Abdirahman Kaye

Abdirahman Kaye القراءن قاموسنا والجهاد سبيلنا🌎

Wasaaradda Ciyaaraha oo war kasoo saartay kulanka kama-dambeysta ah ee Nugaal iyo Mudug!
18/09/2023

Wasaaradda Ciyaaraha oo war kasoo saartay kulanka kama-dambeysta ah ee Nugaal iyo Mudug!

Maxaa ilaa hada MILXO looga aamusan yahay ?
16/09/2023

Maxaa ilaa hada MILXO looga aamusan yahay ?

DEG DEG. Dalweynihii India ayaa magaca iska badalay, waxeyna baxsadeen Bharat,
13/09/2023

DEG DEG. Dalweynihii India ayaa magaca iska badalay, waxeyna baxsadeen Bharat,

HOGGAAMIYAHA  SSC-KHAATUMO AYAA MAGACAABAY XOGHAYEYAASHA GOLAHA FULINTA  Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Kha...
12/09/2023

HOGGAAMIYAHA SSC-KHAATUMO AYAA MAGACAABAY XOGHAYEYAASHA GOLAHA FULINTA


Hoggaamiyaha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Xeer Lr. 04 oo ku taariikheysan 12 Sebteembar 2023 ku magacaabay Xoghayeyaasha Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Markuu Arkay: Aragtida Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Arkay: Qaybta 2aad, Qod. 6aad faqraddiisa 1aad ee Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo.

Markuu Arkay: Madaxa 2aad, Qod. 7aad Qaab-dhismeedka Maamulka SSC-Khaatumo ee Axdiga.

Markuu Arkay: Madaxa 4aad, Golaha Fulinta, Qod. 13aad ee Waajibaadka Golaha Fulinta

Markuu Arkay: Madaxa 4aad, Golaha Fulinta, Qod. 14aad ee Awoodaha Hoggaamiyaha Golaha Fulinta

Markuu Arkay: Howlaha baaxadda leh ee horyaalla Maamulka SSC-Khaatumo, Soomaaliya,

Markuu la tashaday: Hoggaamiye Ku Xigeenka Golaha Fulinta ee Maamulka SSC-Khaatumo

Markuu Tixgeliyay: Baahida loo qabo magacaabidda Xoghayayaasha Xafiisyada Golaha Fulinta oo leh khibradda, aqoonta, iyo mas’uuliyadda loo baahanyahay

Wuxuu xeeriyey:

Waxaa loo magacaabay xubnaha hoos ku xusan

1. Mudane Dr Yuusuf Sulaymaan Sancad ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Bulshada

2. Mudane Cabdirisaaq Yuusuf Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah

3. Mudane Cabdisahal Jaamac Maxamed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu Heshiisiinta

4. Mudane Cabdirashiid Maxamuud Maxamed Xambuuse ayaa loo magacaabay Xoghayaha Maaliyadda

5. Mudane Cabdulsataar Sh. Cismaan Cumar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Ganacsiga, Warshadaha, Maalgashiga iyo Wax soo saarka

6. Mudane Daahir Cabdirisaaq Axmed ayaa loo magacaabay Xoghayaha Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda

7. Mudane Maxamuud Yuusuf Xasan ayaa loo magacaabay Xoghayaha Amniga

8. Mudane Cabdixakiim Jaamac Dalmar ayaa loo magacaabay Xoghayaha Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare

9. Mudane Cabdiqaadir Cabdi Warsame Digaale ayaa loo magacaabay Xoghayaha Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Dibu Dhiska


Xeerkani waxa uu dhaqan-galayaa markai uu saxiixo Hoggaamiyaha, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Maamulka SSC-Khaatumo.

11/09/2023

GAROOWE: Qaabkii ay u Dhacday Munaasabaddii Daah-furka Warbaahinta Gole TV

27/06/2023

"Qofkii khamri Gada iyo kii xashiis gadow waan isnaqaanaaye hadeer ba iska tag, Magalada " Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Abdirahmaan Hajji Abdshir

Xogta Guud ee Natiijada Doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland:Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta si r...
03/06/2023

Xogta Guud ee Natiijada Doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland:

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyaya Natiijada iyo liiska xildhibaanada Golayaasha degaanka degmooyinka Doorashada qof iyo codka ah ee Puntland ku soo baxay.

Guddida KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta ansixiyay Natiijada iyo liiska xildhibaanada Golayaasha degaanka degmooy...
03/06/2023

Guddida KMG Doorashooyinka Puntland ayaa maanta ansixiyay Natiijada iyo liiska xildhibaanada Golayaasha degaanka degmooyinka Doorashada qof iyo codka ah ee Puntland ku soo baxay.

30/04/2023

Xulka 17 jira Soomalia ayaa sameeyay bandhig cajiiba intii lagu guda jiray kulankii furitaanka ee u dhaxeeyay Soomalia 🇸🇴 iyo Algeria 🇩🇿oo kusoo dbamaaday 0 : 2

Maxaa u rajaynaysaa kulamada u haray wiilasha OCEAN STARS U17

Abdirahman Kaye

"Abdirahmaan Abdishakour Warsame"Waa ayaan darro iyo wax laga xumaado dagaalka Laascaano ka socda ee dhimashada, dhaawac...
06/02/2023

"Abdirahmaan Abdishakour Warsame"
Waa ayaan darro iyo wax laga xumaado dagaalka Laascaano ka socda ee dhimashada, dhaawaca iyo burburka hanti sababay. Waxaan ku baaqayaa in colaadda degdeg loo joojiyo. Waxaan Alla uga baryayaa in uu dadkii ku dhintay naxariistiisa siiyo, kuwa ku dhaawacmayna caafiyo, kuwa hanti beelayna uu ciwad celiyo.

Arrin xalkeedu siyaasad yahay oo wadahadal iyo wada-xaajood u baahan, awood is maquunis irid ugama furna. Sida aan midnimada Soomaaliya awood sheegad lagu gaari karin, kala go’eedana xoog laguma keeni karo.

Dawlada Federaalka ah xil ayaa ka saaran ilaalinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhulka Soomaaliya.

Allaha dadkeenna gaarsiiyo xili uu caqligu caadhifada ka adagyahay, siyaasadda qaran ay tan haybta ah ka xoog badan tahay , qiyamka madaniga ahna ay kuwa qabiilka ka sareeyaan.

"Guled Salah " In qori xukun lagu xajisto ama lagu raadiyo waa astaan kalitalisnimo iyo mooryaanimo, Puntland 25 sano ka...
06/02/2023

"Guled Salah " In qori xukun lagu xajisto ama lagu raadiyo waa astaan kalitalisnimo iyo mooryaanimo, Puntland 25 sano ka dib uma baahna kaligiitaliye iyo hogaamiye kooxeed kursi dartiis u dhibaateeya shacabka"

Address

Jidka 30-ka
Garowe

Telephone

+252907515163

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirahman Kaye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdirahman Kaye:

Share