku dhaca, holobta iyo kori waaga timaha.
16. Wuxuu aad ugu fiican haweenku marka ay dhalaan wuxuuna si dag dag ah kor ugu soo qaadayaa awooddooda iyo caafimaadkooda
17. Malabku wuxuu daawo u yahay cuduro kala duwan oo ku dhaca habdhisyo kala duwan mana ahan waxaan qormadaan kooban kusoo koobi karno

CUDURKA RAAF DILAACARaad dilaacu (foot rot) waa cudurada taabashada ku gudba oo xoolaha ku dhaca gaar ahaan qoobabka ama...
13/08/2021

CUDURKA RAAF DILAACA

Raad dilaacu (foot rot) waa cudurada taabashada ku gudba oo xoolaha ku dhaca gaar ahaan qoobabka ama raafafka hoose ee xoolaha, waxaana lagu gartaa dhacyo, nabro iyo barar lagu arko raafafka xoolaha waana cudur sababa dhimasho cunno xumo socod la’aantu keenta darteed.Cudurkaan waxuu u badanyahay idaha iyo riyaha, waqtiyada la arko wuxuuna u sii badanyahay xilliyada roobka ee dhulka qoyanyahay, xeryuhuna ay dhiriqaysanyihiin.

Maxaa keena cudurkaan(aetiology)

Cudurkaan waxaa sababa bakteeriyada looyaqaano bacteroides nodosus oo ku dhalata dhawacyada iyo ragaadka neefka soogaara xilliyada ay roobka ee ay cagafta ama qoobka xooluhu uu jilco. Bakteeriyadaani waxayna aad ula dagaalantaa difaaca, waxayna daahisaa biskoodka unugyada xanuusan.

Calaamadaha lagu qarto raaf dilaaca./ Astaamaha cudurka.

1. Qoob ama raaf barar.
2. Dhaawacyo muuqda ee lagu arko raafafka.
3. Neefka oo dhutiya.
4. Mararka qaar adinka wuu laalaadiyaa neefka uu cudurkaani ku dhaco.
5. Fadhi badan iyo inuu neefku jilbaha kusocdo mararka qaar.
6. Fadhiga badan iyo socodka aan dheelida tirnayna wuxuu sababaa inuu seedaha iyo muruqyada neefka ay jugi gaarto.

Fiditaanaka cudurka.
Cudurkaan waa mid kamida cudurada ay isku gudbiyaan xooluhu wuxuuna ku fidaa hab taabasho toosa ah. Tusaale, neefka qaba cudurkaan wuxuu raafafkiisa dhaawacan kayimaada dheecaano sida dhiig iyo maal iwm, kuwaasi waxay fidinayaan cudurka neefku meeshuu ku dhecaamo neefkii fariista ama uu raafafkiisa gaaro sidaasuu cudurku ugu gudbin oo neefba neefka kale u qaadsiin.

Daawaynta cudurka raaf dilaaca.

• Ugu horayn neefka aad cudurkaan aad ku aragto meel gaar ah usamee si uusan cudurku u fidin asagana uusan u damqan.
• Raafka dhaawaca ah dhaq oo nadiifi kana saar ragaadka shilintana ka gur.
• Haddii raafku xiranyahay oo uusan lahayn meel laga daaweeyo ama laga dhayo af u fur laga dhayo dheecaanada dhiigga iyo maasha ahna laga siidaayo.
• Neefka xanuusan qoobankiisa waxaa loobaahanyahay in nadiifiyo oo lagu dhaqo saabuun haddii lawaayana biyo cusbo leh.
• Waxaa daawo ahaan ugu haboon penicillin-strebtomycin. Waxaa kaloo lasiin karaa antibaayootika kale sida: tetracycilin buufis ah oo dhaawacyada lagu dhayo iyo tylosin waana daawooyin dalkeena hadda laga wada helayo.
• Waxaa kaloo jira daawooyin ka kortag loo isticmaalo oo talaal ah looguna talagalay xoolaha uusan kudhin cudurkaan in lagu daweeyo.
• Sidoo kale waxaa fiican in xerada xoolaha nadaafaddeeda aad loogu dadaalo oo hiisha laga g**o si joogto ah

FAAIIDOOYINKA GEEDKA YAGCARTA.Geedka yagcarta taariikhdiisa iyo hab nolaleedkiisa horay ayey mareegtu u faafisay, waxaan...
06/08/2021

FAAIIDOOYINKA GEEDKA YAGCARTA.

Geedka yagcarta taariikhdiisa iyo hab nolaleedkiisa horay ayey mareegtu u faafisay, waxaan qormadaan ku feeminaynaa faaiidooyinka geedka yagcarta, geedkaan marka h**e waxa uu kamidyahay dhirteena xoolo daaqeenaka ah, oo ay xooleheenu manaafacsadaan hadday helaan, markale geedkaan waagii h**e waxaa loo adeegsanjiray in lagu shido goobaha cibaadada, guryaha iyo xarumaha ganacsiga si loogu CARFIYO. arintaas abkasoogaarka ah illaa maanta waxaa nool raadkeedii meelo badan baa lagu arkaa ayadoo la adeegsanayo, geedkaan waxaa markale laga dhigan jiray ASAL, asalka waxaa lagu xooleeyaa udbaha, dhigaha, xargaha haamaha iyo wixii lahal maala. Markale waxaa laga dhigan jiray xanjo lagu dharag dhacsado ilkahana lagu deebiyo, Sidaa si la ayni ah waxaa waayadii h**e loo adeegsan jiray DAAWO dhaqameed dadka iyo xoolaha lagu daweeyo gaar ahaan waxaa lagu daweyn jiray cudurka caalka ee xoolaha ku dhaca dadkana waa lacabsiin jiray inta laqaso.

Xiligaan lajoogo manafacaadkaas iyo kuwo kaloo ka qaalisan waa uu leeyahay waxaa kamid ah, WAA ILDHAQAALE. Sida aan la wada socono dad badan oo soomaaliyeed ayey noloshoodu ku tiirsantahay waxa uuna kamidyahay dhirta aan wax soosaarkooda dalka dibaddiisa aan u dhoofino, beeyada iyo maydiga uu soosaaro geedkaani waxaa isha dhaqaale ee aan istaagin ee si joogto ah ay dadkeena qaybtood ugu tiirsantahay.

Geedkaan waxaa kaloo ku tiirsan shinida oo waxay ka samaysataa AWLALKA, shidniduna awlalka waxay ku kaydsataa malabka, waa noole kale oo aynu wax soosaarkiisa ku tiirsan nahay oo isla geedkaan aynu ku tiirsanahay ayana inagula taxaluqda.

Waxaa xiligaan soo siyaadana ka faaiidaysigiisa waxaana laga sameeyaa barafuuno aad uga qaalisan uguna udgoon badan barafuunada kale, sidoo kale waxaa laga sameeyaa saliida la isku qurxiyo oo dabiic ah iyo daawooyin cudurada dadka lagu daweeyo. Daraasado aqooneed oo xoog badani waxay qabaan in lagu dabiico cuduro maskaxeedyada ku dhaca maskaxda, waxay qabaan xeel dheerayaasha darsay geedkaan in uunsigiisu yareeyo isku buuqa, walwalka iyo wareerada kale ee dadka ku dhaca.

Wuxuu kaloo faaiido u leeyahay fooxiisu waxa uu ka hortagaa cayaanka guryaha gala, sida diqsiga, baranbarada iyo wixii la mid ah.
Ugu danbayn geedka yagcarta wuxuu u baahanyahay in la ilaaliyo, oo la badiyo beeristiisa (in labeeri karo haray baan maqaalkii h**e ugu xusnay), sidoo kale aan inaan wax soosaarkiisa casriyeynaa oo aan si wanaagsan u horumarinaa si aan uga faaidaysano dunida kalana ugua faaiidaysano.

Tixraacaan hoose ayaad ka akhrisan kartaa. Maqaalkii h**e ee kusaabsan Geedka Jagcarta.

https://www.facebook.com/101532855268461/posts/110634367691643/

Xuquuqda sawirada: 📷Cabdiraxman Bulshaawi

Faafi oo sii fidi – ( ) wixii faallo iyo faariin ahna noo reeb mahadsanid.

.

MAARAYNTA DAAQA (Rangeland Management)Maamulidda dhul daaqsimaadka waa in la qorsheeyoo dhulka iyaadoo loo eegayoo sida ...
30/07/2021

MAARAYNTA DAAQA (Rangeland Management)

Maamulidda dhul daaqsimaadka waa in la qorsheeyoo dhulka iyaadoo loo eegayoo sida ugu wanaagsan ee daaqa xoolha looga faaiidaysan-karo si loo kordhiyo wax soosaarka xoolaha loogana fakaro in laga gaashaanto cuno yari ku timaada xoolaha wakhtiyada abaaraha, Xili roobaadka ay hesho soomaliya waa uun laba wakhti oo kala ah GU’ oo ah bilaha sadexaad ilaaobnaad shaanad iyo Dayr oo dada sagaalad ilaa tobnad iyo biyaha laba wabi oo ka yimaada buurha itoobiya kuwaas oo mara koonfurta soomaliya.

Marka la joogo wadan sida soomaliya oo kale ah oo saxara xigeen xilika ah roobaadkuna aad ugu yaryahay, noloshiisa inta u badana ay ku tiirsantahay dhaqashada xoolaha waa iska caddahay in xoolhaaas aan nafac badan laga heleeayn ama aanay waxaba ka gooyanayna sayladdaha aduunka ee xoolaha lagu kalagato.
In kasta o ay leeyahay dhul daaqsimeed aad u balaadhan oo xooluhu si wanagsan ugu dhaqmi karaan hadana dhibaatooyinka haysta waxaa ka mid ah biyo yarida, nidaam maarayn la’aanta dhul cawseedka iyo qaabaka aan xoolaha u dhaqano oo ah raacato kaas oo qoayska xoola dhaqatada aanu lahayan qorshe horumarineed oo uu ku xisaabtami karo tusaale ahan in xooluhu iska tarmaan oo aad xerada uun u fidisid markii ay dhashaan ba waxaa imaanaysa in daaquna yaraado dhulkuna xaaluf qarka u fuulo.

Siyaaba loo maareeyo daaqa ama dhul daaqsimeedka waxaa ka mid ah in la sereeyo dooxoyinka ama la xirmaeeyo dooxoyinka biyo qabatinka leh sidoo kale kuwa aan biyo qabadka lahayna loo sameeyo biyo xireen aaan deeganka kale biyaha ka celinayan, seeraynta waxaa haboon in la sameeyo marka roobku da’o in la seero dooxada si cawsku uu u helo wakhti ku filan oo uu ku baxo marka cawsku is gaaro oo si fiican u baxona waa la fura seeraha taasi waxay maaryan u noqon in xooluhu helan dhul daaqsimeed la xirmeeyay oo geedo iyo deegaan daaqsimeed fiican leh oo ay ku sugi karaan xili roobaadka kale waxaana haboon in seerooyinka lagu bilaabo dhula magaalooyinka u dhow ama biyaha laga gaari karo si marka abaartu dhacdo xoola loo keeno meel ay biyaha ka gaari karaan daaqi loo xirmeeyayana ay ka helayaan tan labaad waa in aan xoolaha la isga dhaqan inay tayo ahaan bataan ee laga dhigo xoolo tiro ahaan yar manfac ahaana badan si deegaankuna uga nasto daaqa xad dhaafka ah, oo ay xooluhu sida joogtada ah ugu hayaan.
tan saddexaad waa in la ilaaliyo in la baabiyo kaymaha ama la jaro dhirta sidoo kale xili roobadka in lagu dadaloo in lagu shubo siidh dooxoyinka lana ilaaliyo caro guurka dooxoyinkaa iyo in daadaku sameeyaan boholo iyagoo baabi’inaya dooxooyinkii daaqu ka bixijiray ugu dameeyan in la xoojiyo ama la hirgaliyo siyaasad horumarineed oo ku aadan maarayanta daaqa, ka hortagga xaalufka iyo kobcinta waxsoosaarka.

GEEDKA CINJIRKA (Rubber tree)Geedka cinjirka oo loo yaqaan Rubber tree deegaanada qaarna looga yaqaan falax-falaxa waa d...
16/07/2021

GEEDKA CINJIRKA (Rubber tree)

Geedka cinjirka oo loo yaqaan Rubber tree deegaanada qaarna looga yaqaan falax-falaxa waa dhirta aan lahahayn qodaxda mana bixiyo caleen wawayn. nooca dhulka soomaalida ka baxa aaa uma dhaadheera deegaanada soamaalida badi wuu ka baxaa waa geed madow humbul ah waa geed caanood leh dheecan cad oo xabag oo kale ah, Marka uu qalalo waa sida geed quwaaxa oo kale ah. Laamihiisuna tabar badan malahan, geed cinjirkaan ama Falax-falaxa ahi waxaa la tuhunsan yahay in Masriyiintii h**e ay dadka ka dhinta meydkooda ay ku farsameyn jireen oo ku kaydin jireen , Culumada deegaanka qaarkeed waxay leeyihiin geedkaas waxaa laga keeni jiray Somaaliya.
Reer badiyaheenu waxay u isticmaalaan in ay xoolaha ku maraan marka ay waayaan dhirta kale sidoo kale waxa ay ku daaweeyaan cudurka cadhada, Riyaha oo marka ay abaarsadaan geedkan aad u cuna waxa ay kahelaan tabar badan waxaana la arka in ay ku tanaadeen oo baruur la dhaqaaiq waayaan.

Dabiici ahaan, dheecanka cinjirku wuxuu leeyahay awood, dhinac walba ayuu u jiitami karaa, biyihuna waxba uma dhimaan. Waxyaabaha ugu caansan ee laga sameeyo waxaa ka mid ah Taaryirda gawaarida, kabaha iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

20 milyan oo tan oo cinjirka dabiiciga ah ayaa sanad walba lasoo saaraa hadda. Waxaa laga dhaliyaa geedaha xanjada dhacaan ahaanta u bixiya kaddibna waa lasii farsameeyaa marka kiimikooyin lagu daro. Wax soo saarkan oo dad beeraley ah ay sameeyaan ayaa aad u yar marka loo eego baahida loo qabo, inta badan Dheecanka laga soo saaro geedka cinjirka dib ayaa loo farsameeyaa si looga sameeyo alaabo tiro badan oo kala duwan marka curiyha sulfarta lagu kululeeyo ay caanuhu noqdaan rabadh kadibna laga farsameeyo alaabooyin sida dharka, soo saarida cinjirada. taayirada (shaagaga), kabaha buudhka ah, daboolka matoorrada, tallaagadaha qabowga dhaliya, waraaqaha, rinjiyada, saabuunta, roogaga (carpets), buufimooyinka (biibiile), xadhkaha kala baxa ee carruurtu ku boodbooddo, abu-cumarada, salliyada dabbaasha, baaskiiladaha, galoofyada weelka lagu dhaqo, masaasadaha, qalabka bad quusayaasha, bashadaha dharka ( elastik), qalabka suuxinta, qasabadaha, irbadaha muditaanka, furarka dhalooyinka, maskaraatiga, daawooyinka lagu neefsado lagu qaato iyo kateetarada kaadida iwm,
Geedkan oo dalkeena aad uga baxa waxaa uu leeyahay faaidooyin intaas ka badan haddii la sii horumariyo.

Ugu danbayntii nala faafi qormooyinkaan oo nala gaarsii kuwa aysan gaarin macluum maadyadaan.

Faalladaada noo reeb | faafi.
Sawirada: loolmagazine

GARANWAA Garanwaagu waa geed kamida geedaha loogu garan ogyahay gayiga soomalida miyi illaa magaalo. Waa geed abaareed l...
25/06/2021

GARANWAA

Garanwaagu waa geed kamida geedaha loogu garan ogyahay gayiga soomalida miyi illaa magaalo. Waa geed abaareed leh godax adag, caleemo yaryar oo cagaaran ilaa inta ay dhulka ku dhacayso iyo abqo/qabco ama dhimbiliil daadata xilliga jiilaalka iyo diraacda.
Geedkaan waa geed dherer ahaan gaara ilaaa 7-8 mitir, xididkiisuna wuxuu gaaraa 15 mitir.
Garanwaagu Wuxuu leeyahay magacyo badan sida garanwaa, caligaroob,geed yahuud geed jinni iyo magacyo kale, waxaa lagu yiraahdaa afafka qalaad ee laatiin prosopis juliflora.
Geedkaan asalkiisu wuxuu kasoo jeedaa ameerica qowmiyadda, qowmiyadda hindida cascas buu cuno dhaqameed u yahay waxayna kasamaystaan cabitaano.
Geedkaani wuxuu saamayn wayn ku yeeshay dhirta kale waa geed xidid gunta u dareersan leh oo aan ogolayn inay agtiisa dhirkale kabaxdo, waana geed kor iyo dhinacba u baxa oo aad u fida. Bixitaankiisu waa fududahay, dhamabiliisha ama abqada fidada iniineheeda ayaa beera oo sii fidsha, sidoo kale xoolaha cuna digadooda ayuu ku baxaa. Wuxuuna aad uga baxaa carada cusbadu ku badantahay.

TAARIIKHDA GEEDKAAN EE SOMALIYA.

Geedkaan waxaa lasheegaa in sanadihii 50-meeyadii uu dalka soogalay, balse wuxuu aad u faafay 70-meeyadii waxaana soo galiyey ha’adda qaramadamidoobe, wuxuuna ka mid ahaa mashruuc looga hortagayey xaalufka deegaanka iyo baacad ceelinta shalanbood, baaritaan lagu sameeyey nin u dhashay dalka Britain oo waday mashruucaas aqoontiisa ayey jaamacada beeraha soomaliya warqad ka qortay lagu sheegayo inuusan ninkaani ahayn nin cilmigaas aqoontii loogu talogalay u leh, ninkaas waxaana loogudbiyey wakaaladdii daaqa qaranka oo ugubisay wasaaradda beeraha qaranka, ugu danbayn ninkaas waa laceshay balse inta baaritaankiisu socday buu geedkaan dhulka ku fiday. Sidaa silamida hay’ado kale duwan ayaa u adeegsaday xeryaha barakacyaasha xiliyadii burburka iyo dagaaladii itoobiya iyo somaliya si ay u helaan hoos ku filan.

FAAIIDOOYINKA GEEDKAAN.

1. Geedkaan waxuu ka hortagaa nabaad guurka iyo xaalufka deegaanka.
2. Waxaa loo isticmaalaa caro celinta iyo ka hortagga dabaylaha
3. Waxaa loo adeegsadaa xaabo dhuxul ahaan loo sh*to.
4. Wadamo badan ayaa u adeegsada calafka xoolaha.
5. Waxaa loo adeegsadaa ka hortagga kaneecada.
6. Sidoo kale geedaankaan waxaa jecel shinida oo ubixiisa adaad u adeegsata si ay malab uga samaysato.
7. Waxaa dhuxushiisa waxaa lagu bacriyaa beeraha

DHIBAATOOYINKA GEEDKAAN.

1. Waa geed dabar goynaya dhirta kale sidis tiisuna ay badan tahay.
2. Geedkaan inta badan maaha geed ay xooluhu daaqaan.
3. Wuxuu leeyahay qodax sun ah oo cudurka teetanada dhalisa.
4. Magaalooyinka qurux badan umalahan qashinka, bacaha,

MAARAYNTA IYO YARAYNTA GEEDKAAN.

Sida muuqata ma ahan geed degdeg loo dabaryari karo balse u baahan in la yareeyo khasaarihiisana manfac loobadalo iyadoo la raacayo qodobadaan soo socda.
1. Xiliyada dooga ah ee dhabaliisha ama abqada uu saaro ayaa laga gurin waana la sheedin si looyareeyo fiditaanka geedka
2. Waxaa lagu yarankaraa gubniinka iyadoo xaabo ahaan ama dhuxul ahaan loo adeegsanayo
3. Waxaa lagu beeri karaa cayaano loogu talo galay.
4. Sidoo kale jarista joogtadaa waa lagu yarayn karaa
5. Waxaa lagu yarayn karaa oo lagu dabar jari in loo sameeyo ururo iyo ha’ado ladagaalama fiditaankiisa oo si joogtaa ula socda bixitaanadiisa.
6. Geedkaan wuxuu dhirta kale uga batay dhirkale si ticmaalkoodaa badan sidaa darteed dhirta kale is ticmaalkooda waa la yaray asagana si joogtaa baa loo adeegsan.

DAGIIRAN (Vulturine Guineafowl.)Digiirantu ama dagiirantu waa nooca ugu wayn shimraha nooca looqayaano guineafowl, waxa ...
14/06/2021

DAGIIRAN (Vulturine Guineafowl.)

Digiirantu ama dagiirantu waa nooca ugu wayn shimraha nooca looqayaano guineafowl, waxa ay ku nooshahay meelaha saxaraha iyo saxare lamoodka qaraadda Africa, waxa ay awood u leedahay inay ku noolaato meel biyo la’aan ah baadkuna ku yaryahay colaaduna ku badantahay waxayna asal ahaan kasoo jeeddaa gacanka ginni.
Dagiirantu waxaa miisaankeeda lagu qiyaasaa 1 ilaa 1.7 killo gram, Waxay ballac ahaan le’egtahay 46-62 cm waxayna leedahay sayn dhererkeeda lagu qiyaaso 27-33. Waxa ay ku socotaa 10 sitimaan, waxayna ku qaan gaartaa labo sano, waxayna da’ahaan gaartaa 15 sano, waxay cunno ahaan u cuntaa qudaarta, furuudka, miraha,dirindiirta/diirdiir, jiirka, xamaarada yaryar iyo cayayaanka. Dhamaan noocayada digiirantu waxay caan ku yihiin midabka buluug dhalaal ah oo lagu barxay baro baro madow iyo cadaan ah. Sidoo kale digiirantu waxay leedahay dhogor shaash ah oo luqunta iyo dhuunta ka lusha . Waxaana laga helaa wadama soomaaliya , itoobiya, keyna iyo tansaniya.

Shimbirtaan waxay kamid tahay shimbiraha bulshaysan ee koox kooxda u nool, waana shimbir la noolaan karta dadka oo waa xanaanay karaa, sidoo kale waxay ku noolaan kartaa meel cidla ah. Daraasad lagu sameeyey 20-30 shimbiro ah waxaa lagu ogaaday in ay tahay shimbirta kaliya ee biyo la’aanta muddo ku noolaan karta sidaa si lamid ahna kulaylkana si dabiici ah ula qabsan karta. Guurguurka iyo safarradeedu ma badna baad iyo biyona uma hayaanto inta badan, sidoo kale duulimaadkoodu saaid uma badna balse way duushaa waxayna ku socotaa jog hoose.

Dagiirantu waxay orgootaa sanadkasta xiliyada roobka ee guga iyo dayrta, waxay dhashaa sanadkasta, celcelis ahaan halkii mar 3 illaa 18 xabo oo ugaxan ah. Waxay dagiiranta dhediga ah waxay ugaxantaas ku fadhidaa 22-28 cisho cuq ah. Sodon-meeya bari kadib marka ay saas uga kacdo way ka tagtaa waxaana quudinta la wareega labka.
Waa shimbir qurux badan oo dalxiiska ku wanaagsan deegaanka bilicdiisa si dabiici ah ubisha. Gabagabadii Guud ahaan dalka way ku badan tahay waxaana keena ugaarsigeeda oo yar, aduunka kale waa la cunaa hilibkeeda, u kunteedana waa adeegsadaa, goobaha dalxiisyada iyo beeraha nasashadana waa loo adeegsadaa si dhaqaalo looga sameeyo.

XUQUUQDA XOOLAHA IYO DIINTA ISLAAMKAAlle wayne xumaan dhamaanteen ka hufnaaye aadanaha, xayawaanka, dhirta, iyo wax kast...
28/05/2021

XUQUUQDA XOOLAHA IYO DIINTA ISLAAMKA

Alle wayne xumaan dhamaanteen ka hufnaaye aadanaha, xayawaanka, dhirta, iyo wax kasta oo jira wuxuu u abuurnay ujeedooyin gaar ah, waxa uuna kularay in uu dhammaantood kasimay xuquuq midkasta u gooniya oo uu midkasta lagaaryahay.
Waxuu alle kawada simay nolosha iyo quudka oo uu waynuhu midba gaarkii ugu qayday, midbaa dhirta cuna, mid baa hilibka cuna, kuwo labadaba cuna iyo kuwo siyaabo kale u nool.

In badan oo ina kamid ah way garan ogyihiin xuquuqda aadahana ha ahaato mid lagu leeyahay iyo mid uu isagu leeyahay sida xaq dawladdaada aad kuleedahay, mid caruurtaada iyo qoyskaagu kugu leeyihiin iyo mid aad adigu ku leedahay. Maqashay oo aragtay!.

Waligaa ma is waydiisay xoolu xuquuq ay leeyihiin mase laguu sheegay.?
Ugu horay xooluhu waxay kamid yihiin nibcooyinka alle aadanaha kugaladay oo alle kasiiyey quud ay cunaan ama cabaan, sidoo kale hu’ ay u isticmaalaan xirasho, huwasho, goglasho iyo gasasho.

Galaddaas eebe ina siiyey waxaa dheer xuquuq la saaray aadanaha oo ay waajibtay in lagu dhaqmo oo ay xooluhu helaan xuquuqdoodii iyo xurmadoodii waxaa kamid ah waxsiinta ama cuno siinta , waraabinta, dawaynta iyo xanaanaynta.

Qu’raanka iyo sunada waxaa kudhan aayado iyo axaadiis kawaramaysata, quraanka waxaa kujira suurado badan oo xoolo loogu magacdaray waxaa kamid ah ‘suuradda al-baqra, al-ancaam, al-naxal, al-namal, al-cankabuud iyo al-caadiyaat’. Taasi waxay natusin waynida iyo sharfid uu quraanku siinayo xoolaha dhamaantood.
Sidaa si lamid ah ayey sunnada iyo axaadiista nabi MUXAMMAD salaan iyo naxariisi dushiisa ha ahaatee u waynaynsaa xoolaha iyo nimcoolayda hadaan soo qaadano waxaa kamid.

1. Diinta islaamku waxay ina fartay in loo samo falo xoolaha oo aan la dhibaatayn waxaa kamid ah xadiis uu abuu hurayra ka wariyey nabiga scw oo uu leeyahay nabigaa yiri ‘’ maalin baa nin socoto ahi waxaa qabtay haraad daran, wuxuu helay ceel, wuu galay ceelkii wuuna kacabay, dabadeed wuusoo baxay mise ey hiraahiraya baa raqasta cunaya haraad dartii, markaas buu yiri ninkii ‘waxaa gaaray haraadkii – yacni haya- wixii igaaray oo kale ah, ninkii ceelkii buu kudagtay khufkiisii –kabihiisii- buu ugu shubay eygiina wuu cabbay markaas buu alle uga mahadnaqay sidaas buuna eebe ninkii ugu danbi dhaafay.’’ Waxay waydiiyeen nabi allow ma nimcooleydaan ajar ka helaynaa?, wuxuu yiri suubanuhu scw ‘’noole kasta oo beer qoyan leh ajar baa laga helin.’’

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: بينما رجل بطريق اشتد عليه العطش فوجد بئراً فنزل فيها فشرب، ثم خرج فإذا كلب يلهث يأكل الثرى من العطش فقال الرجل: لقد بلغ هذا الكلب من العطش مثل الذي بلغ مني، فنزل البئر فملأ خفه ماء فسقى الكلب، فشكر الله له فغفر له.

2. Waxaa kale nabigu uu yiri ‘muslim majiro geed talaalay , ama beer beeray oo ay wax ka cuneen shambiro iyo bini aadam ama nimcooleyba illaa wuxuu ka helin sadaqo asaga usugnaatay.’’ Nabigu scw wuxuu inoo cadayn in waxkasta oo nacfi iyo waxtar ah oo xoolaha aad siiso ama ay kaa cunaan in ajar iyo sadaqo laga helayo.

3. Diintu waxay reebtay in lacaayo ama la karhado xoolaha Nabiga SCW waxaa laga warshay inuu yiri ‘’ha caayinina diiqa wuxuu idiin kiciyaa saaldee’’.

روى أبو داود وابن حيان عن زيد بن خالد الجهني عن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: (لا تسبوا الديك فانه يوقظ للصلاة).

Caydu dhib afka laga gaysto oo lagu waxyeeleeyo noolayaasha diintu ma ogola wax fiicanna maahan.

4. Diintu waxay diiday in xoolaha inta lararo/rarto la istaajiyo ayagoo culays sida. Xadiis uu nabigu uu kawarinayo abuu hurayra wuxuu leeyahay nabigaa yiri ‘’ waxaan idiin ka digayaa in aad minbaro ama kuraas aad kadhigataan dhabarka xoolihiina, illaah wayne ayaa idiin sakhiray si aad ugu gaartaan meel kale oo aan ahayn meeshaad joogtaan oo aad ku gaari lahaydeen naf dhibbid daran, waxaa la idiin ka dhigay dhul aad kudul socotaan ee kuguta danihiina’’.

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: (إياكم أن تتخذوا ظهور دوابكم منابر فإن الله تعالى إنما سخرها لكم لتبلغكن الى بلد لم تكونوا بالغيه إلا بشق الأنفس وجعل لكم الأرض فعليها فاقضوا

حاجاتكم). وفي مسند أحمد بن حنبل قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: (لا تتخذوا ظهور دوابكم كراسي).

Sidoo kale diintu waxay diiday in xoolaha bilaash lagu laayo oo ciyaar ciyaar nafta looga jaro. Xadiis uu warinayo saxaabiga cabdullahi bin camar wuxuu yiri nabigu scw ‘qofkii dila shimbir iyo wax kasii wayn oo udila si xaqdaro ah waa lawaydiin qiyaamaha waxaa lagu yiri rasuulka scw muxuu yahay xaqeedu, wuxuu yiri xaqeeedu waa in aad gowracdid oo aad cunta oo aadan inta iska qasho oo madexeeda jarto aad iska tuurto oo aad dayacdo’’.

Waxaa xadiiska laga dhadhansan in ay fiicantahay inaad qasho neefka kugu filan oo laga haboonyahay neefka wax kasoo harayaan.

Sidaa silamid ah diintu waxay ina barin in meesha xun oo abaarta xoolaha laga kexeeyo oo lageeyo meel baad iyo sano leh.
Wuxuu yiri nabigu scw ‘markii aad kusafraysaan meel barwaaqo ah geela siiya xaqiisa, markii aad meel abaar ah maraysaanna u dadajiya socodka si uusan idiin dhibsan.’’

فقال صلى الله عليه وسلم: (إذا سافرتم في الخصب فأعطوا الإبل حقها وإذا سافرتم في الجدب فأسرعوا السير) رواه ابو داود.

5. Ugu danbayn Sida nabigeena suuban ina barayo diintu waxay kaloo ina farfartay in xoolaha marka ladilayo si wanaagsan loo dilo oo aan la silicdilyeyn, markii aan qalayno oo aan u muraadnana aan wanaajiyo gowraca, waxaa la ina faray inaa ku gowracno xoolaha middi af badan sidoo kale waxaa la inoo diiday inaan meel ay xooloha kale ka arkaan ku gowracno gowroco si loo ilaasho niyaddooda.

فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم: (أن الله كتب الإحسان على كل شيء فإذا قتلتم فأحسنوا القتلة وإذا ذبحتم فأحسنوا الذبح وليحد أحدكم شفرته وليُرح ذبيحته).

Gorfee sawirrada hoos kaaga muuqda.Anaga "shirmirtaan waxay wayday dhirtii dhaadheerayda meeshuna waa meel saxare lamood...
14/05/2021

Gorfee sawirrada hoos kaaga muuqda.

Anaga "shirmirtaan waxay wayday dhirtii dhaadheerayda meeshuna waa meel saxare lamood ah, markaas bay garowsatay in baarta neefkaas geelaa ay uga xanta saarato".

Adigana maxay kula tahay?, Mahadsanid.

B A Q A S H A :Waa mid kamid ah boqortooyada xayawaanka “Animal kingdom”. Bahda lafdhabarleyda ah “Chortada”. Gaar ahaan...
05/05/2021

B A Q A S H A :

Waa mid kamid ah boqortooyada xayawaanka “Animal kingdom”. Bahda lafdhabarleyda ah “Chortada”. Gaar ahaan bahweynta Naasleyda “Mammalia”. Sidoo kale waxay ka mid tahay bahda Qoobleyda “Perissodactyla”. Baqashu waxay ku jirtaa qoyska weyn ee Gammaanka ”Equdae”, kaas oo ay ka tirsan yihiin: Fardaha, Farawga iyo Dameerka. Bahda Cilmiga Saynisku waxay u yaqaannaan: “Equus asinus ×Equus caballus”. Baqasha waxaa iska Dhala Geenyo iyo Dameerka lab ama, Faras iyo Dameer dheddig. Asal ahaan waxa ay kasoo jeedaa Dalka Masar.

Luuqadda Ingiriisida waxaa loogu yeedhaa: “Mule”, afka carabidana “بغل”. Halka afka Soomaaligana lagu yidhaahdo “Baqal”. Cimrigeedu waxa uu gaadhaa: 35-40 sanno. Dhererkeeduna: 120-180 sentimitir. Heerkulka jidhkeeduna: 37-38 digrii. Waxay leedahay 63 hiddo-side. Iyadoo Ku qaangaadhaa laba illaa saddex sanno. Baqashu waxay quudataa cawska iyo caleemaha dhirta “Herbivores”, gaar ahaan maalintii “diurnal”. Biyaha waxay la’aan kartaa 10-13 cisho, waxayna Ku cabtaa biyaha faruuryaha. Baqashadu waxay kamid tahay xayawaannada qur’aanka lagu sheegay. Sidoo kale waxay ka tirsan tahay xayawaannada leh dhiigga diirran ”warm blooded” iyo kuwa hal calooleyda ah “Monogastric”. Baqashu waxay leedahay 40 ilkood.

Ugu danbayntii baqasha maadaama oo ay iska dhaleen Faras iyo Dameer mid kasta waxay ka shabahdaa dhinac. Baqashu ma taranto ama wax iskama dhasho iyadu, sababta oo ah Hiddo-side heedu uma qaybsamo laba isleeg. Waxaa jira Xanuunno Ku dhaca baqasha kuwaas oo ay kamid yihiin: Xanuunka fardaha afrika, Ruquuska iyo Teetanada. Sidoo kale waxay leedahay faa’iidooyin ay kamid yihiin in la gadiidsado. Baqasha hilibkeedu waa xaaraan in kasta oo ay iska dhaleen laba xayawaan oo midna xalaal yahay midna xaaraan. Baqasha adduunka ugu badan waxaa laga helaa dalalka: Magsiko iyo Shiinaha.

W/Q: Dr-ibraahim Dhuxul

ODAY GEELWAA(Camel Spider)Oday Geelwaa waa nooc ka mida boqortooyada xawayaanka (animalia)Gaar ahaan reer (phylum)Waxaan...
02/05/2021

ODAY GEELWAA(Camel Spider)

Oday Geelwaa waa nooc ka mida boqortooyada xawayaanka (animalia)
Gaar ahaan reer (phylum)
Waxaanu ka midyahay xawayaanka bilaa lafdhabarta ah (Arthropoda).
Waxaanu ka tirsanyahay (Arachnida)
Waana qoyska (Solifugae).

Xawayaankan magacyo badan ayey soomaalidu u taqaanaa.
Sida=- Oday Geelwaa, Oday Geelii Ba'ay,
Defendef, Basbasle.....iqk.

Xayawaankani Wuxuu ku noolyahay dhulka cimilada diiran oo dhan.
Wuxuu leegyahay ilaa 12cm-15cm.
Oday Geelwaagu waa xayawaan aad u dheereeya oo wuxuu jaraa saacadiiba 16km/h.
Oday Geelwaa waa hilib quute (Carnivore) waxaanu habeenkii ugaadhsadaa
Jiirka (Rodents), Shimbiraha yaryar (small birds), Cayayaanka (insects), iyo Mulacda (lizards).
Maalintiina godka ayuu ku jiraa inta badan waayo kulaylka qoraxda ayuu necebyahay.
Oday Geelwaa inbadan ayuu noolaan karaa isagoo aan waxba cunin waayo waa xawayaanka duxda uu kaydsado jidhkoodu.
Oday Geelwaagu waa gooni socod marka laga reebo xilliga baacriminta lamaanaha.

Dhadiga sidkeedu waa ilaa 11 maalmood, Waxay dhashaa 50 ilaa 250 beed ah, waxayna kula sii jirtaa godka ilaa ay ka dilaacaan.
Sadex ilaa afar todobaad ayey ku dilaacaan beedkiisu.

Oday Geelwaa cimrigiisu wuxuu gaadhaa ilaa sanad.
Oday Geelwaa waxa loo qaybiyaa ilaa 1000 nooc.

Oday Geelwaagu ma aha sun, laakiin qaniinyadiisu aad ayey u xanuun badan tahay waayo ilko maqasa ayuu leeyahay.

Oday Geelwaa waa xawayaan feejigan oo aad u geesi ah. Waxkasta waa iska difaacaa xataa maroodina ha ahaado'e oo baxso ima yidhaa weligii. Hadii aad qori afka u geliso waa burbursanayaa isagoo gadoodsan.

Hadaba xayawaankan iyo Geela xidhiidhka ka dhaxeeya ee aduunku isugu raacsan yahay ee loogu magac daray waa sheeko xariirooyin h**e iyo khuraafaad ay dadkii h**e ka aaminsanaayeen.
Waxaana kamida Soomaalida oo ugu bixisay Orodkiisa xawaaraha badan ee uu ku socdo maalintii markay ka yaabeen. Kaas oo ay ku masaaleen Oday geeliisii waayey oo geel kadimo ahi ka cararay ama laga dhacay oo baadi doon ah. Maadaama uu geelu waxa ugu qaalisan soomaalida agteeda ahaan jiray.
Sidokale masaaridii h**e iyo giriigii h**e iyo eeshiyaankii h**e waxay aaminsanaayeen inuu caloosha geela ka cabo ama uu ka cuno. Waayo had iyo goor wuxuu ku hoos jiraa ama hoos socdaa geela markuu daaqayo.
Laakiin wuxuu ku raaxaystaa geela hadhkiisa.
Dadka qaarkiis waxay aaminsan yihiin in Oday Geelwaagu dadka u eryado si uu u qaniino. Laakiin uma eryado dadka si uu u qaniin ee wuxuu u daba rooraa waa hadhka dadka oo uu doonayo inuu milicda qoraxda ka hadhsato.

Ugu danbayn Illaahay waxna bilaa xigmad uma abuurin in la dilona amar inaguma siinin ee ha dilin hana dhibin hana ka xanaajin xayawaankan ee nabad geli adna waad ka amaan geliye.

W/Q: Dhulbeeg Axmed Mooge 🖊

Address

Garowe Puntland
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Lool Magazine posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category