War-dhan Media

War-dhan Media wardhan waxaad ka helaysaa warar iyo warbixno kala duwan oo ku dhisan xaqiiqo lana hubiyay ilaha lag

MADAXWEYNAHA BURKINA FASO OO U JAWAABAY MAREYKANKA & FARANSIISKASidii aan h**e u soo warinay, madaxweynaha Burkina Faso ...
25/04/2025

MADAXWEYNAHA BURKINA FASO OO U JAWAABAY MAREYKANKA & FARANSIISKA

Sidii aan h**e u soo warinay, madaxweynaha Burkina Faso Ibraahim Troare ayaa 16kii Abriil waxa uu ka badbaaday isku day la rabay in lagu dilo, dalkana looga abuuro qalalaase lamid ah kii h**e looga abuuray Soomaaliya, kaas oo ahaa in dadka la isku diro, lagana ilaaliyo intii waqti ah in ay yeeshaan madaxweyne talada kala wareega Troare. Jaraa’idada Faransiiska ayaa qoray in la qorsheeyey in markii dalku galo xaalad adag Burkina Faso la geeyo ciidamo nabad-ilaalin oo ka socda Qaramada Midoobay. Xataa waxaa la cayimay in ciidamada nabad-ilaalintu joogaan ilaa 30 sano.

Maalmo kabacdi markii uu dhicisoobay qalalaase abuurkii lala damacsanaa Burkina Faso, waxaa barlamaanka Mareykanka warbixin siiyey Jananka haysta Hawlgalka Mareykanka ee Afrika ama Africom Michael Langley. Jananka ayaa barlamaanka Mareykanka u sheegay in Madaxweynaha Burkina Faso uu caburiyo dadkiisa oo dalka aysan ka jirin wax xorriyad ahi, uuna la wareegay dahabkii dalka, asaga oo dahabka ku naasnuujiya inta ka agdhow.

Madaxweyne Ibraahim Traore oo ah Madaxweyne Afrika oo dhan laga amaanay, dadkiisuna aad u jecelyihiin, siiba dadka galbeedka Afrika, ayaa ka xanaaqay hadalka Jananka madow ee Mareykanka, kuna tilmaamay dhagar lamid ah tii Qadaafi loo qooshay.

Ibraahim Traore oo khudbad shalay u jeediyey dadkiisa xaflad lagu maamuusayo ciidamo cusub ayaa si dadban ugu jawaabay Mareykanka waxa uuna yiri:

“Wadankayagu wuxuu soo maray marxalado adag oo dhib badan. Dhallintiina halkan fadhida oo aan anigu ku jiro waxaan ku dhalanay nidaamkaas dhibka badan. Mana aha nidaam oggol in aan sameyno haba yaraatee wax hormar ah. Annagu marka maanta waa in aan laba kala doorano. In aan la dagaalano nidaamka saas na yeelay, ama in aan noqono adoomo la leeyahay.

Saan h**e idiin ku sheegay waxaa jira kuwo maskaxdooda la galiyey in ay yihiin adoomo, waxa kaliya oo laga rabaana ay yihiin in ay u shaqeeyaan kan iska leh ee mastarkooda ah, oo asaga kaliya ay daacad u ahaadaan. Kuwaas waa kuwa maalin kasta raba in ay been idin ka dhaadhiciyaan oo maskaxdiina ku ciyaaraan. Tashada oo wada tashada si aad isaga dhicisaan cadowga dhagarta idiin qooshaya. Ha dhegaysanina quraafaadka ay idiin sheegayaa kuwa maskaxda laga gumeystay oo ay warbaahinta la hor imaanayaan. Idinkaa la idin ka rabaa in aad noqotaan waddaniyiin oo aad waddankiina difaacdaan. Kuwa annaga noo hanjabaya halkan baan kula dagaalami doonnaa.

Waa in aad ogaataan kuwa la baxa NGO ama sheegta in ay yihiin hay’ado aan dawli ahayn, ay yihiin kuwo dawlado soo dirsadeen oo lacagta siiyaan. Waa hayado shaqadoodu tahay beenabuur iyo in ay niyadda idin ka jabiyaan oo idin baqdin galiyaan, si aydan u dagaalamin oo aydan uga dhiidhiyin dhagarta la idiin qooshayo.

Tusaale waxaa idiin ku filan Liibiya. Yaa burburiyey Liibiya? Waa isla hay’adahaas oo waxay abuureen warbixino wada beenabuur ah si bulshada loo kiciyo oo looga horkeeno dawladooda. Qadaafi waa galaafteen, dabadeedna waxay u soo wareegeen gobolkeena Saaxilka. Waa la dagaalamaynaa waana dacweyneynaa hay’addaan beerabuurka meel kasta la taagan. Ma aha kuwo cashar annaga noo dhigi kara oo maba laha dub naxa. Bal arag waxa maanta adduunka ka socda. May aadaan meelaha dhibku ka jiro oo difaacaan dadka difaaca u baahan inta ay beentooda annaga nala soo aadayaan. Xuquuqda aadanaha ay sheegayaan waxba k**a jiraan oo waxayba noo arkaan kuwo bini aadamka ka hooseeya oo aan nolol istaahilin. Waxay noo arkaan adoomo la yeelan karo. Waa sida ay la tahay. Laakiin waa mid annaga noo taal in aan tusno in aynaan ahayn adoomo ay yeelan karaan. Marka ha ka yeelina beenta ay la wareegayaan oo dantiina iyo dalkiina ka ilaashada.
Adduunku wuxuu soo maray dagaalo, dagaalkii labaad ee adduunkana kuwii is difaaci waayey ee inta noo yimaadeen dadkayagii askareeyey si aan u difaacno oo dabadeedna aan Naadsiga ka xoreynay, dalkaas baa maanta inta noo yimaado wuxuu rabaa in uu annaga cashar noo dhigo. Waxaad ka soo jeeddaan dadkii adduunka Naadsiga ka xoreeyey, maantana dalkiina ayaad u dagaalameysaan, kuwii aad shalay xoreeyseena maanta aflagaado bay idin la dul taaganyihiin. Yeeli mayno! Difaacda dalkiina, oo ka yeeli mayno inta noo yimaadaan in ay inta tuulooyin dhan baabi’iyaan ay macdan ka qotaan. Waan ka dagaalamaynaa taas, dalkayagana waa difaacaynaa. Macdanta annagaa iska leh. Annaga iyo jiilalka soo socda baa ka faa’iideyna, meeshii ay cid kale ka faa’iidi lahayd.

Aan mar kale idin xasuusiyo, dagaalka aan maanta ku jirnaa waa kii aan ku xoroobi lahayn oo aan ku diidayno in aan adoomo dad kale sii ahaano. Qalbiga farxad u sheega oo dhiiranaada. Dad bannaanka nooga yimid yeynaan yeelin beentooda, maxaa yeelay waxa ay u danleeyihiin waa in ay na adoonsdaan oo naga dhigaan kuwo aan waxba ahayn. Dagaal baan ka xignaa oo aan h**e u socono. Dhaqankiina ku adkaysta oo xasuus gooni ah u yeesha meel kasta oo aad ka timaadeen. Difaaca dalkiina oo karti ku naalooda.”

Intaas waxaa ku eg khudbaddii Madaxweyne Ibraahim Traore.

Dhanka Soomaaliya, Soomaalidu maxay ka baran kartaa Burkina Faso iyo Madaxweyne Ibraahim Traore, mise waxay Soomaali sii wadi doonaan in ay dhegta u raariciyaan kan dilaya, dhacaya, isku diraya, dalkana kala wareegaya, oo macdantooda iyo batroolkooda u socda in uu dalkiisa ku dhiso adna aad ka gaajooto?

> Daljir Media

Golaha Sare ee dhaqanka ee SSC-KHAATUMO ayaa u doortay Hoggaanka sare ee Maamulka Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).M...
05/08/2023

Golaha Sare ee dhaqanka ee SSC-KHAATUMO ayaa u doortay Hoggaanka sare ee Maamulka Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).
Mr.Firdhiye waxa uu kamid yahay ragga Laf-dhabarta u ah halganka dib u xoraynta deegaanada.
Hogaamiyahan ayaa caan ku ah ka go’naanshaha iyo ka dhabaynta maamul u gaara oo ay dadka deegaanku yeeshaan.
War-dhan Media

Guddiga 45-ka xubnood ee SSC-Khaatumo ayaa gudoomiyaha golaha  dhexe u doortay Jaamac Yasiin Warsame, oo kamid ahaa mush...
01/08/2023

Guddiga 45-ka xubnood ee SSC-Khaatumo ayaa gudoomiyaha golaha dhexe u doortay Jaamac Yasiin Warsame, oo kamid ahaa musharaxiinta tartankan gashay, 25 cod ayuu helay, halka Maxamed Yusuf oo la tartamay helay 20 cod.

Gudoomiyaha cusub ayaa kamid ahaa Macalimiinta gobalka Sool, wuxuu bartay Shareecada Islaamka, maamulka iyo maareynta & Xalinta Khilaafaadka beelaha, isagoo door ka qaatay faafinta diinta. Gudoomiyaha cusub ayaa h**e uga mid ahaa xubnihii h**e ee 33 ka ahaa.

Waa mid kamid ah xubnaha firfircoon ee iska caabinta dadka deegaanka ay kujiraan iyo culumada diinta ee gobalka Sool.

26/07/2023

Waxaa gudoomiyaha ku meel gaadhka ah loo doortay Aadan Cabdilahi Aw xasan oo ah qofka ugu da'da wayn Golaha 45 xubnood. Guddidan ayaa saaka loo dhaariyay in ay ka shaqeeyaan diyaarinta Nidaamka dawliga ah ee deegaanku yeelan doono iyo ka saaridda soomaaliland,meelaha ay kaga sugan tahay deegaanada SSC-KHAATUMO.

War-dhan Media

26/07/2023

Golaha sare ee dhaqanka SSC-KHAATUMO ayaa maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 26-july-2023 dhaariyay guddida 45 ka ah ee dhawaanahanba la sugayay dhaarintooda. Guddidan ayaa bedeli doonta guddidii h**e ee ka koobnaa 33 ka kuwaas oo muddadii halganku socday ahaa maamulayaasha halganka.

Guddigan ka kooban 45 ta xubnood ayaa noqon doona cidda gacanta ku haysa hawlaha ka socda deegaanada SSC-KHAATUMO.
Shaqada ugu wayn ee hortaala guddigan cusub ayaa ah dhamaystirka halganka lagaga saarayo ciidamada Somaliland deeganada SSC-KHAATUMO.

War-dhan Media

Baarlamanka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa ansixiyey wax ka beddel lagu sameeyey Dastuurka Puntland. Wa54 mudane oo ka ...
25/07/2023

Baarlamanka Dawlad Goboleedka Puntland ayaa ansixiyey wax ka beddel lagu sameeyey Dastuurka Puntland. Wa54 mudane oo ka tirsan xubnaha Baarlamaanka puntland ayaa u codeeyay wax ka bedelka lagu sameeyay Dastuurka.

Sidoo kale waxay ogaladeen in Madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo Xildhibaannada Wakiillada ay ku yimaaddaan doorasho qof iyo cod ah.

Qodobada wax kabedelka lagu sameeyay ayaa waxaa ka mid ah, tirada xisbiyada ka qayb gelaya doorashada madax weyanaha iyo madax wayne xigeenka, kuwaas h**e u ahaa 3 xisbi ayaa laga dhigay 9 xisbi.

Tallaabadan ay qaadeen Baarlamaanka Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay xiisad culus ka dhalisay Magaalada Caasimadda ah ee Garoowe, waxaana qorshahan si wayn u diidanaa Mucaaradka Puntland oo hubeysan.
War-dhan Media

23/07/2023

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Abdilaahi Cali Xirsi Timacade oo ka jawaabaya hadal uu jeediyay wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa yiri “ Reer SSC waxa keliya oo ay Degaannadooda ku ilaashan karaan Asaaggoodna kula tartami karaan waa Maamul ay gaar u leeyihiin inay Samaystaan”.

Dhalinyarada deegaanka SSC-KHAATUMO ayaa baaq u jeediyay isimada iyo haldoorka kale ee deegaanka. Baaqan ay soo saareen ...
22/07/2023

Dhalinyarada deegaanka SSC-KHAATUMO ayaa baaq u jeediyay isimada iyo haldoorka kale ee deegaanka. Baaqan ay soo saareen dhalinyaradu ayaa ku aadan dardar gelinta hawla ka socda deeganada iyo siddii looga saari lahaa hadhaadiga SNB meelaha ay kaga sugan yihiin deegaanka.

22/07/2023

18 July 2023 .

Oodagooye oo dhanka Bari ka xiga waxa ka bilaabmay dagaal si kidis ah u qarxay goor barqadii ah aadna u xoogaystay Salaadii casar .

Sida uu ka sheekeeyay Nin dhaawac ah oo yaala dhakhtarka Burco markii dagaalku bilaabmay wuxuu si gaar ah ugu dhacay Ciidan uu watay nin la yidhaa Cabaas oo taliye guuto ah . Ciidanka cabaas oo ilaa bishii 2 aad la keenay bariga magaalada laascaanood dagaal kasta oo dhacayna ku jirtay ayaa dagaalkani mudo 4 saacadood ah lagu daawaday oo aanay helin wax gurmada .

Askariga dhaawaca ahi wuxuu sheegay in ay haysteen 8 Baabuur oo tikniko ah oo markii dagaalku socday mudo 2 saac ah 3 ay rasaastii ku go‘day midna gubtay . Ay afar gaadhi oo kaliya u soo hadheen ciidanka laftiisiina marka laga tago intii dhimatay ay dhaawac u bateen uu ku jiro taliyihii guutada mr Cabaas oo isaga ay qaadatay saacad in la qaado dhiig baxna ku dhawaa .

Wuxuu ii sheegay askarigaasi inaanay h**e u dhicin in dagaalku ku ekaado furin kaliya oo mar kasta hadii furin ay ka bilaabato ama loo gurman jiray ama dagaal laga bilaabi jiray furin kale , lakin maalintan si badheedh ah loogu daawaday ciidanka oo u badnaa Garxajisna ay u tuhmayaan.

Abaaro 4 galabnimo ayuu sheegay in ay u yimaadeen Gurmad guuto Habarawal u badan oo taangiyo wadataa lakin iyagana isla 30 daqiiqo gudahood ay 12 nin ka dhinteen oo ay iyagaba ka dhimasho bateen isla markaana taangiyadii mid ka mid ah laga gubay gaadhi kalana wax yar ka dib ka gubtay .
Wuxuu ii sheegay abaanduulihii iyo taliyihii guutadaasiba inay dhinteen nin habarjeclo ah oo isna guuto kale oo maraaga joogtay watay isna dhaawacmay .

Aakhirkii wuxuu yidhi askarigaasi dhamaan waanu soo banaynay aagii aanu joognay oo waliba xerada may dagin ciidankayagii ee dhamaantood dhaawicii taliyaha ayay soo raacee Oogna way yimaadeen dibna ugu noqon maayaan .

Khasaaraha wuxuu ii sheegay in 27 nin mayd ah la soo qaaday raga qaarna laga yimid qaarna la waayayna ay 18 yihiin , dhaawacana maadaamoo ay aad u badnaayeen aanu tiro ii sheegi karin.

Qaybta labaad la soco oo Colaada laascaanood aan si qoto dheer uga waydiin doono wax .

yusuf Siyad

Xubno katirsan guddidii h**e ee deegaana SSC-KHAATUMO oo dhawaanahan hawlo shaqo u joogay Dalka Kenya ayaa la filayaa in...
21/07/2023

Xubno katirsan guddidii h**e ee deegaana SSC-KHAATUMO oo dhawaanahan hawlo shaqo u joogay Dalka Kenya ayaa la filayaa in ay 22-07-23 oo ku beegan berri ay yimaadan magaalada laascaanood.
Xubnahan oo ay hogaaminayaan Gudoomiyihii Guddiga Mudane Maxamuud Salaad iyo Sheekh Aadan weli ayaa kamid ah guddiga cusub ee la sugayo dhaarintooda.

21/07/2023

Af-hayeenka Garaadada SSC-KHAATUMO Garaad Cabdisalaan Xassan Maxamed oo ka war bixiyay bayaankii ay soo saariin.

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when War-dhan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share