01/01/2025
Hay’adda Badbaado Organization iyo Ha’ayada Dan Somala oo kaashaneysa Ha’yada DRC ayaa Qalab Caafimaad gaadhsiisey Cusbitaalka Guud ee Laascaanood .
Qalabkan Caafimaad ayaa ah Mashiino kala Duwan oo loo adeegsanayo Howlaha Caafimaad ee Cusbitaalka Kuwaas ay baahi u qabeen cusbitaalku horeyna uusan u oo lin qalabkan cusbitaalka .
Qalabkan la keeney Cusbitaalka ayaa ka mida :
-CBC Mechine,
-Chemistry Analyzer,
-I-Chroma, Incubator,
-All Culture Requirements,
-Tallaagada Dhiiga lagu keydiyo (Blood Bank) iyo Qalabkoo kale oo Lamida oo Casri ah, Waxaana masuuliyiinta Hay’addani ay ku wareejiyeen agaasimaha guud ee Cusbitaalka guud ee Laascaanood Dr .Axmed Maxamed Xasan .
Dhinaca kale , Hay’adda Badbaado ayaa horey tiroba illaa 4 Jeer u keentay Cusbitaalka Qalab Caafimaad, iyo Mashariic kale oo ay ka fuliyeen Cusbitaalka.
Agaasimaha Cusbitaalka ayaa uga mahadnaqey Hay’adani sidey u garab taagan tahay mar walba Cusbitaalka , iyadoo uu sheegey inay horey u qalabaysay Qaybaha Sheybaadhka ee Cusbitaalka walow ay qalabkaasi ku bur bureen cusbitaalka xilligii Cadowga Somaliland ay duqeeynayeen Cusbitaalka.