Garowe Post

Garowe Post 10k

05/03/2026

1.Cunagabateyntii hubka ee dalka laga qaaday?
Waadiideen❌️
2 National IDgii dalka ?
Waadiideen❌️
3 Deyncafintii dalka?
Weydiideen ❌️
4 nidaamka EVSA ee hubinta ajaaniibta
Waadiideen❌️
5 Ceyrintii qoleysada 🇦🇪
Waa diideen❌️
6 dastuukii dalka in la dhameytiro.
waa diideen❌️
7 doorashadii qof iya codka ee banaadir
Waa diideen ❌️

8 heshiiskii Ethiopia badda lagu siiya ee Somaliland wey taageeren✅️
9 aqoonsigii yahuudda ee qeynibta dalka waa taageeren✅️

Raggaas in dowlanimo lagala tashado ayaaba qalad weyn ah

03/03/2026

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff ayaa sheegay:

“Kulankii ugu horreeyay, Iiraan si cad bay noo sheegeen inay haystaan 460 kg oo yuraaniyam la sifeeyay, taas oo ku filan in laga sameeyo 11 bam nukliyeer ah. Tani waxay ahayd halka ay wada-hadallada ka bilaabeen. Way ku faanayeen arrintan, aad bay ugu faanayeen inay haystaan yuraaniyam ku filan 11 bam, iyagoo ka tallaabay dhammaan xeerarkii iyo nidaamyadii kormeerka.Iiraaniyiintu waxay yiraahdeen waxaan xaq u leenahay inan sifeyno dhammaan shidaalkeenna nukliyeerka.Jawaabteennu waxay ahayd: ‘Trump wuxuu aaminsan yahay inuu xaq u leeyahay inaan idin joojino gebi ahaanba.”

03/03/2026
Israa’iil ayaa maanta duqeymo culus ka geysatay magaalada Beirut ee caasimadda Lubnaan oo tobannaan diyaaradaha dagaalka...
02/03/2026

Israa’iil ayaa maanta duqeymo culus ka geysatay magaalada Beirut ee caasimadda Lubnaan oo tobannaan diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay hawadeeda dul heehaabayaan.

02/03/2026

DEG DEG: Iiraan ayaa hadda gantaallo la beegsatay xafiiska Netanyahu, taliyaha ciidanka cirka Israa’iil iyo xarumo kale.

Saraakiil milatari oo ka tirsan Guinea-Bissau ayaa afgami ka sameeyay dalkaa , waxay ku dhawaaqeen in madaxweyne Umaro S...
26/11/2025

Saraakiil milatari oo ka tirsan Guinea-Bissau ayaa afgami ka sameeyay dalkaa , waxay ku dhawaaqeen in madaxweyne Umaro Sissoco Embaló xilka laga tuuray, isla markaana la hakiyay howlihii shaqo ee dhammaan hay’adaha dawliga ah ilaa amar dambe. Afgambigaa ayaa dhacay toddobaad kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada dalkaa oo laga reebay mucaaradka.

Tan iyo madaxbannaanida 1973 ee Guinea-Bissau oo ah dal ku yaalla galbeedka Afrika, dalkaa wuxuu la kulmay ugu yaraan laba afgambi oo guuleystay iyo dhowr isku day oo fashilmay. Waxaa sidoo kale si joogto ah u dhaca khilaafyo u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Maxaa sababay afgambiga cusub?

Isku dayga afgambi ee Embaló lagaga qaaday kursiga waxaa sababay dhowr arrimood oo is biirsaday:

1.Khilaaf muddo soo jiitamayay oo u dhexeeya madaxweynaha iyo ciidamada.

•Milatariga Guinea-Bissau waligood ma qaataan amarka siyaasiyiinta si buuxda. Embaló oo xilka hayay tan iyo 2020 waxa uu isku dayay inuu xaddido awoodda taliyeyaasha ciidamada, taas oo keentay caro gudaha ah.

Warar soo baxay waxay sheegayaan in:

Taliyaha Guud General Biague Na Ntan iyo Embaló ay muddo dheer isku khilaafsanaayeen,
Embaló uu doonayay inuu beddelo hoggaanka milatariga.

Ciidamada qaarkood waxay ka baqeen in xil-ka-qaadis la sameeyo.

2. Doorasho muran badan dhalisay

Toddobaadkii h**e waxaa Guinea-Bissau ka dhacay doorasho madaxweyne iyo baarlamaan, waxaana labadii musharrax ee ugu sarreeyay doorashada ay labaduba ku dhawaaqeen inay doorashada ku guuleysteen. Muran doorasho oo aan la xallin ayaa fursad u abuuray ciidamada oo doonayay inay sheegaan inay dalka ka badbaadinayaan xaalad khatar gelinaysa.

3. Eedeymo la xiriira musuqmaasuq iyo maamul xumo

Madaxweynaha ayaa wajahaya eedeymo ah:

•in uu si xad dhaaf ah u farageliyay hay’adaha amniga.

•in uu ku takri-falay awoodda.
iyo in uu si siyaasiyan u bartilmaameedsaday madaxda ciidanka.

4. Dhaqaale liita iyo taageero dadweyne oo hoos u dhacday

Guinea-Bissau waa dal aad u sabool ah, waxaana jirtay cabasho xooggan oo ku saabsan:

•sicirka sare,
•shaqo la’aanta,
iyo adeegyada dowladeed oo liita.

Iiraan ayaa markii u horreysay dadweynaha u oggolaatay bandhig gaar ah oo lagu soo muujiyay hubka Iiraan ee isugu jira g...
13/11/2025

Iiraan ayaa markii u horreysay dadweynaha u oggolaatay bandhig gaar ah oo lagu soo muujiyay hubka Iiraan ee isugu jira gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Bandhigga oo toddobaad soconaya ayaa lagu arki karaa toban nooc oo gantaallada riddada dheer ee gudaha Iiraan lagu sameeyay iyo noocyada diyaaradaha Shahed ee aan duuliyaha lahayn.

H.E Said Abdullahi Deni Waaan amaanaya dowlada uu hogaaminayo  sida uu maamul baahinta ugaarsiiyey meel kabaxsan caasima...
29/10/2025

H.E Said Abdullahi Deni
Waaan amaanaya dowlada uu hogaaminayo sida uu maamul baahinta ugaarsiiyey meel kabaxsan caasimada balse shaqadu ay tahay wali mid proccesing.. ah.

Sideedaba shaqo kasta in ay caasimada kadhacdo ama laga qabto wax haboon ma aha dalku wuxu federalism kuyahay waa in lahela nidaamka decentralization(maamul baahin) hadii taa lawaayona uu dalku noqonayo mid centerka uun laga xukumo ama garowe ha ahaato ama xamar.

Boosaso dowladu waxa ay kawado mudadi sanadka kudhaweyd hadda amni ahaan,dalxiis ahaan iyo dowlad dhis ahaanba waa mid lagu faani karo.

Shiinaha ayaa qaaday talaabo cusub oo siweyn looga carooday gaar ahaan shakhsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada dalkaa...
29/10/2025

Shiinaha ayaa qaaday talaabo cusub oo siweyn looga carooday gaar ahaan shakhsiyaadka caanka ka ah baraha bulshada dalkaas.

Go'aan Shiinaha kasoo baxay ayaana laga bilaabo bisha soo socoto ee November waxaa laga mamnuucay qof walba oo caan ah ama saameyn ku leh baraha bulshada dalkaas inuu ka hadlo arimaha takhasuska looga baahanyahay dadka sida: Caafimaadka, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Tarbiyada carruurta iwm.

Waxaa loo ogolyahay qofka heysto shahaado jaamacadeed ee arrimahaas ku saabsan inuu ka hadli karo kaliya takhasuskiisa, balse qofkii aanan wax takhasus ah ka heysan hadii uu arimahaas ka hadlo wuxuu lakuli doonaa ciqaab isugu jirta xarig iyo lacag ganaax ah.

Shiinaha ayaana sheegay sababta ay go'aankaan usoo saareen inuu yahay in xad loo yeelo sheekooyinka ka badbadiska ah ee ay dadka caanka ah uga hadlaan arrimo aysan wax aqoon ah u laheyn, midaasoona sababta in dadka ku xiran marin habaabiyaan.

Sidee u aragtaa tallaabada uu Shiinaha qaaday? Go'aan ceynkaan ahna Soomaaliya hadii laga hirgaliyo kawaran?

Trump wuxuu cadaadis saaraya dalalka Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, iyo Qatar si ay u maalgelinayaan qors...
28/10/2025

Trump wuxuu cadaadis saaraya dalalka Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, iyo Qatar si ay u maalgelinayaan qorshaha dib u dhiska Qasa oo lagu qiyaasay $70 bilyan oo doolar, balse dhammaantood way ka labalabaynayaan.
Dal kasta wuxuu doonayaa dammaanad ah in dagaalku uusan dib u soo noqon iyo in uu yeesho saameyn siyaasadeed mustaqbalka maamulka Qasa, sida ay sheegtay Bloomberg.

Warbixinta oo lagu sharraxay shuruudaha saddexdam dal ay ku xireen maalgelinta Qasa, waxaa lagu sheegay;

•Sacuudiga wuxuu wajahaya culays miisaaniyadeed oo ka dhashay hoos u dhaca qiimaha shidaalka, mana rabto inay bixiyo dhaqaale aan shuruud lahayn.

•Imaaraadka Carabta wuxuu dalbanayaa dammaanad siyaasadeed oo qeexaysa cidda maamuleysa Qasa mustaqbalka, wuxuuna ku adkeysanayaa in Xamaas si buuxda hubka loo dhigo, iyo in maamulka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed isbeddel lagu sameeyo.

•Qatar iyaduna waxay rabtaa dammaanad ah inay Israa|l ixtiraami doonto heshiiska nabadda, isla markaana waxay doonaysaa door muuqda oo ay ku yeelato siyaasadda iyo maamulka Qasa ee mustaqbalka.

Madaxweynaha Shiinaha,Xi Jinping ayaa iska diiday inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Jarmalka , Friedrich Merz oo lagu wad...
25/10/2025

Madaxweynaha Shiinaha,Xi Jinping ayaa iska diiday inuu la kulmo ra’iisul wasaaraha Jarmalka , Friedrich Merz oo lagu waday inuu Shiinaha booqasho ku tago dabayaaqada bishan Oktoobar , iyadoo tallaabadan ay dhalisay inuu Merz joojiyo socdaalka uu ku tagi lahaa Shiinaha, sida uu weriyey wargeyska Jarmalka ka soo baxa ee Die Welt.

Go’aanka Xi Jinping ayaa loo arkay dharbaaxo diblomaasiyadeed oo weyn oo soo wajahday xukuumadda cusub ee Jarmalka, taasoo rajaynaysay in safarkani uu noqdo bilow xiriir cusub oo u dhexeeya labada dal. Shiinaha ma sharrixin sababta uu Xi u diiday kulanka, balse falanqeeyayaasha ayaa u arka in Shiinuhu uu doonayo inuu muujiyo in xiriirka labada dhinac uu yahay mid aan isu dheellitiranayn, isla markaana Jarmalku u baahan yahay inuu si dhab ah uga fekero siyaasaddiisa ganacsi iyo istiraatiijiyadda uu la leeyahay Shiinaha.

Fiiro gaar ah;

Tani waxay ka dhigantahay in dunidda ay gashay waji aan waxba la isku diblomaasiyadeen oo labo wajiileynta aysan ciddi qaadaneyn!

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garowe Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share