Gaas Media

Gaas Media you will get this page every thing that concerns the newly Events for the country

GURIGA CIDUU KU DUMAYAA WAA SOOMAALIYA Weli ma is weydiisay sababta Xasan Sheikh isugu maqiiqayo Jidkii shalay Farmaajo ...
08/05/2025

GURIGA CIDUU KU DUMAYAA WAA SOOMAALIYA

Weli ma is weydiisay sababta Xasan Sheikh isugu maqiiqayo Jidkii shalay Farmaajo u shaqeyn waayey ee uu ciriiriga ku sheegay.

Cudurka shalay Farmaajo ku dhacay ee lumiyey, haddana Xasan Shiekh muddo sedex sano ah ka mashquuliyey dhammaan howlihi Qaranka waxaa loo yaqaana "Sunk Cost Fallacy”.

Sunk Cost Fallacy waa marka aad sii wado mashruuc ama qorshe la ogyahay natiijadiisa iney qasaaro tahay, iyadoo lagu go’aan qaadanayo waqti iyo qarash horay loo galiyey oo aan laga sabrin.

Tusaale:

Bal qiyaas inaad bilowday dhisme guri weyn. Waxaad ku bixisay lacag badan iibka dhulka, naqshadda, iyo aasaaska. Laakiin markii dhismihii meel dhexe marayo, injineeradu waxay kuu sheegeen in aasaaskii uu qalloocnaa oo dhismaha oo dhan uu halis ugu jiro inuu dumo. Wax kasta oo aad hadda ka dib ku kordhiso waa khasaare, dhismahana marnaba ma noqon doono mid ammaan ah ama ujeeddadii laga lahaa fulinaya. Caqliga saliimka ahi wuxuu ku leeyahay, "Jooji dhismaha, aqbal khasaarahaaga, oo dib uga fikir." balse hadaad tahay Madaxweyne Xasan Sheekh ama Farmaajo waxaas kuuma muuqdaan.

Qiimaha iyo Qasaaraha

1-Mudo kordhinta Madaxda Maamul Goboleedyadii Farmaajo kuraasta u boobay

Madaxweyne Xasan Sheikh markii la doortay, wuxuu fursad u arkay adigoon waqti iyo qarash iska galin ayaad heleysaa kuwii shalay Farmaajo u shaqeeyey. Wuxuuna halhays ka dhigtay dadku waxba isma dhaamaan. Taasi waxay dhaxal siisay labo qasaaro.

A: Saaxibadiisi siyaasadda ee uu hubay isku halleyntooda (Loyalty) lana soo tijaabiyey maanta mahaysto daacadnimadoodi waayo isagaa qiyaamay Ballankii in looga baxay ayey aaminen madaama kuraastoodii uu kula heshiiyey raggii shalay ku dulmiyey.

B: Kuwii Farmaajo ka haray oo uu isyiri waxaad ku heshay Qiima raqiis ah, waxay gadanayeen waqti oo marna daacad uma noqon. Waxaana koox waliba ay sugaysaa maalinkeeda iyo markuu tabar yareeyo duqa.

2-Guuldarradii Jubaland

Isku daygii ahaa in rabitaanka Dowladda Federaalka laga hirgaliyo Jubaland iyadoo la adeegsanayo awood Millatery waa caddeynta sida madaxweyne Xasan Sheikh isagu maqiiqayo meel aan jid marin. Horayna loogu daalay. Waxaana ka dhashay inuu kala gooyey Ra’isul wasaarihiisi iyo deegaanka uu kasoo jeeday. Maanta kalsoonidi Jubbaland waa Lumiyey, Ra’isul wasaare Xamse na wuxuu noqday sida xildhibaanada reer Somaliland.

Madaxweynaha isagoo og in Jubland uusan heyn awood uu ku qasbo ayuu hadana weli ku bixinayaa tacab siyaasadeed iyo resources si kale loogu baahan yahay.

Caqliga saliimka ah wuxuu tilmaami lahaa in halkan dib loo qiimeeyo istiraatiijiyadda, la qirto fashilka dhacay, lana raadiyo waddo cusub oo is-afgarad iyo wada-shaqeyn ku dhisan.

3-Xisbiga cusub waa indho-sarcaad lagu qarinayo khasaaraha la galay.

Tallaabadani waxay u muuqataa isku day lagu doonayo in lagu abuuro sawir ah in horumar la gaaray, in weli la hayo taageero ballaaran, iyo in himiladii h**e ay weli nooshahay. Si kastaba ha ahaatee, iyadoo la og yahay in qaar ka mid ah xubnahan laftoodu ay leeyihiin dano siyaasadeed oo gaar ah oo aan mar walba la jaan qaadi karin kuwa Madaxweynaha, go'aankani wuxuu u eg yahay tacab kale oo lumay oo lagu sii kordhinayo qasaarahii h**e. Wuxuu ogyahay in daacadnimada qaar ka mid ah xubnahan ay beentahay, haddana wuu sii koriyay . Maxaa ku kallifaya? waxaa marin habaahinaya waa damac.

Baaqashada Shirwaynaha Xisbiga buuqa uu ka taagan yahay iyo qanacsanasn la’aan Madaxwayne Laftagareen waxay daliil kale u tahay in aan niyadda la iska rabin ee jilliin lagu wada joogo.

Madaxwaynuhu wixii uu muddo ka shaqaynayay oo talo walba oo maangal ah oo loo soo jeedinayay uu uga maagayay, hadda ayuu qayb ahaan natiijadeeda k**adanbaysta ah shaashad ka daawan karaa. Ma se hubo in uu sidaas yeeli doono!

Maxa laga baran karaa xaaladda Madaxweynaha uu ku jiro?

Sheekada Madaxweyne Xasan Sheekh waxay xambaarsan tahay cashar weyn oo siyaasadeed. Mararka qaarkood, go'aanka ugu adag laakiin ugu wanaagsan waa in la qirto marka istiraatiijiyaddaadu ay shaqayn weydo, lana yeesho geesinimada lagu beddelo jihada, xitaa haddii ay taasi ka dhigan tahay in la qirto khaladaad h**e.

In aad lafahaaga caynsato ma aha calaamad daciifnimo ama quusasho. Waa calaamada hoggaan bisil. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu halis ugu jiraa in isku daygiisa ah inuu ku dheganaado aragtidiisii h**e uu ku lumiyo wax walba oo uu ilaa hadda soo dhisay iyo kalsoonidii shacabka, Soomaaliyana sidaas ku dunto

WQ: Abdikadir Ali Dige

30/04/2025

Muqdisho: Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee NCC oo berri furmi lahaa ayaa dib ugu dhacay maalinta Isniinta ee 5-ta bisha Maay — OPM.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoo...
29/04/2025

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kursiga tirsigiisu HOP #201 dib ugu celiyay guddiga xeerhoosaadka, Daryeelka, Anshaxa iyo xasaanadda ee Golaha Shacabka si uu uga soo talo bixiyo dibna uu golaha ugu soo celiyo.

27/04/2025

ISLAAMKA IYO ARAGTIDA UU KA QABO DIIMAHA KALE EE SAMAAWIGA AH.

Islaamku kolna ma inkirin jiritaanka Diimaha kale ee ay haystaan dadka Dunida kula nool Muslimiinta,gaar ahaan kuwa uu si cad u sheegay in uu rumaysan yahay in ay xaga Eebe ka wada yimaadeen sida Towreed iyo Injiil.

Ilaahay wuxuu Nabiga scw u waxyooday in Kitaabkan lagu soo dajiyay uu yahay mid waafaqaya kutubtii ka h**eysay ee Towreed iyo Injiil.

نَزَّلَ عَلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ وَأَنزَلَ التَّوْرَاةَ وَالْإِنجِيلَ (3) مِن قَبْلُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَأَنزَلَ الْفُرْقَانَ ۗ..
“Wuxuu dushaada ku soo dajiyay Kitaab xaq ah oo rumaynaya kutubtii ka h**eysay,wuxuuna sidoo kale soo dajiyay Towraad iyo Injiil horraan oo dadka hanuun u ahaa,wuxuu kaloo soo dajiyay kitaabka Furqaan ee xaqa iyo baadilka kala soocay ee Quraanka ah”.

Ahlul kitaabka uu Quraanku la hadlayay waa kuwii noolaa waqtigii Quraanku soo dagayay oo Rumaysnaa inta kuwa iminka nool ay rumaysan yihiin inta badan.

Nabigu scw lama farin in uu ku billaabo dacwadiisa Ahlul kitaabka ku wajahan in ay isaga soo raacaan oo ay Diinta uu siday soo galaan ee waxaa lagu yiri u sheeg in ay toosiyaan diimahooda oo ay Kutubtoodii Towreed iyo Injiil si quman oo sax ah ugu dhaqmaan.

"قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لَسْتُمْ عَلَىٰ شَيْءٍ حَتَّىٰ تُقِيمُوا التَّوْرَاةَ وَالْإِنجِيلَ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْكُم مِّن رَّبِّكُمْ ۗ"
“Waxaad ku tiraahdaa Ahlul kitaabow wax aad tihiin lama arko ilaa aad toosisaan Towreed iyo Injiil iyo waxa xaga Rabigiin laydinka soo dajiyay ee kutubtiinu idin farayso”.

Waxaa kaloo Quraanka ku badan Aayadaha Ahlul kitaabka kula xujaytamaya wixii ay kutubtooda faraysay,oo kol ay xitaa qolo yahuuda ka mid ah xukun u soo doonteen Nabiga scw waxaa Eebe ku yiri Nabiga scw u sheeg in ay Xukunka ka qaataan kitaabkooda Towreed.

"وَكَيْفَ يُحَكِّمُونَكَ وَعِندَهُمُ التَّوْرَاةُ فِيهَا حُكْمُ اللَّهِ ثُمَّ يَتَوَلَّوْنَ مِن بَعْدِ ذَٰلِكَ ۚ وَمَا أُولَٰئِكَ بِالْمُؤْمِنِينَ (43)"
“Oo sidee bay kuugu soo xukun doonan karaan iyaga oo haysta Towreed oo uu xukunka Eebe ku yaallo,ka dibna ay iska indho tirayaan oo ay ka jeensanayaan,kuwaasi maaha kuwo rumaynaya”.

Kol kalana waxa uu Eebe faray Nasaarada in ay kitaabka xaqa ah ee injiil isku xukumaan iyaga oo aan waxba ka badalin.

وَلْيَحْكُمْ أَهْلُ الْإِنجِيلِ بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ فِيهِ ۚ وَمَن لَّمْ يَحْكُم بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ فَأُولَٰئِكَ هُمُ الْفَاسِقُونَ (47).
“Reer Injiil wax ha ku xukumeen wixii Ilaahaay soo dajiyay ee injiil dhexdiisa ku jira,kuwa aan wax ku xukumin wixii Alle soo dajiyay waa faasiqiin”.

Ilaahay kolkii uu u sheegay Nabiga scw in Ahlul kitaabka ay haystaan kutub xaq ah oo xaga Alle ka timid oo waafaqaya Kitaabka Quraanka ah,ayuu Eebe uga digay in ay ku kadiyaan taxriifka iyo fahamka iyo fasirka khaldan ee ay diintoodii ku dhex tooreen,wuxuuna Eebe qiray in kala duwanaan xaga manhajka iyo sharciga ahi ay ku jiraan Kutubta uu soo dajiyay,oo qolo kasta loo yeelay manhaj iyo sharciyo gaar ah.

‎وَأَنزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ مُصَدِّقًا لِّمَا بَيْنَ يَدَيْهِ مِنَ الْكِتَابِ وَمُهَيْمِنًا عَلَيْهِ ۖ فَاحْكُم بَيْنَهُم بِمَا أَنزَلَ اللَّهُ ۖ وَلَا تَتَّبِعْ أَهْوَاءَهُمْ عَمَّا جَاءَكَ مِنَ الْحَقِّ ۚ لِكُلٍّ جَعَلْنَا مِنكُمْ شِرْعَةً وَمِنْهَاجًا ۚ وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَجَعَلَكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَلَٰكِن لِّيَبْلُوَكُمْ فِي مَا آتَاكُمْ ۖ فَاسْتَبِقُوا الْخَيْرَاتِ ۚ إِلَى اللَّهِ مَرْجِعُكُمْ جَمِيعًا
‎فَيُنَبِّئُكُم بِمَا كُنتُمْ فِيهِ تَخْتَلِفُونَ (48)

“Waxaan kugu soo dajinay Kitaabka xaqa ah isaga oo rumaynaya Kutubtii ka h**eysay oo misana koobaya oo sugaya kutubtaas,ku xukun dhexdooda wixii Eebe soo dajiyay,ha raacin hawadooda ka dhanka ah Xaqa Alle kugu soo dajiyay,Qolo kasta oo idinka mid ahi waxaan u yeelnay Shareeco iyo Minhaaj gaara,hadduu Alle dooni Umad kaliya oo wax walba ku midaysan wuu idinka dhigi lahaa,lkn wuxuu sidaa u yeelay in uu idinku jaribo wixii uu idiinla yimid ee Khayrka ku tartama,Ilaahay baa xagiisa laydiin wada celinayaa dhamaantiin markaasuu idiinka warrami doonaa wixii aad soo sameyn jirteen”.

Si kasta oo Ahlul kitaabka loogu canaantay kutubtoodii ay micno badaleen ama xaraf badaleen oo loogu goodiyay ciqaab intoodii badneyd,misana waxaa jiray kuwo uu Eebe ka soo reebay oo iyagu si dhab ah u haystay kutubtoodii oo ugu dhaqmayay si sax ah.

"لَيْسُوا سَوَاءً ۗ مِّنْ أَهْلِ الْكِتَابِ أُمَّةٌ قَائِمَةٌ يَتْلُونَ آيَاتِ اللَّهِ آنَاءَ اللَّيْلِ وَهُمْ يَسْجُدُونَ (113) يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ وَيَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنكَرِ وَيُسَارِعُونَ فِي الْخَيْرَاتِ وَأُولَٰئِكَ مِنَ الصَّالِحِينَ (114) وَمَا يَفْعَلُوا مِنْ خَيْرٍ فَلَن يُكْفَرُوهُ ۗ وَاللَّهُ عَلِيمٌ بِالْمُتَّقِينَ (115)
“Ma sina Ahlu kitaabka oo waxaa ka mid ah Ummad Cibaado u taagan oo akhriyaya Aayadaha Eebe habeenka dhexdiisa iyaga oo Sujuudsan-oo rabi adeecaya-waxay rumaynayaan Alle iyo Maalinka Qiyaame,waxay farayaan wanaaga waxa xun ee la inkarana way reebayaan oo waxay u tartamayaan khayrka,kuwaasi waxay ka mid yihiin dadka suuban ee Saalixiinta ah,wax Alla waxay khayr sameeyeen lagama inkiri doono Allana waa og yahay kuwa mutaqiinta ah ee xumaha ka dhowrsanaya”.

Si loo muujiyo in uu Islaamku Shaamil yahay isla markaana aanu anaaniyada aqoonin ayaa Muslimiinta lagu booriyay in ay Ahlu kitaabka ku yiraahdaan anagu waxaan wada rumaysanahay wax Alle iyo wixii diin ah ee Alle xagiisa ka yimid iyo Nabiyadii siday oo dhan”.

قُولُوا آمَنَّا بِاللَّهِ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْنَا وَمَا أُنزِلَ إِلَىٰ إِبْرَاهِيمَ وَإِسْمَاعِيلَ وَإِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ وَالْأَسْبَاطِ وَمَا أُوتِيَ مُوسَىٰ وَعِيسَىٰ وَمَا أُوتِيَ النَّبِيُّونَ مِن رَّبِّهِمْ لَا نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِّنْهُمْ وَنَحْنُ لَهُ مُسْلِمُونَ (136).

“Waxaad tiraahdaan Anagu Alle ayaan rumaysanahay iyo wixii naloo soo dajiyay kitaabka xaqa ah,iyo wixii lagu soo dajiyay Ibraahiim iyo Ismaaciil iyo Isxaaq iyo Yacquub iyo Duriyadii ka tafiirantay,iyo wixii la siiyay Muuse iyo Ciise iyo wixii la siiyay Nabiyada oo idil oo xaga Rabigood uga yimid,mana kala qaad-qaadayno oo ma jiro mid kaliya oon gooni uga saarayno oo Ambiyadaa ka mid ah,oo Anagu Rabigaa ay intaa rumeeyeen ayaan rumaysanahay oon u hogaansanahay”.

Iyada oo uu Alle ogyahay inxiraafka ahlul kitaabka ku dhacay iyo sida ay u badaleen diintoodii ayaa misana Eebe ka soo yara dhoweeyay gaalada kale oo uu iyaga u yeelay Axkaam ka soocaysa gaalada kale sida in uu Muslimiinta u baneeyay in ay cuni karaan cuntadooda oo ay haweenkooda dhowrsoona guursan karaan.

الْيَوْمَ أُحِلَّ لَكُمُ الطَّيِّبَاتُ ۖ وَطَعَامُ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ حِلٌّ لَّكُمْ وَطَعَامُكُمْ حِلٌّ لَّهُمْ ۖ وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَ الْمُؤْمِنَاتِ وَالْمُحْصَنَاتُ مِنَ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ مِن قَبْلِكُمْ إِذَا آتَيْتُمُوهُنَّ أُجُورَهُنَّ مُحْصِنِينَ غَيْرَ مُسَافِحِينَ وَلَا مُتَّخِذِي أَخْدَانٍ ۗ
"Maanta waxaa laydiin xalaaleeyay waxyaabahan wanaagsan,iyo Cuntada kuwa Kitaabka la siiyay,Cuntadiinana iyagu waa u xalaal,waxaa kaloo laydiin xalaaleeyay Haweenka dhowrsoon ee Mu’minaadka ah iyo Haweenka dhowrsoon ee kuwa hortiin kitaabka la siiyay ka mid ah,haddii aad Meherkooda siisaan idinka oo ah kuwo guur ka raba oo aan gaabsi ka rabin,isla markaana aan ahayn kuwo saaxiibtinimo hoose ka yeelanaya”.

Fiiro gaar ah:-Aragtida Islaamka ee ku Aadan Ahlul kitaabka iyo kutubtoodii ee uu Islaamku rumaysan yahay maaha kutubta ay khaldeen iyo fasirka ay ka been sheegeen ee waa kuwa xaqa ah ee waafaqaya Islaamka ee uu Quraanku saxay ama edit gareeyay”.

26/04/2025

Hadal jeedintii madaxweyne Deni ee maanta.

Share& Follow

Madaxweyne Deni: “SSCKhaatumo waxa waxa aan ka sugaynay Wadatashi lagu ballansanaa ee k**a dugayn in Xasan loo alalaaso,...
26/04/2025

Madaxweyne Deni: “SSCKhaatumo waxa waxa aan ka sugaynay Wadatashi lagu ballansanaa ee k**a dugayn in Xasan loo alalaaso, waxa aan Laascaanood u qabanay cidkastaa og, xataa DFS waxa aan u dirirnay dartiin.”

DENI: “Hawlgalka Hillaac ee Calmiskaad, Waxaa ku xiga Hawlgalka Onkod ee Calmadow.”
26/04/2025

DENI: “Hawlgalka Hillaac ee Calmiskaad, Waxaa ku xiga Hawlgalka Onkod ee Calmadow.”

26/04/2025

: Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo tababar usoo xiray cutubyo kamid noqonaya ciidanka difaaca Puntland ayaa kudhawaaqay in Howlgalka Hilaac ee Buuraleyda Calmiskaat, ee lagu naafeeyey argagixisadii Daac1sh uu kuxigayo Howlgalka ONKOD ee Buuraleyda Calmadow, kaas oo looga sifeynayo Argagixisada, ku dhuumaleysanaya deegaanadaas.

Puntland ayaa sheegtay in marka ay kufilnaato amnigeeda, meeshana ka saarto 2da kooxood ee Argagixiso aysan gacmaha ka laaban doonin in ay wax ka qabato xaaladda amniga ee Soomaaliya, maadaama ay PL qeyb ka tahay Soomaaliya.

Buuraleyda Calmadow, kooxaha Argagixiso ee ku dhuumaleysanaya ayaa badanaa ay u furan yihiin wadooyinka dhinaca Somaliland/Sanaag, taas oo ay kahelaan Saadka, taakulada ay u baahan yihiin.

“Waxaan u baahan nahay lacag badan, si aan u caawinno Soomaaliya, si ay uga baxdo dhibaatooyinka” sidaas waxaa yiri Mada...
25/04/2025

“Waxaan u baahan nahay lacag badan, si aan u caawinno Soomaaliya, si ay uga baxdo dhibaatooyinka” sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni

24/04/2025

Maxamed Bk iyo Caawa. Fankii si rasmi ah ayuu ugu soo laabtay isagoo waliba jaasaya

24/04/2025

Abaanduulaha Guutada 18-aad ee Gorgor Maxamed Ibraahim Intarfeer oo Wargaadhi ku sugan ayaa sheegay in saakay jab culus gaarsiiyeen Khawaarijta.

Karim Benzema has won the Ballon d'Or for the first time, having enjoyed a career best year at Real Madrid in 2022.
17/10/2022

Karim Benzema has won the Ballon d'Or for the first time, having enjoyed a career best year at Real Madrid in 2022.

Address

Garowe
Garowe

Telephone

+252617811739

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gaas Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gaas Media:

Share

Category