05/05/2026
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowladda Puntland, Mudane Yusuf Axmed Maxamud Barre (Faatax), ayaa si diirran ugu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha wafdi heer sare ah oo ka socday Qaramada Midoobay, kaas oo ay hoggaaminaysay Shoko Nodo, Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah Agaasimaha Guddiga Xasaradaha ee UNDP.
Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhexeeya Puntland iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, dhismaha hay’adaha dowliga ah, iyo taageerada mashaariicda horumarineed.
Labada dhinac ayaa isla qaatay in la dardargeliyo iskaashiga, si loo gaaro horumar waara oo ka faa’iideysta shacabka Puntland.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa barnaamijyada la xiriira nabad-dhiska, maareynta xasaradaha, iyo kor u qaadidda adeegyada bulshada, kuwaas oo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka guud ee deegaannada Puntland.
Kulanka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin sare oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL, Agaasimaha Dabagalka Mashaariicda, Duqa Degmada Boosaaso, iyo xubno ka socday Madaxtooyada Dowladda Puntland, kuwaas oo dhammaantood muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah.
Ugu dambeyn, wafdiga Qaramada Midoobay ayaa bogaadiyay dadaallada Puntland ee ku aaddan horumarinta iyo xasillinta, iyagoo ballanqaaday in ay sii xoojin doonaan taageeradooda, si loo gaaro yoolal horumarineed oo waxtar u leh bulshada.
Garowe Post