Caduun Media

Caduun Media Wellcome To My Page Facebook Caduun Media

15/10/2025

# 3Aad Taxanihii Taariikhda Somalia Macalin Xabiib Axmed Faarax degmada Jariiban gobolka Mudug Puntland.

10/10/2025

2Aad Taxanihii TaariikhdaSomalia Macalin Xabiib Axmed Faarax degmada Jariiban ee Gobolka.

Nabadoonada,Waxgaradka iyo Bulshada Magaalada Balibusle  ayaa maanta kulan ay isuguyimaadeen  madaxweynaha dawlada Puntl...
10/10/2025

Nabadoonada,Waxgaradka iyo Bulshada Magaalada Balibusle ayaa maanta kulan ay isuguyimaadeen madaxweynaha dawlada Puntland Mudane Siciid C/laahi Dani ka codsaday inuu xoriyadiisa dib u siiyo Yutuberka Maxamuud Cabdi C/laahi oo caan ku ahaa Kabtan Caduun kaasoo dhawaan lagu xiray magaalada Garowe ee Caasumada Puntland State House .

09/10/2025

Qoyska Maxamed Axmed Maxamuud Xassan ( Gabay ).

07/10/2025

TAXANAHA 1AAD TAARIIKHDA SOMALIA IYO DADKU WUXUU ISKU YAHAY..

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xas...
06/10/2025

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan ka sagootiyay wafdigii ka socday Dowladda Federaalka ah ee shalay booqashada ku yimid Jubaland.

Dowladda Jubaland mar walba waxay caddeynaysaa inay ka go’an tahay in kala aragti duwanaanta lagu xaliyo wada hadal iyo in loo midoobo ajandayaasha waaweyn ee dalkeenna u yaalla, iyadoo lagu heshiiyay in wada hadalladu sii socdaan isla markaana dib loogu kulmo fadhiyo kale si xal waara loo gaaro.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa uga mahadceliyay shacabka Jubaland niyadsamida ay muujiyeen iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta mabaadi’da iyo qadiyadahooda gaarka ah.

Sidoo kale, Dowladda Jubaland waxay uga mahadcelinaysaa Dowladda Kenya dadaallada ay ku bixinayso sidii loo soo afjari lahaa kala aragti duwanaanta jirta iyo xalinta khilaafaadka Soomaaliya.

DHAMMAAAAD.

05/10/2025

Walaal Cayduruus Degmada Jariiban.

Xarunta Wellnes Vitamin and Derma Care Gaalkacyo ayaa bixisa adeegyo kala duwan waxaana ka mida kuwaan hoose :✅ Daawaynt...
04/10/2025

Xarunta Wellnes Vitamin and Derma Care Gaalkacyo ayaa bixisa adeegyo kala duwan waxaana ka mida kuwaan hoose :

✅ Daawaynta iyo daryeelka maqaarka – Waxaa lagu daweynayaa xanuunnada maqaarka iyo arrimaha la xiriira quruxda dabiiciga ah.
✅ Nafaqeynta jirka iyo quruxda dabiiciga ah – La-talinta caafimaadka, isticmaalka vitamins-ka, iyo daryeel dhameystiran.
✅ Xoojinta caafimaadka iyo tamarta jirka – Waxay xaruntu bixisaa xalal caafimaad oo lagula tacaalayo daalka, tamar la’aanta, iyo difaaca jirka.
✅ IV Therapy iyo daawaynta casriga ah – Daawooyin casri ah oo si toos ah jirka loogu shubo si loo xoojiyo caafimaadka iyo fayo-qabka qofka.

Xaruntan cusub waxay wax weyn ka tari doontaa horumarinta caafimaadka iyo fayo-qabka bulshada ku nool magaalada Gaalkacyo iyo nawaaxigeeda.

Waxaa la filayaa in Wellness Vitamin and Derma Care ay noqoto goob muhiim u ah dadka doonaya daryeel caafimaad oo casri ah, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin cusub iyo adeegyo tayo sare leh.

Waxaa lagu casuumayaa dhammaan bulshada inay soo booqdaan xarunta si ay uga faa’iidaystaan adeegyada caafimaad iyo qurux ee ay bixiso.
Wixii faahfaahina kala xiriir 0904539201 ama 0904539140

Warbaahinta Caduun Media waxay dhawaan Bilaabaysaa Barnaamij looga hadlayo Taariikh kaladuwan kuwaas oo la xiriira Asalk...
03/10/2025

Warbaahinta Caduun Media waxay dhawaan Bilaabaysaa Barnaamij looga hadlayo Taariikh kaladuwan kuwaas oo la xiriira Asalka Somalida iyo Haybta qaar kamid ah Somalia oo aan jirin iyo siday ku baxday Magacyo ay kamid yihiin Gaalkacyo,Berbara iyo Magacyo kale.

Dagaal xoogan ayaa ka socda Togga Baalade ee Buuraha Calmiskaad gobolka Bari inta la xaqiijiyey 1 Askari ayaa ku shahiid...
03/10/2025

Dagaal xoogan ayaa ka socda Togga Baalade ee Buuraha Calmiskaad gobolka Bari inta la xaqiijiyey 1 Askari ayaa ku shahiiday 2 kalana dhawac ayaa soo gaaray sidoo kale waxay ciidamada u xaqiiyeen warbaahinta Caduun Media qaar kamid ah Ciidamada Difaaca Puntland waxay dileen ilaa 4 kamid ah Daacish.

4 Jiho weerar ah ayaa lagu qaaday Firxadkii Daacish ee Buuraha Calmiskaad ku dhuumalaysanayey dagaalku markuu istaago ayaan faah faahinta idiin soo gudbinaynaa.

30/09/2025

Waxgaradka Reer Mahad iyo Maxamed Cumar oo ka hadlay Saamaynta Colaadii dhexmartay.

Address

Garowe
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caduun Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Caduun Media:

Share