Dalmar Media Services

Dalmar Media Services This is the official page of Dalmar Media Services (DMS). It is a news network that publish Dalmar Media Services (DMS)
(2)

Kulan Duco, Alle Bari, Xusuus Taariikheed iyo Maamuus ahaa po loo sameeyay Marxuum Ali Faarax Cali (AUN) Agaasimihii H**...
07/11/2025

Kulan Duco, Alle Bari, Xusuus Taariikheed iyo Maamuus ahaa po loo sameeyay Marxuum Ali Faarax Cali (AUN) Agaasimihii H**e ee Xarunta PDRC


Xarunta Cilmi-baarista iyo Horumarinta ee PDRC (Puntland Development Research Center) ayaa caawa si mug leh kulan maamuus iyo xasuus ah u samaysay agaasimihii h**e, Marxuum Ali Faarax Cali, oo dhawaan geeriyooday. Waxaa halkaas lagu qabtay kulan isugu jira Duco, Alle Bari, iyo Xusuus qoto dheer oo lagu beegsanayo taariikhda wanaagsan ee uu ka tagay.


Waxaa kulanka soo xaadiray madax kala duwan, asxaabtii uu Marxuumku mudada dheer la soo shaqeeyay, qoyska, iyo ehelada Marxuumka, iyo guud ahaan hal-doorka bulshada.

Ujeedada koowaad ee kulanku waxa ay ahayd in Marxuumka loogu duceeyo in Alle Jannadii Firdowsa ka waraabiyo, sidoo kalena lagu xuso doorkii Asaaska iyo Hogaaminta ee uu ku lahaa PDRC. Waxaa si gaar ah loo iftiimiyay adeegyadii Bulshada iyo horumarkii uu ummadda usoo hooyay intii uu noolaa.

Marxuum Ali Faarax Cali (AUN) waxa uu ka mid ahaa Aqoonyahannadii Hal-abuurka lahaa iyo Hal-doorkii ugu waaweynaa ee Bulshada Puntland iyo Soomaalida guud ahaan.

​"Marxuumku waxa uu ka tagay taariikh aan duugoobayn, oo ku qotonta Daacadnimo, Dulqaad, iyo Hogaan toosan oo Hufan. Wuxuuna noqday tusmayn iyo tusaale dhaxal gal ah oo jiilka cusub ku daydaan."


Kulanku waxa uu ku dhammaaday jawi murugo iyo xushmad isugu jira, iyadoo dhamaan dadkii ka soo qaybgalay ay u duceeyeen Marxuumka, kana marag kaceen wanaagii uu ummadda u qabtay.

07/11/2025

Gudoomiy Mohamed Baarri ayaa ka Qayb Galay ku loogu Duceenayay Alle ha u naxariiste, Ali Farah Ali Farmayeeri Agaasimihii hay'adda Puntland Development Research Center-PDRC

Kulan Duco iyo Xusuus Taariikheed – Marxuum Agaasime Ali Farah Ali (Ilaahay ha u naxariisto)Waxaa caawa lagu qabanayaa x...
07/11/2025

Kulan Duco iyo Xusuus Taariikheed – Marxuum Agaasime Ali Farah Ali (Ilaahay ha u naxariisto)

Waxaa caawa lagu qabanayaa xarunta Puntland Development and Research Center (PDRC) kulan duco iyo xusuus taariikheed ah oo loo sameynayo Marxuum Ali Farah Ali, Agaasimihii h**e ee xarunta, oo dhowaan geeriyooday.

Kulankaas oo ay kasoo qaybgaleen madax kala duwan, asxaabtii uu lasoo shaqeeyey, qoyska iyo ehelada Marxuumka,Kulanka ayaa lagu xusi doonaa doorkii muhiimka ahaa ee uu ku lahaa dhismaha iyo horumarinta xarunta PDRC, iyo guud ahaan adeegyada bulshada ee uu bulshada usoo qabtay intii uu noolaa.

Marxuum Ali Farah Ali waxa uu ka mid ahaa aqoonyahannadii iyo haldoorkii bulshada Puntland, wuxuuna ka tagay taariikh wanaagsan oo ku saleysan daacadnimo, dulqaad, iyo hoggaan toosan.

07/11/2025

Ciidamada Difaaca Dowlada Puntland oo Goobo kala Wareegay Firxadka Argagaxisada Halkaan Waa Ceel baraka leh Dhanka Bari ayeey Ciidanku kala Wareegayn asbuucaan Howlgalku Waa Gaba Gabo

07/11/2025

Calmiskaad Ciisamada Difaaca Dowlada Puntland oo Firxadka Argaxisada ka Qabtay Boorso Lacag ah Talgarmka ka soo Daawo https://t.me/Dalmarmediaservice

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Mahamad ali Nuur Juba ayaa Yiri  Talo bixin :Doorka Siyaasiinta ee Me...
07/11/2025

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Mahamad ali Nuur Juba ayaa Yiri Talo bixin :Doorka Siyaasiinta ee Metela Deegaamadooda Puntland.

Waxaa muhiim ah in siyaasi kasta oo matala deegaan uu yeesho xiriir dhow iyo talo-wadaag joogto ah oo uu la yeesho bulshada uu wakiilka ka yahay. Tani waxay xaqiijinaysaa in siyaasadaha iyo go’aanada laga gaaro heer dowladeed ay ka tarjumaan baahiyaha dhabta ah ee deegaanka.

Sidoo kale, siyaasiyiintu waa in ay muujiyaan mas’uuliyad muuqata oo ku saabsan horumarinta adeegyada bulshada, isla markaana ay bulshada ku dhiirrigeliyaan ilaalinta dowladnimada iyo midnimada siyaasadeed ee Puntland.

Ujeeddadu waa in hoggaamintu noqoto mid mideysa bulshada, kobcisa kalsoonida, isla markaana horseed u noqota horumar waara

07/11/2025

Ciidamada Difaaaca Dowlada Puntland oo si Yaab leh uga Daba Fuulay Buur dheer Firxadka Argagaxisada kuwaasoo islahaa Halkaas ayaad ayaaamo ku Bad Baadin Kartaan Balseh Waxaa dhacday in lagu Warjeefo Argaxaisada Dac1*sh

Xildhibaanada Asma Faarax Ismaaciil oo katirsan golaha deegaanka degmada Garoowe ayaa shaacisay inay gurigeeda waxyeelo ...
07/11/2025

Xildhibaanada Asma Faarax Ismaaciil oo katirsan golaha deegaanka degmada Garoowe ayaa shaacisay inay gurigeeda waxyeelo ka soo gaartey rasaas ay iswaydaarsanayeen ciidanka ammaanka saldhigga Galbeed ee Garoowe iyo kooxo isticmaala waxyaabaha maanka dooriya oo habeenimadii xalay weerar ku soo qaaday.

"Xalay Abbaaro 11:30 PM Saldhiga Galbeed ee Garoowe oo aan daris dhow lanahay waxaa ka bilaabatay is-rasaasayn xooggan oo nagu kalliftay dhibaato iyo cabsi ilaa xilligaasna ma aanaan garanayn waxaa sababay, gurigeena waxaa soo galay qaybo kamid ah rasaastii lays waydaarsanayey oo ku dhacday qaybo kamid ah gidaarada iyo albaabada guriga inkastoo Alle mahaddii aysan waxba nagu gaarin, Subaxnimadii saaka waxaa naloo sheegay inay saldhigga soo weerareen koox Cabtooy ah oo hubaysan.

Waxaan ciidanka ammaanka ku ammaanayaa sida ay marwalba ugu taagan yihiin sugidda amniga, waxaana shacabka ugu baaqayaa inay ku garab siiyaan waajibaadkooda iyo sidii ay u qaban lahaayeen cidkasta oo ku kacda falal nabadgelyada wax u dhimaya", Ayey tiri xildhibaanad Asma Faarax.

Saldhigga Galbeed ee Garoowe ayaa kamid ah goobaha ay sida rasmiga ah ula wareegeen ciidankii dhawaan tababarku ugu soo xirmay kulliyadda Carmo ee loo xil-saaray sugidda ammaanka guud ee Garoowe.

07/11/2025

Siyaasi Jabiye" Habeenkii baan Deni u dhuuman jiray oo wixii xisbiyadu ku heshiiyeen u gayn jiray"

Nabadoon Yaasiin Abdi Samad ayaa Yiri :Caddayn iyo Faahfaahin ku Saabsan Hadal H**e oo Si Khaldan loo Fasiray Waxaa qora...
06/11/2025

Nabadoon Yaasiin Abdi Samad ayaa Yiri :Caddayn iyo Faahfaahin ku Saabsan Hadal H**e oo Si Khaldan loo Fasiray

Waxaa qoray: Nabadoon Yaasiin Cabdisamad Cumar

Salaan kadib,

Waxaan doonayaa inaan caddayn ka bixiyo hadal aan h**e u jeediyay oo si qaldan loo fasiray, taasoo ay warbaahinta iyo saaxiibo qaarkood ay si kale u fahmeen.

Anigu ma ahi qof nacayb ama xumaan u qaba cid kasta oo Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Puntland iyo shacabka Garowe oo aan maanta dhex joogay.

Hadalkaygu wuxuu ku saabsanaa taariikh dhacday, oo la qoray, oo ay marag u yihiin dad badan oo maantay nool mana aha wax Yaasiin kaliya ogyahay taariikhdii lasoomaray.

Waxaan sheegay in colaadaha ka dhacay gobollada dhexe ee Soomaaliya ilaa xuduudda Kenya ay salka ku hayeen dagaalkii Mudug, taas oo markaas keentay in dad badan oo ku noolaa gobolkaas ay u kala.qaxaan deegaanada ugu dhawaa ee.ehelkoodu joogay xilgaasna nabada ahaa.

Qayb ka mid ah dadkaas waxay u soo guureen dhanka Puntland, gaar ahaan inta u dhexeysa Burtinle iyo Boosaaso, halkaas oo ay bulsho ahaan wax weyn ku soo kordhiyeen.

Waxaan markhaati ka ahay kaalintii ay reer Garowe ku lahaayeen difaaca iyo xoraynta Gaalkacyo,taas oo aanan cidna inkarikarin.

Dagaalkaas waxaa qayb libaax ka qaatay dhalinyaro iyo odayaal reer Puntland ah, waxaana xaqiiqo ah in Garowe ay maanta maqaamkeeda ku mutaysatay dadaalkaas iyo doorkeedii taariikhiga ahaa ee ilaalinta dalka iyo dadka ku dhexleedahay

Saaxiibkay Nabadoon Maxamed Daahir Garaase (Maryacade), waxaan rabaa inaan si kal iyo laab ah kuu sheego inaanan colaad abuurin, eedna aanan u jeedin cid gaar ah.

Garawe iyo dadkeedu wanaag bay iga mudan yihiin, waxaanan mar walba ku faanaa nabadda iyo horumarka ay gaareen.

Cumar Maxamuud iyo Ciise Maxamuudna waa dad walaalo ah , mana ogi cid aan si gaar ah u nacay ama u cambaareeyay.

Dhammaan wixii dhacay waa taariikh, waana in aan wax ka barannaa si aynaan u noqon khaladaadkii h**e.

Nabad iyo midnimo ayaa inaga wada dhaxaysaa, waana in aan u jeednaa dhanka horumarka iyo wada noolaanshaha.

Waxaan mar kale caddeynayaa in aanan colaadna hurin, xumaanana u hayn cidna.

Waxaan ku faraxsanahay wanaagga iyo horumarka Garowe, waxaana bogaadinayaa maamulka magaalada iyo shacabka dadaalkooda.

Ugu dambeyn, ha la ogaado in nabadda iyo runta taariikhdu aysan cidna u xumayn cina u fiicnay ee ay tahay dhigane la soomar

Nabadoone raga aad kala jifiyaynaysid dhulkaan difaaciisa waa wada lewyihiin
Waxaad ogtahay garwe markii akhwaanku qabsaday gaalkacyo waa soo gurmatay
ragaasina haybkasta oo dadka gobladaan daga ay ka koobnaayeen haba kala bateene
ragaas boosasay xoreeyeen ilaa saliin oo sanaagana waa socdeen waan raga aad kala suntaysid .

Waxay kawada qayb qaateen difaaca garawe marii tukaraq lasoofariistay
Waxay ka qayb qaateen xorayntii laascaano
Waxay hada wada joogaan calmiskaad oo bari salkiisa marka nina difaaca dakaan cid uguma abaal sheegan karo oo waa inaka dhexeeyaa
Hadaan leeyahay garawe quruxdewdu waa wiilasha ka difaacaya xuduudaha fogfog
Waa sababta ay ugula magac baxday amnibadan.
Wixii siyaasad ahaa ee la soomaray markoodaan ka hadlayaa midna adaaba ii qiray inaadan raali ka ahayn nabdii gaalkayo
Dabcan dadkula aragti ahaana waa jireen

OGOW REER PUNTI LAAN MAAHA CUMAR IYO CIISE EE WAA KA BADANYIHIIN
WALAALAHAYO CIISE MAXAMUUDNA ALLIHII NALA DHALIYAY BAAN UGA MAHAD MAQAYNAA ALXMDULILAAH

Waad mahadsan tihiin.
Nabadoon Yaasiin Cabdisamad Cumar

06/11/2025

DEG Muqdisho Arin Naxdin leh ayaa ka dhacday kadib Markii Hooyo Soomaaliyeed lagu Khasbad inay isbitaalka Banaan kiisa ay ku umusho Arin la Xeriirta Lacag Halkaan ka Daawo Muuqaalka https://t.me/Dalmarmediaservice

𝗣𝗥𝗘𝗦𝗦 𝗥𝗘𝗟𝗘𝗔𝗦𝗘Garowe: November 06, 2023: The Federal Government of Somalia, which has failed in all its mandated duties a...
06/11/2025

𝗣𝗥𝗘𝗦𝗦 𝗥𝗘𝗟𝗘𝗔𝗦𝗘

Garowe: November 06, 2023: The Federal Government of Somalia, which has failed in all its mandated duties and has been without a functioning leadership for months, is now dedicating its efforts to a campaign of "defamation, fabrication, and incitement."

The Puntland Government categorically denies any involvement in the civil war in Sudan or the alleged use of Bosaso Airport for operations against Sudan. Puntland strongly condemns the Federal Government for leveling these baseless and slanderous accusations against us.

These false allegations are a cheap attempt to tarnish the historic successes achieved by Puntland and its international partners in the fight against the international terrorists of Al-Miskad mountains in the Bari region. This defamation and fabrication only serve to support and encourage the ISIS and AS terrorists, whom Puntland and its allies have been fiercely combating for over a year.

Sudan is a brotherly nation. We deeply regret the internal conflict there and urgently hope for a return of peace and stability.

Furthermore, the Federal Government of Somalia has admitted to secretly funding militias within Puntland.

Therefore, the Puntland Government makes it clear that the only legitimate armed forces present in its territory are its own constitutional forces. No formal security architecture exists between Puntland and the Federal Government. Consequently, the Federal Government in Mogadishu bears full responsibility for any harm caused by the militias it admits to funding within our borders.

In conclusion, the Puntland Government extends its profound gratitude to its international partners—including the USA, UAE, UK, Ethiopia, and Kenya—for their support in the ongoing battle in the Al-Miskad mountains. We also thank the resilient people of Puntland, both at home and abroad, for their unwavering support of their government, which has been instrumental in preventing the terrorists from achieving their goals.

Address

Meeraysane Road
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dalmar Media Services posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dalmar Media Services:

Share

𝓓𝓪𝓵𝓶𝓪𝓻 𝓜𝓮𝓭𝓲𝓪 𝓢𝓮𝓻𝓿𝓲𝓬𝓮𝓼 - 𝓓𝓜𝓢

DMS was established 2012, and has earned the public confidence as the #1 online #breakingnews hub in #Somalia and a center for equipped outside broadcast Vehicles, Fly-away multimedia & broadcasting services in #Puntland.

Grab the latest unbiased #breakingnews stories, Research led documentaries and investigative journalism pieces in #Puntland and #Somalia by bookmarking our website:http://www.dalmarmedia.net

Follow us on Twitter: https://twitter.com/dalmarmedia3