Gurmad Tv

Gurmad Tv Broadcasting & Media Services

WAR SAXAAFADEED GOLAHA XUKUUMADDA PUNTLAND.Garoowe, 6 August 2026Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee qabsooma...
06/08/2026

WAR SAXAAFADEED GOLAHA XUKUUMADDA PUNTLAND.

Garoowe, 6 August 2026
Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 6-da Agoosto 2026, uuna shir guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku Xigeenka ayaa si qoto dheer looga dooday xaaladda amni ee Puntland.

Goluhu wuxuu bogaadiyey hawlgalada amni ee ay Ciidamda Difaaca Dowladda Puntland maalmahaan ka fuliyeen qaybo kamid magalooyinka Puntland, kuwaas oo lagu fashiliyey duullaan qorshaysan oo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku doonayey in lagu khalkhal geliyo amniga iyo dowladnimada Puntland.

Goluhu wuxuu farayaa dhammaan hay’adaha amniga in aan gudaha deegaannada Dowladda Puntland lagula dhex socon karin ciidan iyo gaadiid aan ka tirsanayn hay’adaha amniga rasmiga ah ee Dowladda Puntland. Sidoo kale, in ciidamadu ka hortagaan, kana hawlgalaan dambiyada abaabulann ee ka dhaca biyaha badaha sida Burcad Badeedda iyo kallumaysatada sharci darrada ah iyo in cid kasta oo ku soo xad gudubta biyaha badaha Puntland talaabo adag oo waafaqsan sharciga laga qaado.

Goluhu wuxuu go’aamiyey in hay’adaha Caddaaladda ee Dowladda Puntland loo gudbiyo magacyada xubnaha siyaasiyiinta, saraakiisha iyo shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay ku lug leeyihiin falal lagu khalkhal gelinayo amniga iyo nidaamka
dowladnimada Puntland si caddaaladda loo horkeeno.

Goluhu wuxuu xasuusinayaa dhammaan warbaahinta iyo saxaafadda ka hawlgasha gudaha Puntland inay ilaaliyaan xeerarka saxaafadda Dowladda Puntland iyo anshaxa guud ee mihnadda saxaafadda.

Goluhu wuxuu go’aamiyey in tallaabooyin waafaqsan sharciga laga qaado mulkiilayaasha iyo adeegsadayaasha Baraha Bulshada ee caadaystay baahinta warar aan xaqiiqda ku dhisnayn, laguna sumcad xumaynayo nidaamka dowladnimada Puntland.

Goluhu wuxuu farayaa ciidamada kala duwan inay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka iyo qawaaniinta kale ee dhawraysa xuquuq insaanka.

Ugu dambayn, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Puntland inay door muuqata ka qaataan ilaalinta amniga, xasilloonid iyo wadajirka bulshada, si loo adkeeyo nabadda iyo dowladnimada Puntland.

06/08/2026

WAR SAXAAFADEED

Garoowe, 6 August 2026, Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 6-da Agoosto 2026, uuna shir guddoomiyey Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Madaxweyne ku Xigeenka ayaa si qoto dheer looga dooday xaaladda amni ee Puntland.

03/08/2026

Hooyo Xaliimo Puntland, Xasanoow Haalkaad ku ogayd ma joogtee hawada ka eeg.

03/08/2026

2 daqiiqo ku milicso 28 sano oo Nabad iyo Dawladnimo .
©PDRC

20/07/2026

Salaada Safarka ee lasoo gaabiyo

20/07/2026

Waalidka malagu khasbi karaa wixii dantiisaa?

20/07/2026

Qof waayeel ah oo nool ma loo soomayaa?

16/07/2026

Sheik Mohamed Sheik Omar Dirir, Qabyaaladda aan iska dayno Soomaaliyeey.

16/07/2026

Sheikh Dirir,Aduunka waxaan ku nahay safar aakhiro aan u shaqaysano

Address

Garowe

Telephone

+252905741115

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gurmad Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gurmad Tv:

Shortcuts

Share

Category