Xubabays Media

Xubabays Media Xubabays Media waa media aad ka heleyso warar sugan iyo waxyaabo kale oo muhiim ah

09/06/2025

Dhismihii wadada , caqabad laga soo gudbey, si walba Ciidamadu waa u halgameen.

04/06/2025

Qardho: Kaalin shidaal ayaa dab ka kacay oo gubanaysa.

Prof. Siciid Jibriil Caris, oo kamid ahaa saaxiibada Allaha u naxariistee Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan, ayaa ka ...
28/05/2025

Prof. Siciid Jibriil Caris, oo kamid ahaa saaxiibada Allaha u naxariistee Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan, ayaa ka tacsiyeeyay geeridiisa, waxaana uu alle uga baryay in uu qabriga u waasiciyo, hoygiisana ka yeelo Janatul Fardowsa.

"Marxuum Gen. Maxamed Siciid Xirsi Morgan, wuxuu ahaa nin qiimo badan oo Qaranka Soomaaliyeed ugu soo shaqeeyay daacadnimo, wuxuu door weyn ku lahaa dhismaha ciidamada qalabka sida oo uu kamid ahaa saraakiishii ugu sarreeyay iyo Wasiirkii Gaashaandhigga ee Dowladda Milaterigu hoggaaminayay."

"Waxaan si gaar ah Tacsi ugu dirayaa carruurta iyo Marwada uu ka geeryooday, iyo Guud ahaan shacabka Soomaaliyeed oo uu ahaa Halyeey Qaran. Eebbe hoygiisa haka yeelo Janatul Fardowsa."

اِنّا لِلّهِ وَاِنّا اِلَيْهِ رَاجِعُونAgaasimaha Guud ee Telefishinka iyo Raadiyaha Dowladda Puntland, Cali Cabdi Cali ...
28/05/2025

اِنّا لِلّهِ وَاِنّا اِلَيْهِ رَاجِعُون

Agaasimaha Guud ee Telefishinka iyo Raadiyaha Dowladda Puntland, Cali Cabdi Cali (Ali Kiimiko) ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Janaraal Maxamed Siciid Xirsi [Morgan], oo ku geeryooday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

"Janaraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan, waxa uu ahaa Halyeey Qaran iyo waddani si nafhurnimo ah ugu soo shaqeeyay dalka, kana qeyb qaatay Difaaca Qaranka Soomaaliyeed iyo ilaalinta midnimada dalka, wuxuu ku asteysnaa halgan iyo adkeysi, isagoo door weyn ku lahaa dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliya."

"Waxaan alle uga baryayaa in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo Janatul Fardowsa, kitaabkiisa middigta ka siiyo, samir iyo iimaan alle haka siiyo qoyska, saaxiibada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Janaraal Maxamed."

Gen.Morgan: Wasiirkii Gaashaandhigga ee ugu danbeeyey Dowladdii-dhexe ee Soomaaliya, kana mid ahaa Taliyaashii ciidamadi...
28/05/2025

Gen.Morgan: Wasiirkii Gaashaandhigga ee ugu danbeeyey Dowladdii-dhexe ee Soomaaliya, kana mid ahaa Taliyaashii ciidamadii millateriga, xilliganna la-taliye sare oo amni u ahaa Madaxweynaha Puntland ayaa goordhaweyd ku geeryoodey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu ku xanuunsanaa muddooyinkii danbe — sida ay xaqiijiyeen mas'uul ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Gen.Morgan wuxuu 1949-kii ku dhashay magaalada Qardho, wuxuu ciidamada xoogga ka mid noqday 1967; isaga oo wax ku soo bartay Midowgii Soofiyeeti iyo Mareykanka; wuxuu hoggaamin jiray ciidamadii gobollada dhexe iyo gobollada woqooyi, xilligii Kacaanka, waxa uu noqday Wasiirkii Gaashaandhigga ee ugu danbeeyey xukuumaddii Kacaanka.

Agaasimaha Guud ee Telefeshinka iyo Raadiyadaha Dawladda Puntland mudane Ali Kiimiko ayaa maanta kusoo dhoweeyey xarunta...
22/05/2025

Agaasimaha Guud ee Telefeshinka iyo Raadiyadaha Dawladda Puntland mudane Ali Kiimiko ayaa maanta kusoo dhoweeyey xarunta Telefeshinka kusimaha madaxweynaha ahna madaxweyne kuxigeenka Dawladda Puntland mudane Ilyaas Cusmaan Lugatoor.

Agaasimaha ayaa warbixin kusaabsan hawlaha baaxadda leh ee uu u hayo Dawladda iyo shacabkeeda siiyey madaxweyne ku xigeenka.

Kulanka ayaa kusoo dhamaadey jawi wanaagsan

Rasmi: Xarumaha Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Gobolka Bari.
10/05/2025

Rasmi: Xarumaha Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Gobolka Bari.

06/05/2025

TOOS :- SHIRKA CILMIBAARISTA URURKA JAAMACADAHA PUNTLAND MAALINTA LABAAD

Bahda Xubabays Media waxa ay tacsi u dirayaan marxuum Maxamuud Maxamed Muuse (ilkajiir) oo ku geeriyoodey magaalada Xuba...
06/05/2025

Bahda Xubabays Media waxa ay tacsi u dirayaan marxuum Maxamuud Maxamed Muuse (ilkajiir) oo ku geeriyoodey magaalada Xubabays ee gobolka Bari.

Waxaan Allaah marxuumka oga baryeynaa naxariistiisa Janno in uu geeyo , ehelka iyo qaraabadana samir iyo iimaan ka siiyo

05/05/2025

TOOS :- SHIRKA CILMIBAARISTA URURKA JAAMACADAHA PUNTLAND

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xubabays Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share