Baahiye Media Group

Baahiye Media Group Waxaan Nahay War-arag, aaminsan aragti kasta oo wanaagsan inay tahay dan-guud iyo dan-wadaag.

11/10/2025

Boosaaso: Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ahna Duqa Degmada Boosaaso, Dr. Abdirahman Abdullahi Ali, ayaa caawa daahfuray Koobka 16-ka Laamood ee Xaafadaha Magaalada Boosaaso, kaas oo si rasmi ah u furmi doona maalinta berri ah.

Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa ka soo qaybgalay xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka, Taliye Ku-xigeenka Qaybta Gobolka Bari, Khalid Ukun, Guddoomiye Ku-xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta Puntland, Maxamed Ismaaciil (Cunaaaye), iyo Guddoomiyaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Bari, Muuse Wood (Darbaal).

Koobkan ayaa lagu xoojinayaa isku-xirka dhalinyarada xaafadaha, kor u qaadidda isboortig ,wadajirka bulshada, dhiirrigelinta ciyaaraha nabadda iyo isdhexgalka bulshada ee magaalada Boosaaso.

Duqa Degmada Boosaaso, Dr. Abdirahman Abdullahi Ali ayaa sheegay in maamulka degmada uu mar walba garab taagan yahay dhalinyarada iyo horumarinta ciyaaraha, isaga oo ku baaqay in tartanka lagu ciyaaro si nabad iyo is-xurmad leh.

Guddoomiyaha degmada Boosaaso, Dr. Cabdirahman Cabdullahi Cali oo ay wehliyaan mas’uuliyin ka socda wasaaraddaha warfaaf...
04/10/2025

Guddoomiyaha degmada Boosaaso, Dr. Cabdirahman Cabdullahi Cali oo ay wehliyaan mas’uuliyin ka socda wasaaraddaha warfaafinta iyo deegaanka Puntland ayaa maanta kormeer iyo indha-indhayn ku tegay deegaanka dalxiiseedka Mareero ee degmada Bosaaso. Kormeerkan ayaa qayb ka ah diyaarinta todobaadka dalxiiska oo dhawaan lagu qaban doono deegaankaas.

01/10/2025

Bosaaso: Duqa Degmada Boosaaso Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali oo daahfuray caawa kulanka Guddiga Horumarinta Degmada Bosaaso iyo Dadwaynaha Magalada.

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Baahiye Media Group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Baahiye Media Group:

Share