Nabad iyo Nolol

Nabad iyo Nolol Kala soco warar Xaqiiqo ah oo Sugan

27/10/2024

Waxaa jira waxyaabo cajiib ah oo maanta la maqlay!

Markii u horreysay tan iyo bilowga dagaalka , Wasiirka difaaca Israa’iil, Yoav Gallant wuxuu ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasabad lagu xusay weerarkii 7 Oktoobar oo lagu qabtay waqooyiga Telaabiib; “ Soo celinta maxaabiista lagu heysto Qasa waxay u baahantahay tanaasul xanuun badan— Waa inaan tan u sameynaa maxaabiista iyo qoysaskooda.” Wuxuu intaa ku daray ; “ Hadaf kasta laguma gaari karo howlgal militari.”

Hadalkan iyo goobta laga jeediyayba waxaa laga arki karay surtagalnimada in la arki karo isbeddelo ku yimaada dagaalka, balse waxyar kaddib waxaa la maqlay hadal kale ; Madaxweynaha Masar, Cabdifitaax Al Sisi ayaa ka sheegay maanta Qaahira in uu soo bandhigayo hindise xabbad-joojin labo maalin ah oo laga hirgeliyo Qasa, si loo sii daayo afar maxbuus oo Israa’iiliyiin ah oo ay Xamaas ku beddelanayo maxaabiis Falastiiniyiin ah iyo gargaar loo oggolaado inuu Qasa galo gaar ahaana waqooyiga oo go’doon ah, haddii la isla qaato isla waqtigaaba wuxuu sheegay in laga shaqeynayo hindise kale oo muddo dheer ah, si loo gaaro hadafka dagaalka oo la soo afjaro. Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa sidoo kale maanta soo bandhigtay in Dooxa lagu diyaariyay heshiis ugu yaraan bil ah , oo la doonayo dhinaca Israa’iil inay ku caddeyso in muddadaa lagu gaaro heshiis soo afjaraya dagaalka oo ah waxa ay doonayso Xamaas.

Suragal ma tahay in dagaalka Qasa la soo afjaro?

Waxaa jira calaamado badan oo ku filan inay ku qasbaan Israa’iil joojinta dagaalka , sababtoo ah si aysan horey u qiyaasin Israa’iil ayaa u dhiig baxaysa, waxayna xaka-meyn la’dahay dagaalka, hadda celcelisay in ka badan 2 bilyan oo dollar ayaa toddobaad ka yar ku baxaya dagaalka , waxaa dheer in sidoo kale celcelis 3 askari ay ka dhimanayaan 6 saac oo kasta Israa’iil, sidoo kale Israa’iil ayaa ku dhacday dabin, howlgalka dhulka ee Lubnaana wuxuu noqday mid argagax iyo dhul-gariir ka dhaliyay gudaha Israa’iil, sababtoo ah wax ka yar labo bilood ku dhawaad kun askari ayaa lagu qiyaasaya inay dagaalka ku lumisay Israa’iil , waxaana laga saaray dagaal ku dhawaad labo kun oo kale oo dhaawacyo halista loo geystay , sababtoo ah ciidanka Israa’iil ayaa ku soconaya dhul la geliyay miinooyin la hago , taasoo ah waxa ay kala kulmayaan dhulka kala dheer ee xadka koonfurta Lubnaan. Waxayna halkaa kala kulmeen dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo loo adeegsaday hub awood badan oo casri ah iyo gantaallo la hago, waxaana la curyaamiyay dhaqdhaqaaq kasta oo ciidanka Israa’iil.

Wax ka badan labo toddobaad , dadka ku nool magaalada saddexaad ee ugu weyn dhulka Israa’iil ay heysato ee Haifa iyo guud ahaan gobolka waqooyi ayaa la kulmaya bandow, ka dhashay weerarrada joogtada ah ee gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullah ay ku weerarrayso dhulkaa, tana waa wax kale oo ku qasbaya Israa’iil, inay qaadato tanaasul, sababtoo ah maalin kasta hal milyan oo qof ayaa lagu qasbaya inay gabaad galaan, halkii ay ahayd in gobolka waqooyi Israa’iiliyiinta lagu celiyo, wuxuu dhaliyay duulaanka dhulka ee Lubnaan in kumannaan kun oo kale ay barakacaan, tana waa sababta uu Gallant u adeegsanayo ‘xalku inuusan ku jirin dagaal iyo howlgal militari’.

Maxay ka dhigantahay joojinta dagaalka?

Dhab ahaantii dagaalka oo la joojiyo , waxay la macno tahay Netanyahu oo is deldelay, sababtoo maalinta ciidanka laga saaro dagaalka, waxaa xigta waqti mugdi ah oo uu la kulmayo Netanyahu, tani waxay la xiriirtaa kooxda midigta fog ee xukuumadda Netanyahu, kuwaasoo aan dooneyn dagaalka in la soo afjaro, haddii ay dhacdana waxay maxkamad geynayaan illaa ay xabsiga geliyaan Netanyahu, xalku waa in dabaal siyaasadeed uu ka helaa Mareykanka , markaa wuxuu ku dhiirran karaa Netanyahu inuu ku raaco Gallant joojinta dagaalka, sababtoo ah wuxuu doonayay wasiirka difaaca ka hor howlgalka Lubnaan in ciidanka laga saaro Qasa , balse waxaa diidday Netanyahu oo ay riixayeen kooxda midigta fog illaa Gallant loogu hanjabay in la casilayo.

Hanjabadaa Iran;

Intii uu booqanayay wasiirka arrimaha dibadda Iran , Abbas Araghchi dalalka Carabta iyo Turkiga , wuxuu la wadaagay inay Iran geli doonta dagaal, haddii aan la soo afjarin duulaanka Israa’iil ee Qasa iyo Lubnaan, sababtoo ah dagaalka ayaa hadda u muuqda inuu isku beddeli doono mid ka soo horjeeda Iran, waqtigaanna ma ay doonayso Iran inay gasho dagaal ballaaran, waxayna hadda adeegsanaysa kaarkeeda cadaadiska ee dalalka gobolka , sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Muxuu ka dhiganyahay hadalkan?

Waxay u muuqataa inay Iran markan dareemayso hoos u dhaca, sababtoo ah dhimashada hoggaanka sare ee dhaqdhaqaaqyada iyo dagaalka uu ku dhow in lagu soo jiido Mareykanka , waxay ku dhaweynaysa Iran khatarta, waqtigan waxay u aragtaa Iran marxalad muhiim ah oo ay u baahantahay dib u habeyn ballaaran , sababtoo ah dagaalka sannadka ka badan socda wuxuu hab dhaqaale iyo awoodeed u sameeyay Iran , horumarinteeda nidaamyada gantaallada iyo barnaamijka nukliyeerka ayaa sidoo kale ku dhow inay naafo noqdaan, taana waxay Iran ka doorbidaysa inay gasho dagaal gobol oo kaliya bartilmaameedku uusan ahayn Israa’iil ee markaa waxay Iran ku dhufan doonta bartilmaameedyada gudaha dalalka khaliijka , sida laga maqlay saraakiisha Iran, iyadoo warbixin lagu baahiyay wargeyska New York Times, lagu sheegay inuu Abbas Araghchi, ku wargeliyay Sacuudiga iyo dalalka khaliijka inuusan siin doonin dammaanad qaad amni haddii Israa’iil ay ku sii socoto dagaalka , khatartuna waxay gaaraysa ceelasha shidaalka!, tana waa mid ka mid ah waxyaabihii hoos u dhigay weerarkii Sabtidii ay ku qaaday Israa’iil gudaha Iran.

Arrimahan oo dhan waxay u muuqdaan inay ka dhigantahay maalmaha iyo bilaha soo socda inay yihiin waqti muhiim ah u ah colaadda bariga dhexe.

Hadda , waxaa soo dhammaaday qormadan waxaan kaga tagaya fikradaada..!

27/10/2024
27/10/2024

Weerar u muuqda in loo adeegsaday gaari xamuul ah oo la dul marin tobannaan qof ayaa ka dhacay magaalada Telaabiib , halkaa oo ay booliiska sheegeen in dad badan ay xaalad halis ah wajahayaan , sida ay Al Jazeera ka soo xigatay Booliiska Israa’iil.

Wargeyska Yedioth Ahronoth ee ka soo baxa Israa’iil, ayaa dhankiisa ku warramay tiro badan oo dad ah oo dhaawac ah inay ku xannibadan yihiin gaariga hoostiisa, kuwaasoo ku jira xaalad halis ah.

Fiiro gaar ah;

Wali ma cadda inay dhacdadaani weerar tahay ama shil, wallow warbaahinta Israa’iil ay ku warramayaan in goobta dadka lagu jiiray oo ah xarun laga raaco gaadiid ah dadweynaha ay u muuqato si ula kac ah in gaariga xamuulka ah dadka loo jiirsiiyay, halka wararkii u horreysay ay sheegayaan in booliiska Telaabiib ay toogteen ninkii waday gaariga xamuulka ah.

Xilliga uu dhacay weerarka Turkiga; Weerarka ka dhacay xarunta wax soosaarka hawada ee militariga Turkiga ee TUSAS (TAI)...
23/10/2024

Xilliga uu dhacay weerarka Turkiga;

Weerarka ka dhacay xarunta wax soosaarka hawada ee militariga Turkiga ee TUSAS (TAI), gelinkii dambe ee Arbacada maanta , wuxuu u muuqda weerar lagu beegay dhacdooyin muhiim ah; Wuxuu yimid weerarka iyadoo Turkiga uu ku dhowyahay inuu dhammeystiro mashruuciisa u horreeya ee diyaaradaha dagaalka jiilka shanaad, sidoo kale weerarka ayaa lagu soo aadiyay xilli Turkiga uu qabanayo bandhigga ugu weyn ee warshadaha difaaca oo saraakiisha Turkiga ay ku sheegeen inta lagu jiro bandhigga in la saxiixi doono heshiisyo waa weyn, xaruntan ayaa soo dhaweysay dhawaan saraakiil ka socda Sacuudiga oo lagu sheegay dalalka ugu horreeya ee doonaya inay Turkiga la gaaraan heshiis wax soosaarka difaaca, sidoo kale weerarka wuxuu ka dhacaya meel aan ka fogeyn caasimadda Ankara , xilli madaxweyne Erdogan uu ku suganyahay Ruushka , isagoo ah hoggaamiyaha kaliya ee ka socda isbahaysiga NATO oo ka qeybgalaya shir madaxeedka BRICS.

Weerarka wuxuu dhacaya xilli la sheegay in Turkiga ku dhaqaaqayo isbeddelo siyaasadeed oo lagu wajahayo marxaladda dunidda oo ay ka mid tahay colaadda bariga dhexe , wuxuuna isku diyaarinayay Erdogan inuu ku dhawaaqo dhacdo weyn oo xabsiga looga siideynayo hoggaamiyaha ururka PKK oo Turkiga u diiwaangeliyay inay yihiin urur argixiso ah, sii deynta hoggaamiyaha ururkana waxaa ku jirta heshiis lagu baabi’inayo ururka PKK.

Xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte oo hadlay waxyar kaddib weerarka wuxuu sheegay in weerarka Ankara uu yahay mid murugo leh , isbahaysiguna garab taaganyahay xulafadooda Turkiga.

Hadalkan kaddib, waxay warbaahinta Turkiga baahisay hadalka la-taliyaha madaxweynaha Turkiga , Yiğit bulut oo sheegay in kuwii ka diidday Turkiga inay ka iibiyaan diyaaradaha dagaalka ee jiilka shanaad , in hadda la arkayo iyadoo la weerarray xarumihii uu Turkiga ka billaabay inuu ku soo saaro diyaaraddo dagaal oo jiilka shanaad ah. Dabcan wuxuu u muuqda hadal ku socda Turkida diiddan NATO iyo Israa’iil inay dhibaato u geysan karaan Turkiga.

Kooxda weerarka fulisay oo sawirro laga baahiyay laga arkay labo qof oo gaari taksi ah goobta ku yimid , mid ka mid ah waa haweenay , waxaana la sheegay inay u suragashay inay gudaha u galaan xarunta oo ay gacanta ku dhigaan qaar ka mid ah injinaarada xarunta. Inta la xaqiijiyay weerarka 4 ayaa ku dhimatay 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Wixii ku soo kordha isla bartan ayaad ka heli doontaa, haddii rabbi idmo.

Xog ku saabsan diyarad Mareykan ku u siyay gumaystaha israel ee ay muslimka iyo wadama carbta ka baqan lona ogalayn in l...
23/10/2024

Xog ku saabsan diyarad Mareykan ku u siyay gumaystaha israel ee ay muslimka iyo wadama carbta ka baqan lona ogalayn in la siyo xogteduna tahay mid qarson.

1. F-35 Lightning II (Mareykanka):

Nooca: Waa diyaarad dagaal oo casri ah oo jiilka shanaad ah, oo leh tiknoolajiyada ugu sarreeya ee “stealth” (qarsoodi ah) taasoo ka dhigeysa mid aad u adag in lagu ogaado raadaarada cadowga.
Stealth F-35 waxay leedahay awood aan caadi ahayn oo ay uga dhuuman karto raadaarada. Tiknoolajiyadeeda “low observable” ayaa siinaysa faa’iido weyn marka ay ku jirto hawlgallada dagaalka, gaar ahaan marka la weerarayo bartilmaameedyada waaweyn ee ay haystaan difaac xooggan.
Avionics diyaaradda F-35 waxaa ku rakiban qalab tiknoolajiyad sare leh oo ay ka mid yihiin radar-keenka casriga ah (AN/APG-81 AESA radar) nidaamka dareemayaasha isku xidhan iyo qalab loogu talagalay inuu u fududeeyo duuliyaha in uu arko dhammaan xaaladaha dagaalka (situational awareness) Waxay u suurto galinaysaa in F-35 ay si shall ah u ogaato cadawgeeda iyada oo iyadu aan si fudud loo arki karin.
Hawlgalka badan: F-35 waa diyaarad leh awood hawlgallada badan (multi-role) waxayna adeegsan kartaa hub kala duwan sida gantaallada hawada-hawada iyo hawada-dhulka. Waxay si weyn ugu habboon tahay hawlgallada weerarka dhulka iyo difaaca hawada.
Xawaaraha iyo Dabacsanaanta F-35 waxay leedahay xawaare dhexdhexaad ah marka loo barbardhigo Su-35 (Mach 1.6) laakiin waxay ku wanaagsan tahay hawlgallada qarsoon (stealth missions) iyo weerarrada fog.

18/10/2024

Yaa beddelaya Sinwar?

Haddii ay Xamaas xaqiijiso dhimashada Yaxye Sinwar , markaa waa in laga hadlaa cidda beddelaysa hoggaamiyahan oo la wareegaysa madax xafiiska siyaasadda iyo qofka u dambeeya ee qaadanaya go’aamada ururka.

Waxaa jira labo magac oo la billaabay hadda in lag hadlo. Saraakiisha Mareykanka ayaa CNN Carabi u sheegay in walaalkii Sinwar oo lagu magacaabo Mohammed Sinwar laga yaabo inuu beddelo, waxayna ku si feeyeen mid aad u ad adag sida Yaxye, oo leh mowqif adag.

Magaca kale waa Khaliil Al-Hayya, oo hadda ah ku-xigeenka madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas oo ku sugan Qatar, wuxuuna hoggaamiya wada-xaajoodyada dhexdhexaadiyaasha.

10/10/2024

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay maanta weerarreen markabka shidaalka qaada ee OLYMPIC SPIRIT oo Mareykanka laga leeyahay iyo markabka kale ee ST.JOHN , iyagoo ku eedeyay inay jabiyeen xannibaadii saarnayd maraakiibka xiriirka la leh Israa’iil iyo dalalka taageerra ee reer galbeedka.

Fiiro gaar ah;

Afhayeenka Xuutiyiinta, Yaxye Sariic oo warbaahinta usoo bandhigay weerarrada ay la beegsadeen maraakiibtan, ma sheegin inta ay gaarsiisan tahay khasaaraha gaaray maraakiibtan.

09/10/2024

Puntland

25/04/2024

: Doorashooyinka qof iyo cod ee Garoowe, Godob-jiiraan iyo Dangorayo oo la qabanayo.

Wasaarada arimaha gudaha Puntland agaa kulan la yeelatay xisbiyasada siyaasada Puntland kaas oo looga wada-hadlayay sidii looga wada-shaqayn lahaa qabsoomida Doorashooyinka 3-Da Degmo ee Garowe, Godobjiraan iyo Dangarayo iyo dhamaystirka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Dhiman ee kala ah Jariiban, Bursaalax, Murcanyo iyo Xumbays.

" Intii shirku socday waxaa la is dhaafsaday dood wax ku ool ah oo u dhaxaysay madaxdii kala duwanayd ee shirka ka soo qaybgashay, taas oo daaranayd muhiimadda ay leedahay in isku bog laga ahaado dhammaan Arrimaha hortabinta u leh Geedi-socodka Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland" ayaa lagu yiri warsaxafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha gudaha Puntland.

Sidda aan xogta ku helnay xukuumada Puntland ayaa qorshaynaysa in dhamaadka sanadkaan la qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dhiman, sidoo kalena la guda-galo dib u habaynta dastuurka Puntland.

Nabad Nolol Follow dheh

Address

Garowe
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nabad iyo Nolol posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share