Ahmed Abdikani Eglami

Ahmed Abdikani Eglami Waxaan ahay Wariye ka warama soona gudbiya dhacdooyinka Dalkenna iyo guud ahaan daafaha dunida .

Warar "RUN" ,Falanqayn Joogta ah , Dhexdhexaadnimo iyo Warbixino Xiiso leh kala soco bartan oo nagu soo biir.

DEG DEG: Allaha unaxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ah  fannaaniinta ugu waaweyn uguna caansan taariikhda fanka iyo ...
31/07/2026

DEG DEG: Allaha unaxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ah fannaaniinta ugu waaweyn uguna caansan taariikhda fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed oo maalmahaan xanuunsanaa ayaa ku geeriyooday dalka Maraykanka

ALLAHA UNAXARIISTO

Ugaas Omar Ugaas Gelle Omar Geele ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hass...
27/06/2026

Ugaas Omar Ugaas Gelle Omar Geele ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud. Kulankaas oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada qaranka.

Kulankaas oo diiradda lagu saaray arrimo la xiriira nabadda, midnimada, horumarka bulshada iyo doorka hoggaanka dhaqanka ee xoojinta dowladnimada.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha guddiga madaxa banaan ee dastuurka Hon Burhan Adan Omar iyo xoghaya Golaha shacabka Hon. Abdirahman Mohamud Abdulle Jaabir.

02/06/2026

Aroos baadjye ka dhacay Miyiga Buurtinle

22/05/2026

Hello Mudug ! Maanta waxaan ka Safray Bosaaso waxaana aana Kolkaan ku Wajahanay Magaladda Gaalkacyo .

Bosaaso oo Nabad iyo Amniya Argagaxisadiina laga sifeeyey baan idin kasoo Salamayaa .
20/05/2026

Bosaaso oo Nabad iyo Amniya Argagaxisadiina laga sifeeyey baan idin kasoo Salamayaa .

17/05/2026

Bosaasa deeqa ayaan idin kasoo salamayaa.

  Waxaa natiijo la'aan kusoo dhamaaday is araggii 3-aad ee shir maalmahaan Xeyndaabka Xalane uga socday Dowladda Soomaal...
15/05/2026

Waxaa natiijo la'aan kusoo dhamaaday is araggii 3-aad ee shir maalmahaan Xeyndaabka Xalane uga socday Dowladda Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka ah.

Shirka maanta oo waqtigiisu koobnaa marka loo eego shirarkii h**e ayaa la tilmaamay in waxyar un kadib markii uu furmay dhinacyadu ay kala tageen markii la isku fahmi waayey ka hadalka qaar ka mid ah qodobada miiska saarnaa ee ka mid ahaa ajandayaasha shirka.

Dowladda iyo Mucaaradka ayaa isku fahmi waayey sida xogta aan ku helnay qodobo ay ka mid yihiin maamulka Doorashada sida Dhisidda Guddi ka shaqeeya Amniga iyo Doorashada,Hakinta Doorashada ka socota deegaanada qaar ee Maamul-goboleedyada iyo qodobo kale.

Beesha Caalamka oo lahayd qaban-qaabada shirkan ayaa dhawreysay War-murtiyeed iyo isfaham laga gaaro arrimaha hortabinta leh ee shirka balse waxaa muuqaneysa in markan Beesha Caalamku ay dhankeeda soo saari-doonto war rasmi ah oo ku aadan shirka 3-maalin qaatay.

Majirto wax ballan ama iskusoo laabasho ah oo dhinacyadu ku kala tageen,Waxaana dhinac walba uu u laabtay wadatashi,Dowladda iyo Mucaaradka ayaana wali si rasmi ah uga hadlin fashilka ku yimid shirkii u dhexeeyey ee Muqdisho uga socday sadaxdii maalin ee u dambeysay.

13/05/2026

Ugaas Cumar Gelle Maxamed Kaneec oo kamida Isimada dhaqanka Puntland ayaa Maanta gaarey Magaladda Muqdisho Ee Caaasimadda Dalka .

07/05/2026

Wasiir Dowlaha Wasaradda Cafimaadka Puntland Cali Maxamed Cisman oo ay Weheliyaan Gudoomiyaha Degmada Buurtinle Axmed Dheereeye iyo Madax ka socotay Ha'yadda Camuud ayaa Maanta si wada jira uga dhax dhigay Degmada Buurtinle Xaruun Cafimaad oo loogu talagay In loogu adeego Hooyadda iyo Dhalanka .

05/05/2026

Ciidanka Booliiska Boosaaso ayaa xabsiga u taxaabay dhalinyaro shalay rabshado ka sameeyey garoonka kuubadda cagta ee shuhadada ka dib Markii laga guulaystay Xulkii Bosaaso .

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahmed Abdikani Eglami posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share