Puntland Live Media

Puntland Live Media Like saar Page-ka Puntland Live, si aad u heshid warar, wareysiyo iyo warbixino xaqiiqo ah

20/06/2024
09/04/2024

Bahda warbaahinta Puntland Post waxay ugu hambalyanayaan munaasibadda Ciidul Firti dhammaan muslimiinta gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay Ilaahay uga baryayaan in uu ka aqbalo soonkii iyo cibaadadii kale ee ay gudanayeen bisha barakaysan ee Ramadaan.

Waxaan Eebbe ka baryaynaa in uu ciiddan ciiddeeeda kale inagu gaadhsiiyo Khayr, Nabad iyo Barwaaqo.

16/03/2024

: Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo muddo ka hor laga soo qabtay dalka Kenya una xirnaa hay'adda NISA ayaa maanta ka soo hor-muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, kaas oo ku eedeysan fikirka xagjirnimada.

16/03/2024

Wasiirrada arrimaha dibadda Midowga Afrika ayaa shir uga furmay Addis Ababa, iyagoo ka wada-hadlaya qorshaha doorashada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika , oo la qorsheeyay in ay dhacdo bisha February ee sannadka 2025.

Inta kullamadaa ay u socdaan, waxay ka dooddi doonaan warbixinta qabyada ah ee ku saabsan u diyaar garowga doorashada ee dhammaadka mudda xileedka Moussa Faki, oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Afrika, si ay u beddelaana ilaa hadda waxaa la ogyahay labo musharrax oo u tartamaya xilka oo ka socda Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya, waxaa ka sharraxan oo raadinaysa xilka ugu sarreeya qaarada Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, waana haweenay khibrad sare u leh diblomaasiyada oo soo qabatay xilalka Ra’iisul wasaare ku-xigeen iyo Wasiirka Arrimaha dibadda, taasi oo ka dhigtay haweenaydii u horreysay ee xilalkaasi ka qabatay Soomaaliya.

Balse si ay u noqoto guddoomiyaha Midowga Afrika waa arrin u baahan olole ballaaran, waxaana ay tartan adag xilli h**e kala kulmaysaa Raila Odinga oo xilkan ay usoo sharraxday Kenya, kaasi oo taageerro weyn ka helaya Madaxweyne William Ruto, mar horana wuxuu billaabay ololihiisa, isagoo ka helay ballanqaadyo hoggaamiyayaasha bulshada bariga Afrika oo ah kuwa sannadkan kursigan ku tartamaya, oo uu ku jiro madaxweynaha Rwanda Paul Kagame iyo Madaxweynaha Uganda oo uu la kulmay.

Puntland Post

Madaxweynaha soo socda ee Puntland ayaa aad loogu saadaalinayaa Amb. Axmed Ciise Cawad.
05/01/2024

Madaxweynaha soo socda ee Puntland ayaa aad loogu saadaalinayaa Amb. Axmed Ciise Cawad.

Amb Axmed  Cawad  waa xulashada ugu fiican tartamayaasha  marka laga eego dhanka aqoonta iyo khibrada dawlad dhiska Soom...
01/01/2024

Amb Axmed Cawad waa xulashada ugu fiican tartamayaasha marka laga eego dhanka aqoonta iyo khibrada dawlad dhiska Soomaaliya.

13/12/2023

Siyaasiga ay Puntland u baahan tahay.

Musharaxa loo saadaalinaya madaxweynaha cusub ee Puntland Axmed Ciise Cawad oo maalmaha soo socda ku soo wajacan magaala...
10/12/2023

Musharaxa loo saadaalinaya madaxweynaha cusub ee Puntland Axmed Ciise Cawad oo maalmaha soo socda ku soo wajacan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

10/12/2023

Musharaxa ugu cadcad Puntland.

Xigasho: Puntland PostXiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa maanta laga dareemaya magaalada Garoowe kadib markii halkaas ...
19/11/2023

Xigasho: Puntland Post

Xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa maanta laga dareemaya magaalada Garoowe kadib markii halkaas dowladdu ku soo daabushay cutubyo ka tirsan ciidanka PMPF.

Ciidamada taabacsan Mucaaridka ayaa sidoo kale dhankooda samaynaya dhaq dhaqaaqyo islamarkaana ku jira diyaar-garow ciidan sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa saamayn ku yeeshay shacabka ku dhaqan caasimadda waxaana laga bara-kacay xaafadaha qaarkood iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaal ka dhaco magaalada.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in goobaha Waxbarashada ay xiran yihiin islamarkaana aan saaka loo shaqa tegin xarumaha dowladda qaarkood.

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Live Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Puntland Live Media:

Share