Diwaan Media

Diwaan Media Bussines Employ

Dalalka Hindiya iyo Baakistaan ayaa si rasmi ah u jaray xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee u dhexeeyay, kaddib markii xiisa...
24/04/2025

Dalalka Hindiya iyo Baakistaan ayaa si rasmi ah u jaray xidhiidhkii diblumaasiyadeed ee u dhexeeyay, kaddib markii xiisad culus ay ka dhalatay weerar hubeysan oo ka dhacay gobolka lagu muransan yahay ee Kashmiir, halkaas oo ay ku dhinteen 26 qof, intooda badanna ay ahaayeen dalxiisayaal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP.

Weerarkaasi ayaa sababay carro xooggan oo ka dhalatay gudaha Hindiya, taasoo keentay in dowladda Hindiya ay si degdeg ah u joojiso bixinta fiisooyinka ay siiso muwaadiniinta Baakistaan, ayna hakiso dhammaan noocyada ganacsiga iyo socdaalka ee labada dal ka dhaxeeyay.

Iyadoo dawlada baakiistaan ka jawaabaysa tallaabooyinkaasi, ayay maanta qaaday tallaabooyin isdaba joog ah oo ay kaga falcelinayso: waxay joojisay bixinta fiisooyinka ay siiso muwaadiniinta Hindiya, waxay xidhay hawadeeda si buuxda uga joojisay diyaaradaha ay leedahay ama ay maamusho Hindiya, sidoo kalena waxay hakisay dhammaan ganacsigii ay la lahayd Hindiya – ha ahaado mid toos ah ama mid dhex maraya dal saddexaad.

Turkigu ma walaal ba mise waa cadow qarsoon ?
23/04/2025

Turkigu ma walaal ba mise waa cadow qarsoon ?

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in AS ay xoogga soo saareen gobolka Shabeelaha Dhexe, taas ayna keentay in ay isaga soo baxa...
23/04/2025

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in AS ay xoogga soo saareen gobolka Shabeelaha Dhexe, taas ayna keentay in ay isaga soo baxaan degmada AadanYabal

"Gurigayga markan galo ee albaabka layga furo Caruurta,oo igusoo carartay intan dhaafo ayaan Islaanta Soo dhunkadaa,Caru...
17/04/2025

"Gurigayga markan galo ee albaabka layga furo Caruurta,oo igusoo carartay intan dhaafo ayaan Islaanta Soo dhunkadaa,Caruurta waxaan ku idhaahda anagu waxaan nahay Geed iyo Jiridii idinkuna waxad tihiin ubaxii markaa haduu geedku hagaagi waayo idina hagaagi maysaan"Sheekh Cabdiraxman Bashiir.

17/04/2025

Maxaa u fududeeyay AS qabsashada Aadan Yabaal?

Shalay dagaal culus ayaa ka dhacay magaalada Aadan Yabaal. Dagaalka waxa uu billowday wax yar ka hor 6:00 subaxnimo, iyadoo kooxda AS ay weerar ugu soo qaadeen magaalada saddex jiho ah – Galharuur, Ceel Muluq iyo Al-Kawthar.

Wararka la helayo waxay sheegayaan in kooxda weerarka qaaday ay adeegsadeen ugu yaraan 12 oo ah kuwa waawayn ee ciidanka lagu daabulo iyo hub culus oo ay ka mid yihiin qoryaha Suuga loo yanaaqo ee Ruushku soo saaro.

Maalintii ka horreysay weerarka (April 15) roobab xooggan ayaa ka da’ay deegaanka, taasoo carqaladeysay hawlgallada cirka ee dabagalka iyo kormeerka dhaqdhaqaaqa AS. Tani waxay u suurtagelisay kooxda inay si qarsoodi ah ugu soo dhowaadaan magaalada iyagoo ka faa’iideysanaya la socod la’aanta dhaqdhaqaaga kooxda iyo xaaladda cimilada ee xun.

Milatariga Soomaaliya waxaa u suurtagashay in ay dhamaan saanadooda iyo dhawaacyada ka soo gaaray dagaalka ay banaanka ula baxaan, waxaana durba dhaawacyadii loo soo qaaday dhanka Muqdisho. Dowladu wali ma shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalka balse baaritaanno ayaa wali lagu hayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka.

Saraakiil sar sare oo dowladda ka tirsan sida Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, Colonel Xasan Cali Shuute, xildhibaano federaal iyo heer gobol, iyo mas’uuliyiin kale oo ku sugnaa Aadan Yabaal waqtiga weerarka ayaa dhammaantood hada ku sugan banaanka magaaladda waxa ayna abaabulayaan howlgal xooggan.

Dagaalkii dhacay iyo qasaaraha ayaa aad u kala fogaa, si ka duwan howlgaladii h**e ciidanku waxa ay maareeyeen in kooxdu gacanta ku dhigto saanad milatari. Ugu yaraan laba booyadood iyo gaari kuwa xamuulka ah oo ciladaysnaa ayaa looga tagay xerada kuwaas oo ay soo sawirtay kooxdu.

Khuburada milateriga ayaa sheegaya in xaaladda markan u baahan tahay in si degdeg ah loo qaato tallaabooyin adag, sida in si ku-meel gaar ah looga baxo saldhigyada h**e si loo yareeyo khasaaraha, ciidamadu u dib isu abaabulaan, islamarkaana xoogga la saaro difaacyo muhiim ah. Ciidanka, saraakiisha iyo siyaasiyiintu waxa ay diyaar u yihiin inay gaaraan go’aannada adag si looga hortago kooxda.

Qalad ay tahay in wax wax laga barta. Qadka isgaarsiinta ayaa wali go’an oo majiraan telofano gacanta ah oo la iskula xiriiro taasi waa dhacdaa markaste oo waa goob dagaal. Balse isgaarsiinta ciidanka isma wici karaan Aaladaha isgaarsiinta ee ay kala adeegsadaan Gor Gor iyo Danab. Tusaale qalabka isgaarsiinta ee Danad isticmaasha ma soo gali karaan qadadka saraakiisha ciidanka markala laga reebo ciidanka Danad ka tirsan oo kaliya. Gorgor sidoo kale waxa ay isticmaalaan isgaarsiin u gaar ah. Taasi waxa ay marwalba yaraysaa isku gurmashada ciidanka.

Wariye Haarun Macruuf ayaa leh in badan oo ka mid xuquuqda xogtaan.

ninkaas wax dalka kaqabta mala waayay
17/04/2025

ninkaas wax dalka kaqabta mala waayay

17/04/2025

Somaliland oo si rasmi ah u go'aamisay inay ka baxday wada hadalladii Soomaaliya.

17/04/2025

Sanadkaan UCL wuxuu u egyahay mid usocda London

02/08/2024

Innalilahi wa inaa illahi raajicuun inta ku dhimatay musiibadaas alle ha uwada naxariisto inta dhaawacaana alle ha caafiyo
Dadka saas noo xasuuqaya baa beri wasiiro iyo madax nalooka dhigayaa

23/04/2024

Yaab!!! bal dadkaan waqooyiga soomaaliya degan maxaa lawgu sheegay jilib iyo jamaame!

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Diwaan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Diwaan Media:

Share