Murti Media

Murti Media Filmmaker • Photographer • Media Production | Murti Vision Warbaahin madax-banaan oo soo gudbisa codka Bulshada

05/02/2026

Guddoomiyaha Degmada Galdogob, Mudane Ayaxle, ayaa bulshada reer Galdogob ugu baaqay inay si diirran u soo dhaweeyaan martida imanaysa.Sidoo kale, wuxuu martida ku wargeliyay in 8-da bisha loo madlan yahay cana-shubka Ugaaska waqtigana uusan is badalin

04/01/2026

Besha Reer Fiqi Ismaaciil ayaa degaanka Faratooyo ku qabatay munaasabad ballaaran oo isugu jirtay soo dhoweyn iyo qado sharaf, taas oo loogu talagalay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed.

GAROOWE IYO QABAN-QAABADA SOODHAWAYNYA UGAASKA BEELWEYNTA TANADE UGAAS ABDIRIHMAN UGAAS MOHAMED CALI GEESOOD
04/01/2026

GAROOWE IYO QABAN-QAABADA SOODHAWAYNYA UGAASKA BEELWEYNTA TANADE UGAAS ABDIRIHMAN UGAAS MOHAMED CALI GEESOOD

04/01/2026

Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, kana kooban odayaal, ganacsato iyo masuuliyiin ay ka mid yihiin Xaaji Muuse, Xildhiban Abdiwali Indhacel iyo qaar ka mid ah ganacsatada reer Nairobi, ayaa maanta safar ugu ambabaxaya dalka dibadiisa. Wafdigu waxa ay ka duulidonan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Mudane Aadan Ugaas Axmed Ayaa  mantay qada sharaf waxa uu ugu  sameeyay Guriga Reer Ugas Axmed Ugaas Maxamed  Odayasha D...
22/12/2025

Mudane Aadan Ugaas Axmed Ayaa mantay qada sharaf waxa uu ugu sameeyay Guriga Reer Ugas Axmed Ugaas Maxamed Odayasha Dhaqanka Beelaha kala ah Maxamud Cali, Malismoge, Reer Fiqismaciil, Reer Xasan, Reer Maxamed Adan.

Adam Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Ayaa odayaasha uga mahadceliyey soo ajiibidooda
Islamarkaana waxa uu u sheegay in guud ahaan la ogaysiinayaa beelaha tanade inuu gurigii Ugaas Axmed uu marwalba ufuranyahay laguna soodhaweynayo

Xildhibaan Axmed Abdinur Xaashi, oo ka mid ah xildhibaanada ugu saamaynta badan ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, a...
04/11/2025

Xildhibaan Axmed Abdinur Xaashi, oo ka mid ah xildhibaanada ugu saamaynta badan ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah dhalinyarada Caasimadda ee uu ku matalo Golaha Shacabka.

Kulanka oo uu Xildhibaanku ku muujiyay sida uu mar walba u garab taagan yahay dhalinyarada, ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin doorka dhalinyarada ee horumarinta dalka, fursadaha shaqo abuurka, iyo sida ay ugu biiri karaan go’aan qaadashada siyaasadeed.

Dhalinyaradii kulanka ka qayb gashay ayaa uga mahadceliyay Xildhibaan Axmed Abdinur doorkiisa firfircoon iyo sida uu mar walba ugu taagan yahay difaaca danahooda iyo horumarka bulshada uu matalo.

Xildhibaanku wuxuu ballan qaaday in uu sii wadi doono kulamada noocan oo kale ah, isagoo sheegay in dhalinyaradu yihiin laf-dhabarta dalka iyo mustaqbalkiisa.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista hawada Soomaaliya Wasiir Fardowsa osmaan egaal Ayaa maanta si rasmi Ah xilka ...
09/08/2022

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista hawada Soomaaliya Wasiir Fardowsa osmaan egaal Ayaa maanta si rasmi Ah xilka Ula Wareegtay

30/07/2022

Madaarka cusub ee Galdogob ayaa diyaardii ugu horaysay ku degtay ayada oo uu la socdo Wafdi uu hogamuinayo wasiirka gaadiidka iyo dulista hawada somalia.

Sawiro Galdgob airport
30/07/2022

Sawiro Galdgob airport

Duqa degmada Goldogob Mudane Cabdiqafaar Shiikh Ibraahim ayaa si fool ka fool ah u soo hor-fariistay bulshada, wuxuuna k...
26/07/2022

Duqa degmada Goldogob Mudane Cabdiqafaar Shiikh Ibraahim ayaa si fool ka fool ah u soo hor-fariistay bulshada, wuxuuna ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen dadkii ka soo qeyb galay madasha dadweynaha.

25-ka Luulyo, habeen dambe, haddii Eebbe idmo, PDRC waxay Goldogob ku qaban doontaa ‘Madasha Dadweynaha iyo Hay’adaha Da...
24/07/2022

25-ka Luulyo, habeen dambe, haddii Eebbe idmo, PDRC waxay Goldogob ku qaban doontaa ‘Madasha Dadweynaha iyo Hay’adaha Dawladda’, kaa soo uu marti ku yahay Duqa degmada Goldogob, Mudane C /Qafaar Sheekh Ibraahim, si uu bulshada ula wadaago qorshaha dowlada hoose isla markaasna loo wajihi lahaa horumarka degmada oo ay dadku horboodayaan.

Address

Garowe

Telephone

+252907753661

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Murti Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Murti Media:

Share

Category