Dhugaal Media

  • Home
  • Dhugaal Media

Dhugaal Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dhugaal Media, Media/News Company, .

Dhugaal Media/Channel Waa war baahain Madax Banaan aadna kala socon doontaan Warar ,Barnaamijyo iyo Warbixino Xaqiiqada dalkeena taabanaya waxaana intaasi kuu sii dheer Soo bandhigista Bilicda iyo qurux da dalkeena.

17/11/2023

REWTRETR

12/09/2023

5436436436

Nairobi: Wasiirada Qorshaynta, Maaliyadda iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada ee Dowladda Puntland oo maal mahaan hawlo shaq...
03/09/2023

Nairobi: Wasiirada Qorshaynta, Maaliyadda iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada ee Dowladda Puntland oo maal mahaan hawlo shaqo u joogay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa halkaas kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka iyo hay'ado ka hawl gala Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.

Waftiga oo ka kooban Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mohamed Said Faroole, wasiiru Dowlaha Madaxtoyada Mudane Cabdifitaax Cabdinuur iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shirar la qaatay: Safiirada Sweden, Denmark, kuxigeenka Safiirka Jarmalka, masuuliyiin ka socda barnaamijyada horumarinta, xasilinta iyo arrimaha bini'aadanimada ee Denmark, Norway, Jarmalka iyo FCDO UK sidoo kale masuuliyiin ka socota mashruuca RCRF ee Bangiga Adduunka iyo hay'adda GIZ.

Shirarka ayaa diiradda lagu saaray
1. Arrimaha bini'adantinimo iyo xasilinta Gobolka Sool
2. Mashaariicda horumarinta, gaar ahaan JPLG, mashaariicda adeegyada aasaasiga ah (caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo adeegga cadaaladda iyo amniga), doorashada hal cod iyo hal qof ee Puntland, casriyeynta hannaanka Maaliyadda iyo kastamyada Puntland, Mashruuca horumarinta Booliska ee JPP iyo guud ahaan horumainta dhaqaalaha.
3. Arrimaha Federaalka iyo barnaamijka Deyn cafiska Soomaaliya.

Shirarka ayaa ku soo dhammaaday guul.

Gaalkacyo :Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Galabta ...
01/09/2023

Gaalkacyo :Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Galabta si rasmi ah u furay tartanka Kubadda Cagta ee Gobolada Puntland oo sanadka lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku boggaadiyey shacabweynaha Gobolka Mudug garab istaaga ay u muujiyaan mar walbo Dowladnimada iyo horumarka, isagoo xusay Sidii weyneyd ee ay ugu istaageen dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland ka dhacay.

Wuxuu u rajeeyay in koobku uu si wanaagsan ku dhammaado ayna Puntland ku jirto todobaadyo Guul iyo taariikh huwan sida guushii laga gaaray Gobolka Sool.

Tartanka Kubadda Cagta ee Gobolada Puntland ayaa lagu furay Galabta Gobolada Mudug iyo Raascaseyr, Iyadoo Guushu ay raacday Gobolka Mudug oo (3-1) kaga badiyey Gobolka Raascaseyr .

Puntland ayaa muhiimad gaar ah siisay Arrimaha dhallinyarada sida , Dhismaha Garoomada cagaaran iyo qabashada taramada Ciyaaraha , waxaa intaasi dheer in puntland hirgelisay Doorashooyinka hal qof iyo hal cod, oo dadka ugu badan ee kusoo baxay iyo Kuwa codeeyayba ay ahaayeen dhallinyarada oo helay fursad siyaasadeed oo furan.

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefdi uu hog...
01/09/2023

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa afaafka h**e ee magaalada kusoo dhoweeyey Maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Qaybta Mudug, Saraakiil, Shacabka qaybihiisa kala duwan iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey masuuliyiinta iyo shacabka soo dhoweeyey.

31/08/2023

Daawo:Gaalkacyo waxaa ka billowday dib u dayactirka laamiga bartamaha magaalada intaa isku xirta Isbitaalka guud iyo Cagaarwayne.

Shirkada Dhismaha wadaniga ah ee Kebarco ayaa fulinaysa Dhismaha wadadaani.

Daawo Sawirada:Shirkada Wadaniga ah ee Kebarco ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ka bilowday Dhismaha wa...
31/08/2023

Daawo Sawirada:Shirkada Wadaniga ah ee Kebarco ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ka bilowday Dhismaha wado Laami ah ee isku xiraysa Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo iyo Cagaarwayne oo dib u dhis lagu saamaynayo.

Shirkada kebarco ayaa sanooyinkii danbe deegaanada Puntland ka dhistay Wadooyin laami ah oo rayadoodu sarayso Bulshadana kala qayb qaadatay dhismahooda.

31/08/2023

Daawo:Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jawle

"Dowladda Puntland waxa ay joojisay
Nidaamka Furdooyinka Somalia ee loo yaqaan (SOMSAT) waxaana loo guuray mid u gaar ah Dowladda Puntland loona yaqaan (PUNTCAS).

Dhugaal Media News Desk.

Daawo Sawirada:Waxaa Magaalda Gaalkacayo Lagu Soo Dhoweeeyey Wafti uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Xiriirka ...
31/08/2023

Daawo Sawirada:Waxaa Magaalda Gaalkacayo Lagu Soo Dhoweeeyey Wafti uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya Cabdirashiid Cabdulle Mohamed

Guddoomiyaha Xiirirka Kubadda Cagta Puntland oo ay weheliyaan Madaxda Xirirka Kubbada Cagta Puntland iyo Masuuliyin Ka Tirsan Bahda Ciyaaraha Gobalka Mudug ayaa Soo Dhoweyey Gudoomiyaha oo u yimi ka qaybgalka Furitaanka Tartanka Kubadda Cagta ee Gobalada Puntland.

DAAWO SAWIRADA BOOSAASO- Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jamac Jowle oo hawlo sha...
31/08/2023

DAAWO SAWIRADA BOOSAASO- Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jamac Jowle oo hawlo shaqo Boosaaso u jooga ayaa maanta koormeer shaqo ku tagey Xarumaha dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Bari.

Xarumaha Agaasimahu booqday waxaa ka mid ahaa Cashuuraha berigga, Miisaaniyadda xisaabadka, hantidhowrka gudaha, iyo Laanta Bangiga ee gobolka Bari.

Agaasime Axmed Jamaca Jowle waxaa xarunta ku soo dhaweyey Maamulaha Cashuuraha beriga Gobolka Bari Yuusuf Guray waxana uu booqday xafisyada kala duwan ee xarunta oo ay ka soctay shaqo maalmedkeda Wasaaradda.

Dhic kale Agaasimaha ayaa booqday Xarunta La'anta Bangiga gobolka Bari ee Bosaso waxana u halkaasi kula kulamay Maamulaha Bangiga laanta Bossaso iyo Xisaabiyaha gobalka waxana ay ka wada hadleen shaqooyinka socda.

Kormeerkan shaqo ee Agaasimaha waxaa ku weheliyey Agaasimaha cashuuraha beriga Puntland, sharciyaqaanka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas'uuliyiin kale, booqashadana waxa ay qayb ka tahay dar-dar gelinta dakhliga Dawladda Puntland.

Dhugaal Media News Desk.

Fariin ka timid  Musharax Madaxwayne ee Puntland Mudane Aadam Shiikh-Doon Cali.Aqoon yahan Dr Aadan Shiikh Doon Cali oo ...
31/08/2023

Fariin ka timid Musharax Madaxwayne ee Puntland Mudane Aadam Shiikh-Doon Cali.

Aqoon yahan Dr Aadan Shiikh Doon Cali oo U Sharaxan Madaxwaynaha Puntland ee Doorashada inagu Saa aadan ayaa Shaaciyay Aragtida iyo Hiigsigiisa Puntland ta uu Hogaankeeda Doonayo wuxuuna Qoray Sidan:

"Puntland-ta Maanta mid :

ka Dhaqaale Kobocsan
Ka Waxbarasho tayeysan
ka Caafimaad wanaagsan
ka Amni badan.

".

Daawo Quruxda:Deegaano ka mid ah Gobalka Jubbada Hoose ee Dowlad Gobaleedka Jubba land.
31/08/2023

Daawo Quruxda:Deegaano ka mid ah Gobalka Jubbada Hoose ee Dowlad Gobaleedka Jubba land.

Address


Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhugaal Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Address
  • Alerts
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share