13/02/2023
Sannadkaan reer SSC wadaro ayay dhigeen waxayna la soo shir tageen Garaadyo caalamiga ah oo luuqadaha dunida oo dhan ku hadlaya, oo iyagu isku ah wasiir Arrimo dibadeed, warfaafin iyo gaashaandhig iyada oo laascaano lagu xoreeyay oraahdii caan baxday ee Garaadka [gala dagaalka].
Sannadkii 2006-2009 Waxaa caalamka heystay Beesha Ceyr, tusaalooyinka la xasuusan karo waxaa ka mid ahaa Shirkii New Times lagu qoray in dowladda Mareykanka iyo Beesha Ceyr oo wada hadlaya uu shir uga socdo dalka Kenya, Mareykanka waxaa hoggaaminayay safirkii Mareykanka u fadhiyay Kenya Danjire, Michael Ranneberger halka Beesha ay Ceyr uu Ugaasku hoggaaminayay ayna gadaal ka fadhiyeen Danjire Ahmed Abdisalaan iyo AUN Cali Iimaan Sharmaake.
Bartamihii 2007, Wasiiru dowlihii Arrimaha Dibadda ee Ethiopia Berhanu Kebede oo ahaa diblomaasi gaamuray oo safiir ka soo noqday dalalka ruushka, Ingiriiska, Sweden iyo dalal 10 ku dhow wuxuu Joornaalka The Telegraph oo Ingiriiska ka soo baxa usheegay in ciidankooda Ethiopia ay gudaha caasimadda Somalia kula dagaalamayaan Beesha Ceyr.
Hadda, 2023 waxaa caalamka heysta beesha dhulbahante oo joornaalada caalamku wada qorayaan, taas oo ay na dheertahay garaadyo aan loo turmeyn oo wada aqoonyahanno iyo afmaallo wada ah, waloow iyada ruuxeeda aynaan ka mareneyn oo uu nugu matalo Suldaan Mustafa Mohamed Aw-seed oo isagu ruuxiisu ah aqoonyahan luuqado badan ku hadla.
Daraawiishtu ha guulreysato.