
06/02/2025
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa bogaadiyey Ciidamada geesiyaasha ah ee Dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo guulo waaweyn ka gaaray jab xooggana gaarsiiyey kooxda Khawaarijta Daacisha ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.