19/04/2023
"Reer Hargaysa ayaad Tahay ayaa layga Joojiyay Shaqadii aan Ka Hayay Cisbitaal Garoowe Ku Yaalla Waxaana Laygu Yidhi Isaaq Ayaad Basaas U Tahay Iyadoona Naftayda Halis La Galiyay Oo Weerar Laygu Soo Qaaday,
Magacaygu Waa Sumaya Axmed Xuseen Waxaan Bartay Caafimaadka Waxaan ka Shaqayn jiray Mid kamid ah Cusbitaalada Waaweyn ee ku Yaala Magaalada Garoowe ee Caasimadda buntland Waxaase ila kulmay Tacadi iyo Dhacdo Argagax leh oo Halis Gelisay Naftaydii
Maalin Dhowayd ayuu ii yeedhay Maamulahaygii Shaqadu Aniga oo wakhtigaas ku Gudo jira Hawl Maalmeed kaygii Shaqo ee Caadiga Ahaa Waxaanu Maamuluhu iisheegay in Shaqada La iga Joojiyay Laga bilaabo imikana Aan Fasax Ka ahay Shaqada
Hadalkaas oo Yaab iyo Amakaag igu Noqday Waxaanse Su,aalay Sababta Shaqada La iiga Eryaayo Waxaanu iigu Jawaabay sidan
Sumaya Reer Hargeisa Ayaad Tahay Sida Naloo sheegay, Sidookalena Waxa aanu Ogaanay inaad La shaqayso Somaliland, Waxaananu Shaki weyn ka Qabnaa inaad Somaliland udirto Muuqaalo iyo Macluumaad kale oo ku Saabsan Dagaalka Laascaanood iyo Dhaawac yada Lakeeno Cusbitaalka
Balse Waxa aan weydiiyay Maamule Maxay yihiin Cadaymaha Aad ku Qanacdeen Ku Saabsan Arimahan Aad igu Eedayseen, Marka Laga Tago Shakiga Aad sheegtay Ma ila wadaagi kartaan Wax Cadaymo ah oo ku Saabsan Arintaas
Waxuuse iigu Jawaabay Adeer Iska Bax iska Bax Arintani Waa Go,aan aanu isla Gaadhnay Maamul Ahaan eh
Sidaas Ayaanan kaga Baxay Shaqadii Dhacdada kale ee Cajiibka Ahi Waxay tahay in Saacado Kooban Kadib Weerar Lagu soo Qaaday Gurigii Aan Ka Degaa Garoowe Alxamdulihaah Majirto Wax Dhib ah oo isoo gaadhay Balse Dirqi Ayaa La igaga Bad daadiyay Weerarkii La igu Soo Qaaday Naf- tayduna Halis Khatar ah Ayay gashay Run Ahaantii, ugu danbayntii shalay ayaan kasoo degay garoonka diyaara Cigaal ee Magaalada Hargeysa Caasimadda Somaliland"
Abdiqani Baylood